13 October, 2008

Somaliland: Isbaaradii ugu horreysay oo xukuumaddu jidka Hargeysa-Gabiley dhigtay..

Xukuumadda Riyaale ayaa dhigtay waddooyinka laga soo galo magaalada madaxda gobolka Gebilay ciidamo xoogan oo ka horjoogsada inay galaan dadka ka tirsan xisbiyada siyaasiga ah.

Waxaan haddaba ogayn inay hore ugu diideen masuuliyiin ka tirsan xisbiga KULMIYE, axaanay shalay u diideen masuuliyiinta xisbiga UCID.

Taasoo aad moodo masuuliyiinta xisbiga UCID si jilicsan uga jawaabeen, sidoo kalena markii hore ee ay baxayeena ay ogolaansho sii waydiisteen Wasaaradda Arrimaha Gudaha inay booqdaan magaalada Gebilay. Haddii u baahato faah faahin dheeraad ah akhriso waraysigan laga qaaday mid ka tirsan masuuliyiinta xisbiga UCID http://www.haatuf.net/2008files/00018050.html#1 Waxaa haddaba ayaan darro ah in xisbiyada mucaaridka ahi ay ogolaansho uga qaataan madaxda dawladda safaradooda ay u baxayaan taasoo ah inay xaq u leeyihiin inay u baxaan una safraan meesha ay doonaan, sidoo kalena waxaa qayral dastuuri ah inay xukuumaddu ka hor joogsato xisbiyada mucaaridka ah inay sameeyaan isu soo bax si dadka ugala hadlaan fagaarayaasha.

Arrintan waa inaan la aqbalin UCID kama hadal markii xubnaha loo diiday, laakiin waa in KULMIYE arrintan canbaareeyaa oo u hiiliyaa dimoqraadiyadda. Sidoo kalena waxaad moodaa inay xukuumaddu go'doomisay gobolkii cusbaa ee gebelay oo loo diiday inay tagaan xubnaha lagu tirinaayo inay mucaarid yihiin, ama ay xisbiyada mucaaridka ahi booqasho ku tagaan.

Waxaa iyana waayahanba gobolada kale dalka ka xidhnaa gobolka Awdal oo u muuqday in xukuumadda kooto ku haysatay, laakiin hadda u muuqda in lala qaybsan doono. Markaas KULMIYE oo taageerayaal fara badan ku leh gobolka Gebilay waa inuu u doodaa gobolkaas xukuumadana cadaadis ku saaraa in laga qaado bandooda siyaasadeed ee lagu soo rogay gobolkan iyadoo aan lagaranayn waxay galabsadeen.

Macasalaama,
Cabdi C. Xasan,
London, UK

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: