Balidhiig (SLF)- Waxaa laga dareemayaa dhiilo colaadeed oo hor leh jiidaha Gawlalaale iyo Balihaleelo kadib markii ciidamo huwan ah oo ay hogaaminayaan nimanka beryanba caadaystay inay jaqaan dhiiga bulshaweynta kala duwan ee beesha Isaaq ee Ilaahay ku beeray degaanadaa ee loo yaqaan Liyuu booliska oo huwan shaadhkii dawlada Itoobiya laakiin u adeegsaday si khaldan oo ah qaab qabiil oo ay reer S/land beri hore ka koreen.
Waxay nimankaa Liyuubooliska si xaq daro ah ku amreen in la aaso baraago qodan oo biyeysan oo laga cabayey mudaba sida berked uu leeyahay odayga caanka ka ah magaalada Burco ee la yidhaahdo Haybe Dubbe, halka ay kuwo ay hadda bilaabeeb qodistooda niman kasoo jeeda Qararo oo Dhulbahante ahna ay u xukumeen inay sii qotaan isla markaana ay ka qodan karaan meel alla meesha aydoonaan.
Mar ay Somalilandfuture xidhiidho badan oo toos ah la samaysay Burco illaa Balidhiig ayaa waxay noo cadeeyeen odayaashii goobtaa ku sugnaa in baraagihii qaar la aasay, tii qodnayd ee laga cabayey ee Haybe Dubbena ay isku gadaameen wiilal yar yar oo soddomeeyo ahi iyagoo ku dhaartay inay ku dhiman doonaan oo aan sinaba loo aasayn, halka Liyuubooliiskii Ogadena uu dhaar ku maray saacadaha soo socda in ay cagta marin doonaan.
Si kastaba ha ahaatee xaalada iyo wararka aanu saacadan xaadirka ah ka helayno jiidaa ayaa aanay xabadu afka ka bixin, dhinaca kale odayaal iyo wax garad badan ayaa ilaa shalay ka ambabaxay magaalada Burco illaa Balidhiig bal si xaalada deganaansho loogu soo dabaalo.
Ciidamada Liyuu booliska ee huwan shaadhka Itoobiya laakiin arligaa ay ka taliyaan kaga maxaafsada qaab qabiil oo aad u liita oo aan weli soo marin maamuladii hore ee isaga kala dambeeyey maamulka Jig-Jiga ayaa hadda wuxuu u muqdaa mid cidhib tir toosa ku haya beesha Isaaq ee degta degaanadaa, balse aanay ku liibaani doonin dhaxal dambeedka.

Wixii warara ee kasoo kordha kala soco Somalilandfuture Online.
http://somalilandfuture.com/dhiilo-colaadeed-oo-laga-soo-sheegayo-hawdka-sare-ee-gawlalaale-iyo-balihaleelo/
http://samotalis.blogspot.com/
No comments:
Post a Comment