Boosaaso: Lamaanihii Jarmalka ee afduubka loogu haystay gobolka Sanaag ayaa maanta ka dhoofay garoonka dayuuradaha ee magaalada Boosaaso, ka dib markii maalintii shalay ahayd laga soo daayay afduub muddo ku dhow labo bilood loogu haystay gobolkaasi Sanaag.
Jorgan iyo Sabine waxaa la keenay magaaladan Boosaaso saaka aroortii iyadoo ugu horeyn lagu dejiyay xarunta Sirdoonka Puntland ee PIS, halkaasoo ugu horeyn madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa ay ku booqdeen.
Ka dib waxaa la keenay xarnta madaxtooyada ee Puntland ee magaalada Boosaaso halkaasoo lagu qabtay shir jaraa'id oo ay ka wada qeybgaleen mas'uuliyiinta Puntland, safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya, iyo lamaanihii la sii daayay.
Waxaana halkaasi lagu muujiyay in lagu faraxsan yahay soo deyntooda, iyo inay dib u helaan xorriyadooda.
Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay in shacabka Puntland iyo mas'uuliyiintooda aanay raali ka ahayn dhibaatada afduubka ah ee loo geystay dadkan aan waxba galabsan. Madaxweynaha Puntland oo sheegay inuu ku hadlayo codka shacabka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliyeed in uu ka xunyahay afduubkaasi loo geystay.
Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Maxamed Cali Ameeriko oo Bosaaso u yimid arrinta soo siideynta labadan ruux, ayaa ugu mahadnaqay Dowlada Puntland iyo Issimada kaalintii ay ka geysteen soo siideynta lamaanahan kasoo jeeda dalka Germany.
Abbaare 12-kii duhurnimo ayay ka dhoofeen garoonka dayuuradaha ee magaaladan Boosaaso iyagoo u kicitimay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Halkaasi oo lagu wado inay uga sii gudbaan dalkooda Jarmalka.
No comments:
Post a Comment