09 August, 2008


Wasiirka Amniga ee Dowlada Gobaleedka Puntland Gen.Cabdullahi Siciid Samartar ayaa sheegay in sharciga lala tiigsan doono kooxihii ka danbeeyey afduubkii lamaanihii reer Germany oo maanta laga soo siidaayey afduubkii lagu heystay.

Wasiirka oo khudbad ka jeediyey kulan saaka ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Bosaaso, halkaasi oo ay lamaanaha reer Germany ay kula kulmeen Madaxweynaha Puntland Gen.Cadde Musse iyo mas'uuliyiinta dowlada Puntland.

Cabdullahi Siciid Samatar Wasiirka Amniga Puntland ayaa ka hadlay dadaalkii Puntland u gashay soo siideynta labadan ruux oo ay burcad badeed kasoo qafaasheen gacanka Cadmeed kadibna la yimi buuraha Sanaag ee Calmadow.

Gen.Samatar ayaa sheegay in markii ugu horeysay ay isku dayeen in ay xoog kula soo wareegaan labadan ruux balse ay arrintan hakiyeen si aysan khasaare usoo gaarin labadan qofood oo uu sheegay in koox hubeysan ku heysteen buuraha Calmadow.

"…Waxaan marka horey isku daynay inaan xoog ku qabano kooxaha afduubka ka danbeeyey, run ahaantiina waanu ku qaban karnay maadaama ay ciidamo xoogleh ku hareeraysnaayeen,….Balse waxaanu ka baqaynay in ay laheystayaasha naftooda wax soo gaarto, Taas ayaa keentay in ciidamada aan dib usoo celinay ciidamada amniga, kadib markii uu Madaxweynaha ku amaray in issimada gobalka Sanaag fursad loosiiyo in ay si nabad ah ku xaliyaan arrintan…" ayuu yiri Wasiirka oo ka hadlayey dadaalka dhinacooda ay ugu jireen soo siideynta labadan ruux.

Wasiirka ayaa sheegay in Nimanka ka danbeeyey falkan ay yaqaaniin isla markaana ay ugu jiraan listi asagoo sheegay in ay soo qab qaban doonaan oo sharciga soo hortaagi doonaan, maadaama falkan ay geysteen ay tahay mid aan loo dulqaadan karin oo kamid ah danbiyada adduunka ugu waaweyn oo maanta caalamka oo dhan iska kaashado ayuu yiri Gen.Cabdullahi Siciid Samatar.

Gen.Samatar ayaa sheegay in dowlada Jarmalka ka codsanayaan in ay gacan kasiiso Puntland la dagaalanka Burcad badeeda. "…Dowlada Germany waligeed xiriir bay la lahayd ciidanka Soomaliya ee Booliiska waxayna tababarsiin jireen ciidamada…. waxaana ka codsaneynaa in ay nalaga qeybqaataan arrimaha la dagaalanka burcada. Hadii aynan gacan ka helin caalamkana la dagaalanka burcad badeeda dhibaato badan baan kala kulmaynaa…" ayuu yiri Wasiirka oo fariin u diray dowlada Germany oo ay kasoo jeedaan labada ruux ee maanta ayagoo bad qaba ka dhoofay Airporka Bosaaso.

Wasiirka oo kamid ahaa Xubnihii Lamaanaha maanta kusii saagootiyey Airporka Bosaaso ayaa ka codsaday inay salaan ka gaarsiiyaan dowlada Germany iyo shacabka Jarmalka.


No comments: