08 December, 2008

CIID MUBAARAK IYO XAJ MAQBUUL

CIID MUBAARAK IYO XAJ MAQBUUL
By
Ahmed Arwo
Aan Ciidda horteed barakada xajka xusno oo yeynaan meel kale eegine aan ku sifeyno odhaahda muqadaska ah ee Eebbe iyo xadiiska barakeysan ee Rasuulkeena Maxamed Salaan iyo naxariis korkiisa ha ahaatee.

Illaahay Subxaanahu Wa Tacaalaa, waxuu yidhi "Fajriga ayaan ku dhaartay, iyo Habeeno toban ah (Tobanka hore ee Dilxijjah (Arrafo))". Camal uu addoonku qabtana tobankaa ayaamood Ilaahay aad ayuu u jecel yahay, Nabigeennu nnEka ahaataye wuxuu yidhi:-"Maalmo ma jiraan uu camalka wanaagsani dhexdooda Ilaahay agtiisa looga jacayl badan yahay ayaamahan (waxaa loo jeedaa tobanka ayaamood ee carafo u horreeya). Asaxaabtii baa tidhi:-Rasuulkii Ilaahayow (nnEka) xattaa Jihaad Ilaahay jidkiisa loo galana?, wuxuu yidhi (Rasuulku nnEka):-"Xattaa Jihaad loo galo jidka Eebbena, illaa nin la baxay naftiisii iyo maalkiisiiba oo aanay xaggiisana waxba ka soo noqonin(ku soo shahiiday)".





Waxaa kale oo uu Rasuulkeennu nnEka yidhi:-"Qofkii Xajiya ee aan hadal xun iyo macsi la iman wuxuu soo noqdaa sida maalintii ay hooyadii dhashay oo kale(aan dambi lahayn).Tobanka cisho ee bisha Carafo u horreeyana waa toban cisho oo khayr ka buuxo Eebbena ku dhaartay

Soomaaliyeeye Ciid mubaarak iyo xaj maqbuul. Ciddu Waa Maalin Farxad Iyo Reynreyn Islaamku Ku Midoobay, Ee Dhammaan Ciid Mubarik.Waxaan hanbalyo ciideed u fidinayaa dhammaan Islaamka adduunka, si gaar ah Soomaalida meel kasta joogta: Somaliland, Somalia, Jabuuti, Kilinka shanaad, NFD, iyo inta daafaha dunida ku kala baahsan. Ciid wanaagsan Soomaaliyeey, ciid mubaarik meel kasta ood joogtaanba. Illaahay nabad hayna siiyo, hayna tuso tubta loo maro horumarka iyo dhismaha, haynaga duwo dariiqa halaaga iyo burburinta.
Weli dhibta adduunyo waa sideedii oo qorigu kama damo dunida Islaamka . Weli Soomaali waa u saxariir, weliba intii fayoobeyd ayaa dar fadmo wadayaal ihi weerar gardaro ku qaadeen, du dileen wiil iyo waayeel, hooyo iyo ubadkeed. Waxay ku biiriyeen oohintii gees ilaa gees Soomaaliya qoysay, waxa duulaanka gardarro lagu qaaday Jamhuuriyadda Soomaliland, dal nabad iyo dawladnimo ku sifoobay, oo weliba darmo marti u fadiyey maatada ka soo carartay silica iyo qaraxa habeen iyo maalinba gurayhooda ka soo saaray.

Weli Fastiin waa u dulmi, oo waxa soo raacay iyadoo Qasa oodda loo soo jiiday, waxa loo rogay xabsi ay ku xareysan yihiin milyan iyo badh nafleey ah oo Ashahaadada Islaamaka ku eedeysan. Weli Ciraaq waa u dil, dhac iyo dumis, weli Afgaanistaan waa qax iyo qarxis, weli xabsigii Cuuba waa furan yahay. Rajaa jirta oo isbedelka Maraykan waxbaa looga fadhiyaa, wax se gacan qof kale ku jiraa yaan loo lab taagin,,ee Islaamku maankiisa, midigtiisa iyo maalkiisa ha ku tashado. Nabad iyo wadajir ha loo guntada. Dagaal furan talo ma aha . Bal inagu gudaheena aan kalo nabad gelno, isu naxno, isu gargaarno, oon isu damqano. Argagax iyo ismiidaamin meelna wanaag iyo kheyr kuma leh.

Haddaba aan wax yar ka sheegno maalinta cidda iyo sifaha islaamku u arko. Maalintan oo magacyo dhowr ah loogu yeedha oo dhammaan ina tusaaya qiimaha iyo qadarinta ay mudan tahay.Labada ciidood ee islaamku waxay dhacaan xili muslimiintu ay soo gutaan laba farad oo u baahan in nafta la xakameeyo, lana soo maro dhibaato jidh-ahaaneed iyo mid ruuxi ahba. Waxa la soo gutay soonka Ramadaan oo maalintii oo dhan laga caaganaa cabid, cunid iyo galmaba, habeenkiina lagu soo jeedo salaad iyo quraan akhri. Dadaalkaas iyo gudashadaas waajibka ah, ayuu Illaahay inoo bineeyey inaynu farxadda ciidda ku sogootino.

Sidoo kale Ciidda Carafo, waxay ka dambeysaa guditaanka xajka, oo xujaydu ay isaga yimaadaan daafaha dunida, iyagoo ehelkood iyo dalkoodaba ka soo baqoolaaya, xarago ka tegaaya, si siman u lugaynaa goobo barakaysan, oon marna la dareemin cidhiidhi iyo culayska dhabta ah ee jira.. Maalinta ciidda islaamku waxuu ku sifeeyaa Maalin Guuleed (Day of Victory). Waa maalin ay guulaysteen inta waajibkeeda gudatay, oo ay gaadheen guushii ay filayeen .Waxa kale oo la yidhaahdaa, waa Maalintii Waxa Goosiga (Day of Harvest), waayo waa maalin Illaahay ka abaal marinaayo cibaadada ay soo guteen, sida ninka beerta falaa uu midhaheeda u goosto xiliga ay baxdo.Waxa kale oo loogu yeedhaa, Maalinta Cafiska, Day of Forgiveness), waayo Illaahay waxuu cafiyaa inta soonka sida uu inoo faray u toosisay.Waxay Muslimiintu si wadar ah ay u baryaan Illaahay dambi-dhaaf iyo inuu ku manaysto imaan xoog ah iyo khaatumo san. Waxa ka mid ah magacyada badan Maalinta Nabadda, Maalinta Xusuusta iyo Mahadnaqa iyo qaar kale.

Waa maalin weyne, waa Maalinta Islaamka, waana Maalin Illaahay. Illaahay ururkeena ha xoojiyo, xaqana heyna tuso, nabad iyo barwaaqana sanadkaa sanadkiisa hayna waafajiyo. Inta bugta Allow bogsii, meehsa colaadi ka jirto Allow nabad ku soo dabaal, Illaahow na gargaar oo naga yeel kuwa dhisa diintooda, dalkooda iyo dadkoodaba. Aamin.

XAJ MAQBUUL IYO CIID MUBAARAK DHAMMAANTIIN
KU CIIDA CAAFIMAAD IYO NABAD.

Ahmed Arwo
Cardiff, U.K
samotalis@gmail.com

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: