12 July, 2013

Dimuquraadiyad: Dawlad Masuul Ah Oo Dadka Matasha Q5

Dimuquraadiyad: Dawlad Masuul Ah Oo Dadka Matasha Q5

  Ahmed Arwo
Maqaalkan  waxaan qoray 10 January 2008, waxaynu ku beegnayd Muxaram 01, 1429.
Waxa aan mar labaad u soo qaatay inaynu eegno aragtidii aanu mucaaraaaidka kolkaan ahayn qabnay oo aynu xusuusano, si aynu ugu hawl galno inta qabsoontay mooyee inta kale. Maqaalkani intiisa badan waxuu khuseeya taariikhda iyo kaalinta Islaamku kaga jiro dimuquraadiyadda.

Waxa xus mudan in Distoorka Soomaaliland qodabadiisa ugu horreeyaa ay si cad ugu tuuntuunsanayaan islaamnimada, waxaana ka mid ah qodobka       faqradda   oo odhanaaya in taariikhda dalku tahay tan islaamka ugu horreyn lana raacinaayo tan miilaadiga. Weli cidi meys weydiisay waxa qodobkaas iyo kuwa weheliyaa ay u dhaqan geli waayeen. Waa su’aal ka baxsan mowduuca aan u ambabaxay bal se bogaadinta sanadku igu hoggaamisay ee aan isweydiintaas ku dhaafo.  
Waxa aan si badheedh ah u abaari doonaa mawduuca si gaar ah dhinaca hawlgalka iyo dhaqangelinta (Practical and effective process).
Waxa aynu qaybtii matalaada ku furnay sida Islaamku u arko, anigoo si kooban u soo maanguuriyey qudbadii taariikiga ahayd ee Abuubakar Alsadiiq RC akhriyey kolkii xilka ummadda islaamaka loo cumaamaday. Waxa qudbadaas laga soo qaadi karaa dhinaca mas’uuliyadda…Kolka Abuubakar ka hadlaayey inuu hiil u yahay xaqa, isagoon eegeyn cidda xaqdarada sameysay itaalkeeda, reerkeeda, iyo kan la dhacay itaalkiisa iyo nasabkiisa toona. Taas waxa laga soo qadanayaa in mas’uuliyadda dawlad looga baahan yahay cadaalad, iyo sinaan loola dhaqmo muwaadiniinta oon ab iyo isir, maal iyo muuq midna loo eegin.

Tan labaad een Islaamaka ka soo qaadanaynaa waa qudbadii uu akhriyey asxaabiga weyn ee JACFAR BINU ABU DAALIB ( oo la dhashay Cali Abu Daalib )   isagoo la hadlaaya Boqorkii Abaasiiniya, Hijradii kowaad ee asxaabta. Intaanan taas gelin, waxa aan jecelay inaan iftiimiyo qalad weyn oo taariikhda Soomalida laga galey, weliba inta ugu badan Soomaalidu lafteedu ka gashay. Waxa si hawlyar loo yidhahdaa in xijradii asxaabtu ahayd mid ay ku yimaadeen Itoobiya, oo weliba raga qaar yidhahdaan nabigaa u duceeyey Itoobiya. Taas oo been cad ah. Magaca Itoobiya iyo dalkeedu kama horreyn qarnigii 19naad. Dalka nabigu u soo diray hijrada waxa la odhan jiray Abaasiiniya af carabigana Xabash. Waxuuna ahaa dalka ka bilaabma Suudaan ilaa Badda Cas iyo ilaa Badweynta Hindiya. Waxa ku jiray dalalka Suudaan, Itoobiya, Eriteriya, Soomaaliya, Soomaliland, iyo Jabuuti.

Itoobiya xeeb ma leh, asxaabtuna xeeb ayey ka soo degeen, waxaana la caddaynaya inay ahayd xeebta Saylac oo xiligaas ka tirsanayd Ardal Xabash. Waxaana u daliil ah in fidinta diintu ka bilaabantay xeebahaas ilaa Eriteriya iyo gudhaha Saldanadii Harar. Waa dhulkaas kan hijradu ka dhacday waana dalka ay Soomalidu degto, marna dal Itoobiya la yidhaahdo iyo daltoona laguma xusin hijardii kowaad ee Islaamka, waayo mabay jirin xiligaas.
Aan ku laabto xukmadii asxaabiga oo la hadlaaya Boqorka ka dib markii gaaladii qurayshtu ergo dacwad wada ka dabo direen, iyagoo ku eedeeyey in Islaamku la yimid diin ku lid ah tii Ciise. Boqorkana ka dalbeen in amba la caydhiyo amba la xidhaba axsaabtan magan doonka ah. Boqorka oo lagu yaqeen cadaalad iyo xukun wanaag, waxuu siiyey fursad asxaabtii rasuulku isku daafacdo.

Haddaba saxaabiga weyn ee Jacfar Binu Abu Daalib waxuu yidhi ;
” Boqorow waxaanu ku sugneen jahli, dhaqan iyo akhlaaq xumo. Waxaanu caabudi jirney dhagaxa iyo sanamada, waxaanu cuni jirney xoolaha dhinta, waxaanu ku kici jirney nooc kasta oo cadaalad darro ah, waxaanu jari jirney xidhiidhka dabeeciga ah ee aadmiga. Waxaanu si xun ula dhaqmi jirney martida, kaayaga xooga weynina, ka noogu tamarta yar ayuu duudsiyi jirey.
Kolkaas ayuu Illaahay noo soo diray nabi dadkayaga ka tirsan, mid abtirsigiisa, run sheegiisa, ammaanadiisa aanu si wacan u naqaan. Waxuu noogu yeedhay inaanu Illaahay keli ahaantiisa caabudno oo aan joojino dhagaxa iyo sanamada  anaga iyo awoowyaashaba caabudi jireen. Waxuu na faray inaanu run ku hadalno, inaanu balanka oofino, inaanu caawino ehelkayaga, inaanu u samaano jaarka, inaanu joojino oon ka dheeraano dilka iyo dhiig daadiska iyo inaan ka waantowno sinnada.

Waxuu na amray oo uu nooga digaya innaanu la nimaadno markhaati been ah, innaanu ku tagrifalno maalka agoonta iyo innaanu qadaf iyo ceeb been ah u samayno haweeney la qabo.Waxuu na amray inaanu Illaahay keli caabudno oon cid kale lagu labeen.
Waxuu na faray inaanu salaada oogno, inaanu soono, sakadana bixino.Waanu rumeysanay oon aaminay fariinta uu Illaahay nooga keenay. Waxaanu falnay waxuu noo tilmaamay, waxaanan ka dheeraanay wauu noo diiday. Kolkaas ayey dadkayagu na weerareen oy si xun noola dhaqmeen. Waxayna isku da’yeen inay dib noogu celiyaan anshax xumaantii iyo sanam caabudkii.. Waxay ka dhigay nolashayada Makka dhexdeeda cadaab iyo cadaadis.Waxaanu dalkaaga u nimid inaanu nabad iyo cadaalad ku noolaano. ”
Haddaba inagoo ujeeddad maqaalka ku salaynayna dhacdadan, oo qisada inteeda kale dhaafayna, bal qudbadan nuxurkeeda iyo tii aynu maqaalkii kowaad ka soo xiganay khaliifkii kowaad Abuubakar markuu xilka la wareegay is ag dhig oo qiimee waxa dawlad wanaageedu dhalin karo. Waaba isla ammuurtaas tan salka u ah dhismaha dawlad mas’uul ahi.
Waxa hubaal ah in ereyga caddaalad, gargaarka inta itaalka yar, naxariista bulsho, adkeynta xidhiidhka bulsho, xaq-dhowrka jaarka, martida iyo agoonta, nabadda iyo ammaanku yihiin arrimaha mataaneeyey labada qudbadood. Waxay isla markaas fure ka dhigeen run-sheeg, been ka fogaan, ka-caaganaan anshax xumada dhaqaan iyo jinsiba. Waxa weheliya dhismaha maskaxda iyo jidhka lagu ababiyo waajibaadka diinta sida salaada, soonka iyo sakada oo dhammaan ah tababarka nafta, cidda si dhab ah u fulisaana ka foogaan doonto caddaalad darrada, dhaca iyo dilka la fududeystay.

Dawlad mas’uul ihi waa ta u gurmata marba meesha ugu liidata, waa tan badhitaarka danyarta, waa ta u guntata horumarka dadka dhinac bulsho iyo dhaqaalaba.  Waa ta dhegeysata dadkeeda si gaar ahna u dareenta inta dulman ee cabanaysa. Waa tan sharciga ku fulisa si siman, oo ka ugu maalka badan iyo ka jeebka madhani sinaan sharcigu u qabto, sidoo kale kan xukunka haya iyo kan suuqa joogo. Taas ayaa dhalinaysa in la helo nabad iyo horumar. Waxa aadmigu tamariyaa marka uu ka xoroobo cabsida. Ma aha oo keliya cabsidu tan colaada dagaal, waxa ugu daran tan ka dhalata cadaalad darrada iyo sharciga oon loo sinneyn. Waa cabsi si toos ah u taabata qalbiga iyo maskaxda qofka, oo mu’waadinku waayo fursad uu ku hanto midho-dhalinta maankiisa iyo aqoontiisa, isagoo ka baqaaya inay u jiido dhinaca xabsiga.

Arrimaha aan soo jeediyey waxa lagu hirgelin kara kolka maanka iyo muruqu midoobo, oo mucaarid iyo muxaafidba lahu tartamo danta guud. Ma aha in mucaaridku ka faa'ideysto dhaliilo aan lahayn daaweyn. Waa in ay garab qabtaan xukuumadda si bulshada looga saaro xanuunada bulsha.Waxa taas ka dhalanaya in xukuumadda iyo mucaaridku soo bandhigaan barnaamajyo lagu kala doorto. Dhaliil qaawan oon wadan qorshe wata daaweyn iyo toosini, waa mid aan ummadda dani ugu jirin.

Maqaalada soo socda ayeynu ku eegi falsafadaha iyo aragtida lagu kabay dhismaha dawlad mas’uul ah.

Waa inoo maqaal kale iyo fakir aan idinla wadaago Insha Allah.
Ahmed Hassa Arwo
La-taliyaha Madaxweynha ee Dhaqaalaha
Hargeysa





http://samotalis.blogspot.com/

No comments: