Nairobi(HR Media):-Waxaa isi soo taraya oo aad loo xoojiyey Baaritaanada kala duwan ee lagu baadi Goobayo Nin ka loogu Doon doonista badan yahay Wadamada Bariga Africa ku yaala Nin kaas oo la sheegay in uu Yahay Hogaamiyaha Al-Qaaida ee Bariga Afrika laguna magacaabo Fasul Cabdalla Mohamed.
Ciidanka Booliska oo kaa shanaya Ciidanka Gaar ka ah ee la dagaalamaya Argagixisada iyo Sirdoonka Maraykanka ee FBI da loo yaqaan ayaa baaritaano xoogan ka sameeyey Guryo kala duwan oo ku yaala Magaalooyinka Malind Mombasa iyo Nairobi, ayagoona baadi goobaya Nin ka la tuhun san yahay ee Fasul iyo Dad la sheegay in ay la shaqeyaan.
Guryo ku yaala Magaalada Xeebta ee Mombasa iyo Magaalada Caasimadaa ee Nairobi ayey galeen Ciidamada is garabsanaaya, baaritaanada samaynaayey ayagoona Baaritaanada Guryahaan kusoo qab qabtay dad kala duwan oo kuligood Muslimiin ah.
Ciidanka ladagaalama Argagixisada ee Dalka oo kaa shanaya Sirdoonka Maraykanka ee FBI da ayaa laba laabay Baaritaanadii ay wadeen waxii ka dambeeyey Baxsadhadii uu Fasul Cabdalla Ciidaka Booliska dalka ka baxsaday Dabayaaqadii Todobaad kii hore.
Warar soo baxaya oo laga helaayo Baaritaanada xoogan ee magaalooyinka dalka qarkood ka soconaaya ayaa sheegay in dad ka badan 10 Qafood oo muslimiin ah la soo qab qab tay ayagoona laga soo qab qab tay Degaano iyo magaalooyin kala duwan.
Dadkaan lasoo qab qabtay oo Rag , Dumar Dhalin yaro iyo Dad waa weyn ba is kugu jira ayaa looga shaki san yahay in ay xiriir la lee yihiin nin ka ladoon doonayo ee lagu tuhun san yahay in uu ka dambeeyey Qaraxyo Dalka Kenya iyo Dalka Tanzania lagu weeeraray.
Sedex Qofood oo is dhalay ayey Ciidamada Booliska ee Dalku kasoo qabteen Magaalada Xeebtaa ee Malindi Sedexdaas Qofood oo ah Aabe Hooyo iyo Wiilkoodi ayaa looga shaki san yahay in ay qarinayenFasul markii uu ku sugnaa Malindi iyo in ay Xariir la lee yihiinba.
Balse Sedexdaan Qofood oo Maxkamada Mombasa Maalintii Isniinta lasoo taagay ayaa si wada jir ah usheegay in ay san wax xiriir ah la lahayn nin kaas ladoon doonayo is la mar kaasna ay san qarin oo ay san arkin.
Shan Qofood oo kale ayaa lagu soo qab qab tay Baaritaanada xoogan ee soconaaya, ayadoona shan taan Qofood laba mar lasoo qab tay sedexda kalana mar lasoo qab tay ayaa Shantaba sida warar ku cayadnayaan laga soo wada qab qab tay Magaalada loo dalxiiska tago ee Mombasa.
Dad kaan Sideeda gaaraya ee laga soo kala qab qabtay Magaalooyinka is ku dhaw ee Mombasa iyo Malindi ayaa lagu hayaa Qaar ka mid ah Xarumaha Booliska ee Magaalada Mombasa ayagoona maxkamada lasoo taagi doono.
Baaritaanada xoogan ee soconaaya ayaa mar koodi hore waxa ay ku ekaayaan Magaalooyinka Mombasa iyo Malindi balse waxa ay usoo talaabeen Saacadihii lasoo dhaafay Magaalada caasimadaa ee Nairobi.
Ayadoo Ciidamada Is garabsanaya ee Baaritaanada wada ay Baaritaano xoog leh ka fuliyeen Guryo kala duwan oo ku yaala Magaalada Nairobi, Baaritaanada ay Ciidamadu ay ka fuliyeen Guroy ku yaala Magaalada Nairobi ayaana la aqoon tirada dadka ah ee ay kusoo qab qab teen.
Xaafada Islii oo ah Xaafada ay ku badan Yihiin Dad ka Somaalida ayaa la sheegay in Baaritaano xoogan ay ka socdaan, Baaritaanada xaafada Islii ee Degmada Kamakunji ka soconaaya ayaa waxaa lagu soo qab qabtay ilaa iyo haatan in ta laga war qabo Nin Xaafadaas ku sugnaa.
Nin kaan laga soo qab tay xaafada Islii ee ay Somaalidu ku badan tahay ayaana la Aqoon Magaciisa, balse waxa ay warar ku cara baadayaan in Nin kaan laga qabtay xaafada islii Gaar ahaan Jidka 6.
Nin ka laqabtay ayaa la gu sheegay in uu ahaa Nin Ganacasade ah.
Ciidanka Booliska ayaa sheegay in ay ku raja weyn yihiin Dadkaan kala duwan ee ay soo qab qab teen in ay yihiin dad la shaqeeya nin kaas la baadi gaabayo is la mar kaasna AY Ciidanku rajaynayaan in ay dad kaan ka helaan Warar muhiim ah oo usahlaya soo qabashada Fasul.
Saraakiil muhiim ah oo uhadlay Ciidamada Booliska ee dalka iyo Kuwa Sirdoonkaba ayaa sheegay in Fasul loo badinaayo in uu san wali dalka ka bixin oo ku sugan yahay.
Xuduudaha kala duwan ee Dalku la leeyahay Dalalka Dariska ah Sida Tansania Yugandha Sudaan Somaaliya iyo Ethopia ayaa aad Amnigooda loo ad keeyey ayadoo Ciidamo Badan oo xoogan Xaduudaha dalka lagu daad shay, ayadoona la doonayo in laga hortago in Fasul uu dalka kabaxo.
Sidoo kale Ayraboorada Kala duwan ee Diyaaradaha ee Dalka ayaa aad ilaaladooda loo ad keeyey ayadoo laga cabsi qabo in Fasul uu ka duulo oo ubaxsado.
Isbitaalada ku yaala magaalooyinka Malindi iyo Mombasa ayaa aad looga raadinayaa nin kaan la baadi goobaayo, Xubno Ciidamada is garabsanaya ee Baaritaanada wada uhadlay ayaa sheegay in Isbitaalada gaarka loo lee yahay iyo kuwa Dawladaba Baaritaano xoogan lagu sameeyey laguna samaynaayo haatan.
Lix Xildhibaan oo Muslimiin ah kana tirsan Barlamaanka Dalka ayaa Maalinimadii shalay ahayd ka had lay Xaaladaha Cusub ee dalka kusoo saaiday, ayagoo eedeeyey Ciidanka Ladagaalanka Argagixisada oo ay ku edeyeen in ay is xir xirtaan Dad Muslimiin ah oo aan wax ba galab san, Xildhibaanadaan Barlamaanka dalka ka tirsan ayaa sidoo kale tageeray dagaalka lagula jiro Argagixisada Caalamigaa.
Ciidamada Booliska, Kuwa Sirdoonka Dalka oo kaa shanaya FBI da Maraykanka ayaa Baaritaano xoogan Magaalooyin dalka ah ka wada waxii ka dambeeyey Baxsadhadii fasul Cabdalla Todobaadkii hore.
Fasul Cabaddalla Mohamed oo la sheego in uu yahay Hogaamiyaha Al Qaaida ee Geeska Afrika ayaa lagu tuhunsan yahay in uu ka dambeeyey Qaraxyadii lala Beegsaday Safaaradihii Maraykanka ee Dalalka Kenya iyo Tanzania sanadkii 1998. Agus-7.
Ciidamada Isgarabsanaya ayaa guri ku yaala Magaalada Malindi oo la tuhun sanaa in uu Fasul ku jiray ka helay Laba Baasaboor oo Kenyaan ah oo uu ka kala jartay Magaaloyinka Mombasa iyo Gaarisa.
Fasul ayaa la sheegay in uu isticmaalo Magacyo badan iyo Sharciyo kala duwan oo uu edeegsado.
Labada Baasaboor ee laqabtay ee Nin kaan uu lahaa ayaa waxaa ku dhaganaa laba Sawir oo asaga ah oo kala duwan oo laba qaab kala ah, Waxaana ugu Qornaa Laba magac oo kala ahaa AADAN XUSEEN ALI iyo Mohamed Abuubakar.
Waxaa la sheegay in Fasul Cabdalla uu Afar jeer oo hore uu ka bax saday Cidianka Booliska ee la dagaalama Argagixisada.
Fasul Cabdalla Mohamed ayaaan la aqoon waqtiga saxda ah ee uu dha shay iyo inta sano ee uu jiro Balse waxaa lagu qiyasaa in uu dha shay dha shay 25 Agus 1974.
Nin kaan ayaa la qiyaasayaa in uu jiro Sanad ahaan 34 Sano. Fasul waxa uu ku dhashay Magaalada Marooni ee Jasiirada Komoros ee Qaarada Afrika.
Fasul Cabdala ayaa ah Nin Dhalin yaraa oo Aqoonleh kuna hadla Shan Luuqadood oo kala duwan oo kala ah French, Swahili, Arabic, English, and Comorian.
No comments:
Post a Comment