CODKAAGA KU CIIL BAX (1)
Ahmed Arwo
Ahmed Arwo
Waxa dhammeystir ku dhow diiwaangelintii, waxaana kaabadda soo saran doorashadii lagu dooran lahaa Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa, oo noqonaysa tii labad ee ka dhacda dalkeena Soomaliland. Waa xili ku habboon inaynu miisaano xisbiyada iyo hoggaankii dalka soo hayey tan iyo doorashadii hore. Waxaan booqday qoraalo aan hore uga talo-bixiyey dorashooyinka, waxa i soo jiidatay maqaalo xidhiidh ah oon ugu magac daray; CODKAAGU YAANU CADOW KUGU NOQON. Maqaaladaasi waxay si qotodheer wax uga sheegayeen Maamulka Madaxweyne Riyaale.
Maanta oo leysu diyaarinaayo doorashada Madaxtooyada, waxa ii muuqata in dad badan oo Madaxweynaha u codeeyey ay noqdeen qaar codkoodi cadow ku noqday. Taas oo ah inay ku hungoobeen waxay filayeen. Taas darted ayaan cinwaanka maqaaladan xidhiidhka ah uga dhigay CODKAAGA KU CIIL BAX. Anigoo maqaalada soo socda si hufan balse baaxad leh ugu duri doonaa miisaanka waxqabadka dawladeena, ayaan kan muftaaxa ah uga dhigi doonaa wanqal aan ku kor-xaadiyo baahida bulshadu u qabto isbedelka iyo sida ay u tahay sunnaha dimuquraadiyada in isbedel yimaado, iyo isla markaas isbedelku ka uu yahay. Ma qofbaa? Ma gobalbaa mise waa xisbi? Keebaa ugu habboon.

Waxaan ku daah-furi isbedelada muddo sanad ah sida ay uga dhacayeen adduun-weynha iyo mandaqadda dalkeenu ka tirsan yahay. Dalalka dimuquraadiga ah isbedel waxa lagu tilmaamaa kolka xisbiga talada haya xisbi kale kala wareego. Waayo wax kasta oo qof awood leeyhay, waxa aanu marna ka talaabayn xaydaanka xisbiga iyo bulshada u codeysay ee codkooda uu kursiga ku hantay. Kolka dadku ka niyad jabaan waxqabadka inta xilka u haysa, oo dabcan ku timaada hab xisbi, waxay noqdaan qaar u boqoola dhinaca mucaaradka. Dhab ahaan mucaradku waxa uu ka faa’iideystaa qaladka iyo tamar darrada dawladda, kolkaas ayuu la yimaadaa barnaamaj waxqabad isagoo marwalba tusaaya sida uu uga leexan lahaa dariiqa ay ku fashilantay dawladdu.
Waxa ah xikamad laga hayo siyaasi weyn oo ka war-bixinaayaay doorashooyinka iyo xisbiyada, ayaa yidhi: MA JIRO MUCAARAD GUULAYSTAA EE WAXA FASHILA OO DHACA DAWLADDA... Taas macnaheedu waxa uu yahay in dawladdu hadday wanaag fasho ooy noqoto mid waxtar u leh bulshadu, inaan laga guulaysan karin. Waana tan dadweynahu u noqdaan xukaamta kala saareysa xisbiyada, iyagoo ku qiimeynaaya fursadda ay siiyeen xisbiga talada haya, oyna haysan xisbiyada mucaaradku.
Aan soo qadano dhacdada doorashada Obama iyo Maraykan. Waxa aad ka warqabtaa in musharaxa Jamhuuriyiintu waa Mc Cain ah uu aad uga duwan yahay dhaqan, taariikh, afkaar, da’ iwm Bush, bal se ay yihiin dar isku xisbi ah... Waxaad xusuusataa sida Obama ugu celcelinaayey inay yihiin dameer iyo labadiisa daan, waayo waa isku xisbi. Waxa isbedelka dhabta ahi yahay kan xisbi, oo ah habka keliya ee ummad dimuquraadi ahi ku xakamayso mas’uuliinta dabarka goosta ee ilooba in awoodda ay haystaan tahay ammaano ay u dhibteen dadweynahu, markay doonaana ay si sharci ah uga qaadi doonaan.

Haddaba halkay ka muuqataa kartida iyo qiimeynta shakhsi? Waa hubaal inuu yahay Obama nin sifooyin badan oo muujinaaya karti, hab-maamul wanaag, dadwadeennimo, hogaansan iwm sida codkarnimo, aqoon, hawl-adeeg samir iyo akhlaaq dabecsan. Waana tan keentay inuu muddo gaaban xisbigiisa ka soo dhex baxo .. inta hadhay waxuu ku hantay xisbinimo, oo cid kasta oo uu ka badiyey isla garab taagtay, si xisbigu u guulaysto. Waxaan xusuustaa nin aqoonyahan ah oo ka faalooynaayey dorashadii Maraykan oo yidhi: NACA XISBIGA IYO BUSH LOO QABAA AWGEED HADDUU CID KALE DAAYOO IBLEYS NAFTIISU LA TARTAMO WUU KA HELAAYAA.Waa qiimeyntaas tan ka maqan dalalka soo koraaya, oo meesha dimuquraadiyadi ka jirto, ay tartamayaashu hoos u dhigaan xisbinimada iyagoo si nafjacleysi ah tooda ma ahee ayna wax kale u muuqan. Waa se mid iman doonta haddii aan la carqaladeen oo dhabbada laga soo xidhin.
Aan eegno dalalka kale iyo sida ay doorashooyinku u dhaceen. Soo qabo Ghana oo mucaaridku ku guulaysatay. Madaxweynaha maantu seddex jeer oo hore ayuu dhacay. Waxa la yaab leh tan ka dhacday Pakistan iyo Bengaldesh. Labadaba waxa ku guulaystay mucaarid la xidhay, la mamnuucay oo waliba dambiyo waaweyn loo haystay. Labada RW ee dalalkani waxay ahaayeen qaar dawladihii talada hayey dalkaba ka eryeen. Waxayse iloobeen in awoodda ay isticmaalayaan tahay tan dadweynha. Dadkii arkay waxqabadkooda ayaa ku CIIL BAXAY CODKOODA... Waxay mariyeen dhabbadii uu qaaday MR. Bush.

Haba dheeraane, agteena eeg. Cabdillaahi Yuusuf, awood kasta wuu isticmaalay inuu kusrsiga ku dheganaado. Waxa se uu mari waayey dadweynaha oo ka gadooday talo-xumadiisa iyo tacadiga uu ku hayey. Sidoo kale ayey u sagootiyeen Cadde Muuse oo lacag iyo heshiisyo been ah oo batrool baadhis ahi waxba ka tari waayeen.... Waxa hubaal ah in kolka isha dadku soo jeedo, dhegtu furantay, maskaxdu hawlgasho in dadweynahu yaqaanin sida ay CODKOODA UGU CIIL BAXAAN.
Waxa la hubaa mashaariic magac yaal ah, batrool la soo saaro, waddooyin laba haad ah, wershado la dhagaxdhigo oon ka dhoweyn awrkii cirka,ceelal biyoodyo, riigag, muusanow qabiil, afminshaar loo qadhiido gunnada macalinku ka qatan yahay; inayna ka leexinayn muwaadin goostay inuu abaal mariyo cidda cummaamadda la luntay... Waxa iyana guulaystay Mucaaridkii Kiiniya iyo Zimbabwe oo muruqle Mugabe weli la raadinaayo aalad suulisa xabagta kursiga ku dhejisay. Guud ahaan cariga wiil madow, waxaad moodaa inuu cagta saaray dariiqii dimuquraadiyada dhabta ah ee ku dhisan isbedelka xisbi.

Bal aan is-dultaagno inta Madaxweyne Riyaale madaxtooyada ku jiray oo ahayd koluu M/Xigeenka noqday 1997. Waxay noqonaysaa 12 sanno. Bal xusuuso dawladihii madaniga ahaa ee ina soo maray 1960-1969 waa sagaal sanno inay isbedeleen seddex Ra’iisal Wasaare iyo Laba Madaxweyne. Muddada Mad.Riyaale xilka hayey, waxa dalka Maraykanka ka dhacay 4 doorasho Madaxweyne. Haddaba ma kula tahay in waxa muddadaas laga waayey, iyo dabciga laga bartay inuu mid ka duwan la iman karo. Samir intaas ka badani, ma laha waxuu u dhowaanayaa doqoniimo.
Iidaanka dimuquraadiyadu waa isbedelka oo u yeela dhadhan iyo damcad soo jiidata afkaar kala duwan iyo muwaadino kala duruuf duwan. Waana tan dhiirigelisa inta rabta inay afkaartooda ay u soo bandhigaan dadkooda, iyagoo raba inay noqdaan dar qaladkii la soo maray saxa , keenana hab ay ku hormariyaan bulshadooda. Waa halka ay ka timid.. ereyada Obama ee ..HAA WEYNU KARNAA...( Yes. We Can.)... Haa weynu karnaa inaynu dib u hagaajino waxa la qalday, inaynu baatari cusub ku xidhno, himmilada dhalinta niyad jabtay, ooynu kula dagaalano musuqa la xalaashaday, xaqdarada maxkamadda fadhida, iyo mushaharka uu qaato afminshaar aan maalinna shaqo tegini... Haa weynu karnaa inaynu gobal kasta, degmo kasta iyo magaalo kasta, tuulo kasta iyo meel kastaba noqoto mid si siman ugu faanta magaca iyo maamuuska ay leedahay qarannimada Soomaliland. Waxaa u sal ah marka la helo caddaalad lagu hago, sinnaan lagu tartamo, shaqada oo lagu helo: MAXAAD TAQAAN, lana waayo AYAAD TAQAAN.. xusuuso heestii abwaan Cali Sugulle..
Haddaba si aad uga baxdo murugo iyo aafo-siyaasadeed, ciilkaanbi iyo caloolyow, hiyi-kac iyo lab la kac riyo ku dhisan, qiimee tartamayaasha, miisaan oo la xisaabtan dawladda, la dood oo wareyso mucaaradka. Iska jir dacaayad been ah oo weliba qaali kugu joogta. Waa dacaayadda lagu iibsaday maalkii leydinka soo uruuriyey. Ogsoonow in wax la bidix-midigeynayaa yahay hantidaadii. Waxa la gubayaa waa mustaqbalkii ubadkaaga. Haa waad kartaa. CODKAAGA KU CIIL BAX. Ku rid ka ku qalday, ku tuur kan ku hagraday, albaabka tus ka awoodaad siisay ku kibray. Kolkaad barato sida wax loo bedelo, ayaad heli cid qiimeysa ammaanada aad u dhiibto. Kana waa u quus, kan soo socdan waa u digniin.
Maanta waxa cad in KULMIYE hantiyey dhegihii dadweynha soona jiitay indhahooda iyo qalbigoodaba. Awood kasta oo loo sheegtay inuu ku dumo, iyo nin-dowrkii isagu tegay oo dhexdooda loolan xoogan iyo goolaftan ku raagay, wuu ka soo doogay. Waa curdin xisbinimadeenu oo hawli waa bilow. Waxaase run ah inuu ku guulaystay baal dahab ah kolka la eego mudada uu jiray, iyo tartanka dimuquraadiga ah ee soo maray. Waa xisbi furan oo dood iyo afkaar kala duwani marwalba dhextaal. Waana milixda xisbi dimuquraadi ah aan looga maarmin. Ma aha inuu noqdo mid madax keliye u fakiro, carab keliye u hadlo, aarinkoodu yahay shibay shib iyo madax rux, sacab iyo durbaan loogu codeeyo.
Weli se dhaanku ma gaadhin ceelkii. Waa socod dheer oo saad iyo agab u baahan. Waa in dadweynaha la hordhigaa barnaamaj ay ku soo hirtaan, waa in la daweeyaa kala qobqobka maamul xumadu abuurtay. Waa in la diiriyaa damiirka dhaxamooday. Niyadjabka iyo aayo la,aanta ka dhashay cadaalad darrrada, shaqo la,aanta, iyo tacliin la,aanta waa in loo sahan tagaa. Muwaadin indhihiisa wuu qabaa oo arag wahabka dalka saran, ee aynu noqono dar u xusulduuban inaynu u iftiimino... HAA WEYNU KARNAA inaan dhisno bulsho mustaqbal wacan, nabad cadaaladu gun u tahay dhista, muruqooda iyo maankooda maala, hela maamul madaxiisu dhulka eegaayo, mankiisu sahan dhaqaale, bulsho iyo aqooneed ku maqan yahay.
Waa inoo maqaal kale iyo CODKAAGA KU CIIL BAX..
Waa inoo maqaal kale iyo CODKAAGA KU CIIL BAX..
Guji halkan sidaad u akhrisato maqaalkii ugu horreeyey ee: SAMOTALIS: Codkaagu yaanu cadow kugu noqon
Ahmed Arwo
Ahmed Arwo
No comments:
Post a Comment