16 May, 2012

Milatariga Iyo Bileyska Oo Soo Bandhigay Hubkii Lagu Soo Weeraray Xerada Ciidanka Qaranka, Faahfaahina Ka Bixiyey Khasaaraha Ka Dhashay


Milatariga Iyo Bileyska Oo Soo Bandhigay Hubkii Lagu Soo Weeraray Xerada Ciidanka Qaranka, Faahfaahina Ka Bixiyey Khasaaraha Ka Dhashay
 haatuf
“Ciidanka Qaranka Oo Nabad Ku Waa-Bariistay Oo Salaadii Subax Tukaday Ayaa Laba Jiho Laga Soo Weeraray, Waxaana Lagu Riday Hub Noockasta Oo Dadku Qaadi Karo” Gen. Shaqale
Hargeysa, May, 16, 2012 (Haatuf) – Taliyeyaasha Ciidamada Qaranka ee Milatariga iyo Bileyska Genaral Ismaaciil Maxamed Shaqale iyo C/laahi Fadal Iimaan ayaa faahfaahin ka bixiyey Weerar dablay hubaysani ay ku soo qaadeen shalay Subax Xerada Madaafiicda Goobta ee duleedka Bari ee Magaalada Hargeysa, halkaas oo uu ka dhashay Khasaare Dhimasho iyo Dhaawacba leh.
Weerarka ay Maleeshiyo beeleedka Hubaysani ku soo ekeeyeen Warshadii hore ee Kabista ee Xerada Madaafiicda Goobta ee xaafadda New Hargeysa, ayaa waxa ku dhintay 3 ka mid ah Ciidanka Qaranka Somaliland iyo 2 qof oo ka mid ah kooxdii weerarka soo qaaday iyo Haweenay Rasaastii la is-waydaarsanayey ay haleeshay, halka ay dhaawacyo soo gaadheen 9 qof oo kale.
Taliyeyaasha Ciidamada Milatariga iyo Bileyska oo Shir jaraa’id shalay ku qabtay xarunta Miiska Saraakiisha Milatariga oo ay wehelinayeen Wasiirada Gaashaandhiga iyo Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in Ciidamada amnigu ay xabsiga u taxaabeen 28 ka mid ah Maleeshiyadii Ciidanka Qaranka weerartay.
Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Gen. Ismaaciil Maxamed Shaqale oo dhacdadaasi faahfaahin ka bixinaya waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Maanta oo ay Taariikhdu tahay 15-kii May Shantii iyo badhkii subaxnimo waxa ka dhacay Xerada Ciidanka Qaranka ee goobta Madaafiicda ee loo yaqaano Xerada Soodaanta waxa Ciidanka Qaranka ee daganaa soo weeraray Ciidan beeleed, dablaydaas oo aan la garanaynin sabab ala sabab uu ku soo weeraray ciidankii xeradaa deganaa.
Ciidankaas Qaranka ee halkaas degani isaga oo nabad ku waa-bariistay oo Salaadii Subax tukaday ayaa laba jiho laga soo weeraray, waxaana lagu riday hub noockasta oo dadku qaadi karo, haday noqon lahayd BKM, Baasuuke iyo qoryaha fudud, isla markaana wax aan lagu ridin muu jirin, natiijadii dagaalkaas ka dhalatay waxa ay noqotay in Ciidanka Qaranka ay halkaas kaga dhintaan saddex askari, waxaana kaga dhaawacmay 4 askari.  Run ahaantii aad iyo aad ayaanu uga xunahay oo Ciidanka Qaranku maanta kamuu sugaynin in Hargeysa gudaheeda in Xeryihiisa lagu weeraro oo shacabkiisu weeraro muu filaynin, weerarkase meelo kale ayuu ka sugayey oo uu diyaar u ahaa”.
Taliyaha Ciidanka Bileyska C/laahi Fadal Iimaan oo isaguna ka hadlay weerarkaasi Dablaydu ay ku soo qaaday Ciidanka Qaranka ee ku sugnaa Xerada Madaafiicda Goobta ayaa waxa uu yidhi “Xerada Ciidanka Qaranka ee Madaafiicda goobta Ex Xeradii soodaanta ayay soo weerareen koox abaabulan oo dablay ahi, oo ilaa hada aanan fahmin ujeedada ay ku soo weerareen, waxaana kooxdaasi dablayda ahi ay ku soo weerareen hubka culus ee Boobayaasha ee hortiina yaala oo ay ka mid yihiin BKM, RPD, kooxda dablayda ah waxaa ka dhintay laba qof, sagaal ka mid ahina ay dhaawac yihiina, 19-na waa laga qabtay, waxa kale oo Rasaastii Seerarada ahaa ku dhaawacmay saddex qof oo shicib ah, kooxdaasi waxa la horgayn doonaa sharciga”.
Sidoo kale waxa iyaguna shirkaasi jaraa’id ka hadlay  Wasiirada Gaashaandhiga iyo Arrimaha Gudaha, kuwaas oo dhamaantooda sheegay in Xeradii Ciidanka Qaranka ee goobta Madaafiicda ee loo yaqaano Xerada Soodaanta inay laba aag ka soo weerareen Maleeshiyo beeleed, kuwaas oo dhacdadaa ku tilmaamay nasiibdaro.
 Ugu horayna Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale (Duur)  oo arimahaa ka hadlaya waxa uu yidhi “Somaliland maanta maan moodayn inay halkaasi marayso, laakiin isku heli-mayno qaranimo iyo qabiilnimo oo labada midbaynu qaadanaynaa oo ay noqono qaran amni ah oo aynu dadka direyska inoo sita ee amnigeena ilaalinaya inaga oo shacab ah la ixtiraamo, maaha inaynu noqono qabiilooyin qoryo la kalaha”.
Wasiir Duur waxa uu sheegay inay qabqabteen 28 ka mid ah dadkii dagaalamayey ee rayidka ahaa oo 9 ka mid ahi dhaawac yihiin “Dad Badan-baa la qabqabtay oo 28 ayaa la qabtay dadkii dagaalamayey ah oo 9 dhaawac yihiin.
Waxa la hayaa hub, waxayna siteen dhammaan hubka bani-aadam qaadi karo wixii aan gaadhi saarnayn ayay wateen, kamay fikirin ciidamada qaranka ee halkaas degganaa, kuwo meelaha kala deggan iyo culayska dawladnimadu leedahay oo caadifad-baa abaabushay”.
Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale (Duur) mar uu fariin u diray shacabka, waxa uu yidhi “Waxaan leeyahay shacabka tan oo kale maynaan filayn ee aynu nabadgalyada dhowrano ilayn Tacsi iyo tiiraanyo ku jiri-maynee”.
Sidoo kale Wasiirka gaashaandhiga oo halkaas ka hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyey dhibaatada ka dhalatay iska hor imaadkaas shalay ka dhacay xaafadda New Hargeysa, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Waxa dhacay runti shil fool xun oo nasiib darro ah oo lama filaan ah, waxaanu ka dhacay goobta madaafiicda ee warshadii kabka dhinaca laagta xigta sida dadku ay u yaqaanaan, goobtaas markaa goor Waaberigii ah ayaa waxa weerar ku soo qaaday dad shacab ah, dagaal baa halkaa ka dhacay nasiib darro ah, wax allaale wixii halkaasi ku dhintay tacsi baanu diraynaa waana kaa dhimay oo kugu dhimay”.
Wasiir Cadami oo hadalkiisa sii wataa, waxa uu yidhi “Shacabka ayaa bilaabay rasaasta, qoladda xeradda joogtayna waa la soo weeraray, hadii uu dagaal dhacona waxa khasaaruhu wuu imanayaa, anigu goobta ma joogo, isku meelna waynu joognaa oo wasaaraddaydii ayaad ila joogtaa, laakiin waxa nasiib darro ah in ciidamadii amaanka inoo ilaalinayay in ay dagaal sokeeye ay ku soo gaadho khasaare waa mid aad looga wanaagsan yahay”.

Dhinaca kale qaar ka mid ah kooxdii weerarka ku soo qaaday Xerada Ciidanka Qaranka ee Madaafiicda goobta oo shalay galab Idaacada VOA-da u waramay, ayaa iyaguna sheegay in ujeedada weerarkooda keentay ay ka dhalatay dhul ay ku lahaayeen agagaarka Xerada Ciidanka oo nin shicib ah xukuumadu dhul badal ku siisay.

Siciid Maxamed Cabdillaahi oo idaacadu ku sheegtay kooxda weerarka soo qaaday oo arrimahaasi ka hadlayaana waxa u yidhi “Dhulkani waa dhul beereed aanu lahayn oo dawladii hore ay xoog nagaga qaaday, waa dhalinyaradii meesha ku dhalatay, waxaanu garan waynay sababta ay dawladu nin shicib ah dhul badal ugu samaysay ee anagana naloogu diiday dhulkayaga intii ka soo hadhay”
Waxa kale oo isaguna ka hadlay Cali Qodax Cigaal oo sheegay inuu ka mid yahay kooxdaasi sheeganaysa dhulka xerada Ciidanka Qaranka.
Si kastaba ha ahaatee waa markii ugu horaysay oo dad shicib ahi ay Weerar Hubaysan ku soo qaadaan Xero Ciidan Qaran, isla markaana ay laayaan qaar ka mid ah Ciidamadaasi.

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: