Wikileaks Oo Soo Bandhigay Tallooyin Madaxwaynaha Kenya Siiyay Daahir Rayaale, Si Somaliland Uga Mid Noqoto Dawladaha Xubnaha Ka Ah Urur Goboleedka IGAD.
Hargeysa,(Ramaas) –Shabakada caanka ku ah baahinta wararka sirta ah iyo war-bixinada ay isdhaafsadaan Safaaradaha wadamada reer galbeedku ku leeyihiin Caalamka ee Wikileaks ayaa baahisay tallooyin Madaxwaynaha wadanka Kenya Mwai Kibaki siiyay Madaxwaynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, wakhti ay kulan ku yeesheen Magaaladda Nairobi.
Shabakada Wikileaks waxay soo bandhigtay talada Madaxwaynaha Kenya Mwai Kibaki uu siiyay Daahir Rayaale Kaahin, kuwaasi oo salka ku hayay sida ugu fudud ee Somaliland kursi ugu yeelan lahayd urur goboleedka IGAD, isaga oo Madaxwaynaha Kenya doonayey inuu taladaasi ka sakow gacan ka geysto sidii ay Somaliland uga mid noqon lahayd wadamada xubnaha ka ah IGAD.
Wikileaks, waxa uu soo bandhigay hadalo toos ah oo Madaxwayne Mwai Kibaki u sheegay Daahir Rayaale Kaahin, kuwaasi oo ay daabacday safaarada Maraykanku ku leeyahay Magaaladda Nairobi ee caasimada dalka Kenya “Dhab ahaan Kibaki wuxuu u muuqday nin wax la qaban kara (Daahir Rayaale), waxaanu tilmaamay in Somaliland ka shaqeyso sidii ay aqoonsi uga heli lahaayeen Urur goboleedka IGAD.”ayay tidhi war-bixinta Wikileaks daabacay isaga oo soo xiganaya qoraalo sir ah oo uu ka helay safaarada Maraykanka ee Nairobi.
Wikileaks waxa uu sheegay in Madaxweyne Mwai Kibaki diyaar u ahaa inuu Somaliland ku caawiyo sidii ay dunida aqoonsi uga heli lahayd, iyadda oo war-bixintu intaasi taacisay in Madaxwaynaha Kenya ka shaqeeyay sidii Daahir Rayaale Kaahin ula kulmi lahaa hogaamiyayaasha Wadamada Afrika si uu ugala hadlo aqoonsi ay Somaliland u fidiyaan, iyadda oo war-bixintu xustay in Madaxwayne Kibaki uu Daahir Rayaale u sheegay in xubin-nimada IGAD ay ku xidhan tahay oo kaliya ogolaanshiyaha saddex wadan “Wuxuu u cadeeyey in xubinimada IGAD looga baahan yahay oo kaliya ogolaanshaha saddex wadan, Wadamada IGAD waxay albaabka u furayaan ka mid ahaanshaha xubinimada midowga Afrika ee Somaliland”ayay tidhi War-bixinta Wikileaks baahiyey oo intaasi ku dartay in xubin-nimo Somaliland ka hesho IGAD ay fududayn lahayd kursi ay ku yeelato qaramada midoobay “Taasi waxay keeni doontaa helitaanka xubinimada Qaramada Midoobay”.
Wikileaks waxa kale oo uu xusay in ujeedada safarkaasi Daahir Rayaale iyo weftigiisa ee Kenya oo dhowr sanadood ka hor ahaa ay ahayd in Kenya u fududeyn lahayn kulamo ay la yeeshaan hogaamiyayaasha Afrika “Sababta wefdigu xilligan u yimaadeen Kenya ayaa ah sidii Kenya u fududeyn lahayd sidii Somaliland kulamo ula yeelan lahayd (Hogaamiyayaasha Afrika)”ayay tidhi War-bixintaasi.
War-bixintu waxa kale oo ay tilmaantay in Madaxwaynaha Kenya wakhtigaasi balan qaaday inuu xidhiidh ka samayn doono Madaxwaynihii hore ee Koonfur Afrika si ugu sheego inuu miiska soo dhigo qadiyada Somaliland marka la isugu yimaado shirka guud ee Midowga Afrika “Somaliland ayaa la ogyahay xidhiidhka ka dhexeeya Koonfur Afrika, inkasta oo la dareemi karo sida wadankaasi aanu u doonayn inuu ka hor maro wadamada kale Afrika (Ee aqoonsi Somaliland hesho), Madaxweyne Kibaki, ayaa ogolaaday la xidhiidhka Madaxweynaha Koonfur Afrika isla markaana u soo bandhigay sida Kenya u taageeri doonto Koonfur Afrika haddii ay miiska soo dhigaan arrinka Somaliland shirka Midowga Afrika ku yeelan doono Magaalada Banjul bisha July”ayay tidhi warbixintaasi, iyadda oo intaasi ku dartay “Xukuumada Kenya ayaa bilaabi doonta xidhiidho badan oo ay la yeelato Somaliland, oo ay ugu horeyso balaadhinta joogitaankooda Hargeysa iyo u fududeynta sidii Somaliland xafiis uga furan lahayd Nayroobi”.
Ramaas
http://samotalis.blogspot.com/
No comments:
Post a Comment