26 May, 2012

Dhacdo Ku Cusub Somaliland : Xaafad Si Wada Jir Ah Isla Garatay Si Aan Qabyaaalad Ku Jirin Qofkii Uga Qaybgali Lahaa Tartanka Golaha Deegaanka Hargeysa

Dhacdo Ku Cusub Somaliland : Xaafad Si Wada Jir Ah Isla Garatay Si Aan Qabyaaalad Ku Jirin Qofkii Uga Qaybgali Lahaa Tartanka Golaha Deegaanka Hargeysa

Xaafada Aw Aadan oo ah xaafad balaadhan oo ay ku nool yihin beelo kala duwan ...................

Hargeysa (GNS)- Xaafadda ku taalla degmadda Gacan libaax, ayaa iska soo dhex doortay xildhibaanka xaafadoodda iska soo sharaxi doonna, isla markaaana ka mid noqon lahaa xildhibaanadda golaha deegaanka ee magaaladda Hargeysa. 

Xaafada Aw Aadan oo ah xaafad balaadhan oo ay ku nool yihin beelo kala duwan ayaa markii guddiyadda xaafaddu daraasadeeyeen qofka xaafadooda u noqon laha musharax, waxay isku raaceen in aan qabiil lagu dooran qofka musharaxa u ah ee lagu doorto karti iyo daacadnimo, waxaanay si wada jir ah go'aan ku gaadheen in wiil dhalinyaro ah oo aqoonyahan ah magaciisana la yidhaa Maxamuud Jaamac Axmed u noqdo musharaxa xaafaddooda,isla markaana isku soo taago tartanka dawladaha hoose ee dhowaan la filayo inay dalka ka qabsoomto, waxaanay sheegeen inay sidii ay ku soo saari lahaayeen musharaxoodda ay xoog iyo xoolaba isku geyn doonaan. 
guddiyadda kala duwan ee xaafadda Aw AADAN, Garabka dhalinyaradda, hal doorka xaafadda iyo guddidda guud ayaa shir ay danahoodda kaga arrinsanayaan oo ay ka yeesheen xaafadoodda isla gartay in wiilkaasi dhalinyarada ahi usoo xulaan inuu xaafadda u noqdo musharax u taagan xildhibaanadda xaafadooda u matali doona golaha deegaanka ee magaaladda Hargeysa. 

Sidaas waxay ku sheegeen war-saxaafadeed ka soo baxay guddiyadaasi oo ay ku sheegayaan go'aanka ay xaafadaasi isla gaadhay ayaa u qornaa sidan: "Gudida, Culimada, Aqoon yahanada, Dhalinyarada, Haweenka, wax-garadka xaafadahan kor ku xusan: Markay arkeen: dayaca iyo baahida kala duwan ee taalla xaafadahooda. 
Markay aqoonsadeen: ahamiyada ay u leedahay inay golaha deegaanka ku yeeshaan xildhibaan matala oo ka turjuma baahidooda, isla markaana ay ku qanacsan yihiin awoodooda ku aadan inay soo saari karaan musharaxooda. 
Markay sameeyeen: dood iyo falanqayn muddo dheer socday, waxay isku raaceen sidan: 

In Sh. Maxamuud Jaamac Axmed uu noqdo musharaxa doorashadan ku matalaaya xaafadaha (Aw-Aadan, Hilaac, 150-ka, Lug & Lacag), isla markaana ay xaafadahani hiil iyo hooba la bar-bar taagan yihiin musharaxooda sidii uu ugu guulaysan lahaa doorashadan. 
Sidaa daraadeed: waxaanu masuuliyiinta Xisbiyada iyo ururada siyaasada ee barnaamijkoodu yahay horumarinta wadanka iyo la dagaalanka cadaalad darrada & qabyaalada, isla markaana danaynaya codadaka xaafadaha (Aw-Aadan, Hilaac, 150-ka, Lug & Lacag) u soo jeedinaynaa inay sida ugu dhakhsaha badan ula soo xidhiidhaan masuuliyiinta gudida xaafadaha kor ku xusan siday ugu guulaystaan codadka xaafadahan."Gudoomiyaha Guud ee Xaafadaha Waraaba SalaanMudane: Maxamed Cabdi Yaasiin (Bulbul). 
Guddidda xaafadda waxa ka mid ah masuuliyiintan hoos ku qoran: 
Gudida Guud ee Xaafada Aw-Aadan 
No Magaca Xilka 
1. Xuseen Cabdi Diiriye Gudoomiy Ku xigeen = 4177573 
2. Fu'aad Jaamac Xaashi Agaasime Hawlaha= 4487094 
3. Yuusuf Xasan Ismaaciil Afhayeen = 4488299 
4. Yuusuf Jaamac Aadan Xubin = 4420119 
5. Maxamed Cumar Askar (Gini) Xubin = 4482792 

Gudida Dhalinyarada 
No Magaca Xilka 
1. C/Raxmaan Maxamed Ismaaciil Gudoomiye = 4129447 
2. Axmed Jirde Cabdi Gudoomiye Ku xigeen = 4116587 
3. Maxamed Xuseen Cabdi Agaasimaha Hawlaha = 4427875 
4. Jaamac C/Risaaq Jaamac Xubin = 4460227 
5. Maxamed Cali Axmed Xubin = 4412405 

Haldoorka Xaafada Aw-Aadan 
1. Aqoon yahan: C/Rashiid Dayib Aw Cali 
2. Aqoon yahan: Khadar Axmed Xiiro 
3. Dr. Daahir Cabdi Muxumad 
4. Aqoon yahan: Sucaad Maxamed Ismaaciil 
5. Aqoon yahan: Faadumo Faarax Cabdi 
6. Aqoon yahan: Xuseen Muuse Aw-Ciise 
7. Dr. Sahra Maxamed Cali 
8. Ganacsade: Ugaaso Cabdi Shoodhe (Magaalo Ugaaso) 
9. Ganacsade: Yuusuf Cilmi Soofe 
10. Ganacsade: Mahad Cali Xirsi 
11. Ganacsade: C/Rashiid Cabdi Cali 
12. Ganacsade: C/Raxmaan Axmed Wacays 
13. Ganacsade: Maxamed Xasan Dalmar 

Gudoomiyaha xaafadda Lug iyo Lacag: Muuse Caydiid Cilmi, gudoomiyaha Xaafadda Boqol iyo Konton Siciid Ciise Maxamed, Gudoomiyaha xaafadda Hilaac (Ex Qoobka), Cabdiqani Nuur Cabdilaahi. 
Guddidan ku nool xaafadan degmadda Gacan libaax ayaa noqonaysa dadkii u horeeyey oo qof matalaya si madax banaan usoo xusheen qofka u matali doona golaha deegaanka Hargeysa, waxaanay noqonaysaa tusaale ay xaafadaha kale kaga dayan doonaan, taas oo qabyaaladii ay ururadu ku xulan jireen qofka golaha deegaanka isku soo taagay meesha ka baxaysa.



No comments: