31 December, 2012

“Cida Masuuliyadda koowaad ka saaran tahay ilaalinta sharciga Wadanku waa Aniga”

"Cida Masuuliyadda koowaad ka saaran tahay ilaalinta sharciga Wadanku waa Aniga"

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa tafaasiil ka bixiyay doorashooyinkii deegaanka...........

Hargeysa (GNS) - Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa tafaasiil ka bixiyay doorashooyinkii deegaanka ee dalka ka dhacay 28-kii bishii November ee la soo dhaafay oo uu tilmaamay inay u aqoonsan yihiin inay u dhaceen hanaan xor iyo xalaal ah. 

Madaxweynaha Somaliland oo xalay saxaafadda qaranka ugu waramayay xafiiskiisa waxa kale oo uu sharaxaad ka bixiyay kaalintii ay xukuumaddu ka geysatay qabsoomidii doorashooyinka oo uu ku dooday inay ka soo dhalaashay waajibkii ka saarnaa hawlaha doorashadda.

Madaxweynuhu waxa uu ururadii hadhay u soo jeediyay inay u hoggaansamaan natiijadda doorashada isagoo ammaan u jeediyay kuwii aqbalay natiijadii Komishanku soo saaray. 

Madaxweyne Siilaanyo) oo ka hadlayay arrimihii doorashadii deegaanka waxa uu yidhi "Doorashooyinkii dalkeena ka dhacay waxay qarankeena u soo jiideen sumcad iyo ammaan balaadhan oo bulshadda caalamku inagu hambalyaysay. Waxaanay dadweynaha reer Somaliland mar kale dunidda tuseen inay yihiin shacbi qaan-gaadh ah oo ay ka go'an tahay inay sii xoojiyaan hanaanka dumuqraadiyadda dalkeena ka hirgalay. Kaasi oo dadweynaha xaq u siinaya inay si xor ah oo xalaal ah u soo doortaan Hoggaankoodda kala duwan ee heer degmo, gobol iyo qaran." 

"Walaaleyaal sida uu sharciga dalkeenu jideeyay waxa hawlaha doorashooyinka u xilsaaran Gidida doorashooyinka qaranka oo ah Gudi u madax banaan hawlaha doorashooyinka.kuwaasi oo masuul ka ha wax kasta oo ku lug leh doorashadda. Gudidaasi oo ah cida soo bandhigta kuwa guulaysta iyo cida laga guulaystaba,"ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo. 

Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlayay kaalinta xukuumaddu ku leedahay doorashooyinka waxa uu yidhi "Xukuumaddu kaalinteeda doorashadu waa sugida ammaanka goobaha doorashadda iyo sugida waajibaadka kale ee qaran,"ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland. 

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in xukuumaddu ka soo dhalaashay sugida ammaanka 1800 ee goobood ee codbixinta doorashada isla markaana ay bixisay kharashkii kaga soo beegmay kharashaadkii lagu qabanayay doorashooyinkii goleyaasha deegaanka dalka. 

"Doorashadii waxaanu u aqoonsan nahay inay u dhacday si xor ah oo xalaal ah, waxaana la mariyay dhammaan nidaamkii sharci ee dalka u yaalay. Dhammaanba degmooyinka dalka wixii ka soo baxay ee lagu dhawaaqay, maxkamaduhuna ansixiyeen ayaa sharci ah. Loona aqoonsanayaa Xildhibaano qaran,"ayuu yidhi Madaxweynuhu, waxaanu intaasi ku ladhay "Sidoo kale sadexda urur ee lagu dhawaaqay ayuun baa noqonaya xisbiyo qaran. Wadanka sharci baa ka jira cida masuuliyadda koowaad ka saaran tahay ilaalinta sharciguna waa Aniga (Madaxweynaha)." 

"Waxa xukuumad ahaan noo muuqata in la helo diiwaan gelin dhamaystiran oo la hirgeliyo waxaanan u hawl geli doonaa sidii arrintaasi looga midho dhalin lahaa. Waxa kale oo aanu ka hawl-geli doonaa sidii aanu u xoojin lahayn xeerarka doorashadda ee kala duwan,"ayuu yidhi Md. Axmed Siilaanyo. 

Madaxweynuhu wuxuu dar-daaran iyo hambalyo u jeediyay Xildhibaanadda la doortay ee Goleyaasha deegaanka dalka, waxaanu yidhi "Waxaan halkan uga hambalyaynayaa dhammaanba Xildhibaanadda ku guulaystay Goleyaasha deegaanka ee dalka. Waxaan kula dar-daarmayaa inay noqdaan qaar si wanaagsan u guta waajibaadka la saaray waxaanan leeyahay ka soo baxa balan-qaadyadii ay bulshadda u jeediyeen xiligii ololaha doorashadda. Waxaan ku dar-daarayaa inay noqdaan qaar ku sifooba wax-qabad. Xukuumaduna waxay ku garab istaagi doontaa horumarka laga sugayo. Iyadoo dhinaca kalena aanu kula xisaabtami doono fulinta hawlahaas loo igmaday." 

"Waxaan si mugleh ugu hambalyaynayaa sadexda xisbi qaran ee KULMIYE, WADDANI Iyo UCID, ee doorashadda ku soo baxay. Waxaan u rajaynayaa inay noqdaan qaar u addeega maslaxadda guud ee qaranka si aynu uga midho-dhalino yoolkeena qaran si uu dalkeenu u noqdo mid dunidu aqoonsato. Waxaanan mar kale caalamka baaq ugu jeedinaynaa inaanay dhegaha ka furaysan rabitaanka shacbiga Somaliland,"ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxaanu intaasi ku daray "Waa in qarankan la aqoonsadaa oo kaalin mug leh kaga jira deganaanshaha iyo horumarinta mandaqadda Geeska Afrika iyo adduunkaba." 

"Murashaxiintii iyo ururaddii aan ku guulaysan doorashadda ayaan u rajaynayaa inay noqdaan qaar u hoggaansama Natiijadda doorashadda, cidii dood ka qabtayna waxay ahayd inay u raacaan dariiqa sharcigu jideeyay in loo maro.waxaan bogaadinayaa ururadda aan ku guulaysan doorashada ee u hoggaansamay natiijada. Waxaanan u rajaynayaa Guul." 

Madaxweynuhu waxa uu khudbadiisa ku soo gunaanaday dardaaran uu u jeediyay shacbiga Somaliland, waxaanu yidhi "Walaaleyaal waxay ka soo gudubnay sanado badan oo dhibaato iyo rafaad ah oo ummaddeenu soo martay. Waxaynu ku guulaysanay inay dalkeena iyo dawladeena dhisano innaga oo aan aqoonsi caalamiya haysanin. Waxaan rajaynayaa inay qarankeenu dhawaan gaadhi doono horumar balaadhan oo dhinac kasta ah isagoo kaashanaya dadweynihiisa ma daaleyaasha ah oo tusaale u ah dhammaan shucuubta afrika iyo dunidaba. 

Waxaan mar kale ugu baaqayaa shacbiga Somaliland inay ilaashadaan nabad-gelyadooda iyo wada jirkooda, dhanna uga soo wada jeestaan wax kasta oo wax u dhimaya horumarka iyo midnimadda dalkeena. ILAAHAY waxaan ka baryayaa inuu innagu garab gallo dedaalkeena." 



Gabiley News Desk 
Hargeysa

No comments: