Budhcad badeeda Soomaalida ee heysta Markab u rarnaa ganacsato reer Somaliland ayaa....
Siday faafisay wakaalada wararka ee Reuters nin magaciisa ku sheegay Yuusuf Cali oo ka mid ah budhcadda heysata markabkaas oo lagu magacaabo MV Leila oo ka diiwaangashan dalka Panama una socday magaalada Berbera ayaa sheegay inay rajeynayaan helitaanka lacag Madax-furasho oo kooban oo markabkaas laga siiyo, balse ay doonayaan in mas’uuliyiinta Somaliland marka hore ay siidaayaan saaxiibadooda xukuman ee xabsiyada maamulka Somaliland ku jira, kuwaas oo loo xirdhy falal la xidhiidha
Burcadbadeednimo.
“Ma sii deyn doono Markabka inta laga sii deynayo saaxiibadeena ku jira xabsiyada Somaliland, Somaliland way na hadidaa, waxayna nagu xukuntaa 20-sanadood oo xabsi ah, halka aanu Yamen ku qaadano 7-sano oo keliya” ayuu yidhi ninkaasi kooxaha budhcad badeeda Soomaalida u hadlay.
Si kasta oo ay ahaataba markabkan ganacsi ee u rarnaa maamulka Somaliland ayaa waxay kooxaha budhcad badeedu afduubteen bishii hore ee Febaraayo gudaheeda, ayeysan maamulka Somaliland ilaa iyo hadda ka hadlin shuruudda ay ay ku xidheen budhcad badeedu sii deynta markabkaasi.
abdirahman
dhore77@gamil.com
No comments:
Post a Comment