16 May, 2012

Dhago-Wayne Oo Ka Sheekeeyey Waayo Soo Kala Maray Madaxwayne Siilaanyo Wakhtigii Ay Mabda’a Kulmiye Ku Midaysnaayeen


Dhago-Wayne Oo Ka Sheekeeyey Waayo Soo Kala Maray Madaxwayne Siilaanyo Wakhtigii Ay Mabda’a Kulmiye Ku Midaysnaayeen

Hargeysa, May, 16, 2012 (Haatuf)  –  Guddoomiyaha urur Siyaasadeedkii Hadhay ee UDHIS Mujaahid Ibraahim C/laahi Xuseen (Dhago-Weyne) ayaa eedayn wayn u jeediyey Madaxwayne Axmed Siilaanyo, kaas oo daaha ka rogay Sirro Uu sheegay inuu ka helay Madaxwaynaha wakhtigii ay Mabda´a Kulmiye Ku Midaysnaayeen.
Ibraahim Dhagawayne waxa uu sheegay inuu mar Madaxwayne Siilaanyo kala hadlay  waxa laga yeeli doono Golaha Guurtida ee wakhtigoodii sharciyadu Muda dhaafay, kaas oo tilmaamay inuu Madaxwayne Siilaanyo ku yidhi wakhtigaas iska daa marka aynu talada dalka ku guulaysano ayeynu ku shaqaysan doonaaye.

Waxaanu Ibraahim Xuseen Dhago-wayne ka sheekeeyey taariikh soo kala martay isaga iyo Madaxwaynaha dalka Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaanu sidaas ka sheegay Shirjaraa’id Shan urur Siyaasadeed oo ka mid ah ururadii hadhay ay ku qabteen Hotel Xaraf ee magaalada Hargeysa, isaga oo ka hadlaya wakhtigii ay Madaxwaynaha isla soo qaadeen Golaha Guurtida, waxa uu yidhi “Madaxweynaha waxaan ku idhi waar Axmed waa maxay Guurtidan wakhtigeedii dhammaaday ee sii fadhidaa, Halkii aan ka eegayay inuu wax kale igu yidhaahdo ayuun buu igu yidhi aamus marka aynu taladda ku guulaysano ayaynu ku shaqaysan doonaaye”.
Mujaahid Dhago-weyne waxa uu Madaxwayne Axmed Siilaanyo ku dhaliilay wax ka qabasho la’aanta shaqaaqooyinka dhinaca amaanka ah ee ka taagan meelo ka mid ah Somaliland, kuwaas oo uu sheegay in Madaxwaynuhu indhaha ka lalinayo, halkii uu ka damin lahaa.
Guddoomiyaha urur Siyaasadeedkii Hadhay ee UDHIS Mujaahid Ibraahim  C/laahi Xuseen (Dhago-Weyne) waxa uu tilmaamay in Madaxwayne Axmed Siilaanyo u sheegay inuu dhameeyay dhibaatadii ka taagnayd deegaanada Kalshaale iyo Seemaal, balse aanay waxba ka hirgalin nabad-galyadii la doonayey isaga oo arimahaas ka hadlayana, waxa uu yidhi  “Arinta deegaanka Seemaal oo aanu si dhab ah u ogayn waan kala hadlay Madaxwaynaha waxaanu igu yidhi way dhammaatay hadda waan ognahay waxa ka taagan”.

Ibraaihim C/laahi Xuseen (Dhago-weyn), waxa uu sheegay inaanay dalka ka jirin wax sharci ah oo ummadda kala hagaa, isaga oo xusay in ururada guddida diiwaangalintu ku dhawaaqeen inay hadheen in la reebey aan wax sharci ah lagu reebin, waxaanu yidhi “Ma jirto cid sharci ku joogta golayaasha dalka, ururadan la reebayna looma adeegsan wax sharci ah”.
Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Ururka Jamhuuriga Axmed Sandoon Xasan, Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan guddoomiyaha Ururka NDB, Cumar Aw Cabdi (Cumar Dheere), Aadan Ruush iyo Xubno kale oo dhamaan is isku mid ah u sheegay inay ka biyo diideen go’aankii guddida diiwaangalintu soo saareen, kuna eedeeyey wax is daba marin.

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: