04 February, 2012

Xukuumadda iyo Xisbiyada Siyaasadda Somaliland oo Go’aan isku mid ah Ka Gaadhay Shirka London

Xukuumadda iyo Xisbiyada Siyaasadda Somaliland oo Go'aan isku mid ah Ka Gaadhay Shirka London

Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland, Maxamed Cabdillahi Cumar

Hargeysa - Xukuumadda iyo Xisbiyada siyaasadda Somaliland ayaa isku raacay inay ka qaybgalaan shirka Soomaaliya loogu qabanayo 23-ka bishan Febraayo 2012 magaalada London ee dalka Ingiriiska oo ay markii hore diiddanaayeen inay tagaan.

Wada-tashi dhex maray Xisbiyada siyaasadda iyo Xukuumadda Somaliland, ayaa lagu go'aamiyey inay ka qaybgalaan shirka London oo uu Madaxweyne Axmed-Siilaanyo hore ugu baaqay inay wada-tashi iyo wax ay ku qancaan uun kaga qaybgeli karaan shirkaas.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa caawa Saxaafadda u sheegay inay dawladda Ingiriisku u soo caddaysay qaabka ay Somaliland uga qaybgalayso shirkaas iyo muhiimadda ugu jirta.

"Shirkaas waxay Somaliland kaga qaybgalaysaa sidii ay beesha caalamka uga codsan lahayd in taageero loo fidiyo Somaliland, gaar ahaan dhinacyada la-dagaalanka Budhcad-badeedda iyo Argagixisada oo ah waxyaabaha la doonayo in xoogga lagu saaro shirka London." Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo qaar ka mida warbaahinta caawa kula hadlay Hargeysa.

Dr. Maxamed Cabdillaahi, waxa uu sheegay inay dawladda Ingiriisu Somaliland u sheegtay in looga baahan yahay shirka London, isla markaana ay talo ka dhiiban doonto sida Soomaaliya loogu abuuri karo nabdgelyo lago adag ku taagan iyo xasillooni waarta.

Dhinaca kale, War-Saxaafadeed uu caawa soo saaray Guddoomiyaha Xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayuu ku sheegay inay saddexda Xisbi siyaasi ee UDUB, UCID iyo KULMIYE, si wada-jir ah u go'aamiyeen, isla markaana Xukuumadda ku taageerayaan ka qaybgalka shirka lagaga hadlayo arrimaha Soomaaliya ee London lagu qabanayo 23-ka bishan, kaasoo ay marti-gelisay amaba qaban-qaabisay dawladda Ingiriisku.

"Shir ay Madaxweynaha Somliland iyo Sadexda Xisbi isugu yimaaddeen guriga Madaxtooyada Somaliland xalay oo taariikhdu ahayd 03/02/2012, Madaxweynuhu waxa uu uga warramay isbedel lagu sameeyay qaabkii shirka London ka qabsoomi doona 23/02/2012." sidaa ayaa lagu yidhi qoraalka warka saddexda Xisbi ee uu Guddoomiyaha KULMIYE Hargeysa ka soo saaray caawa.

Waxaanu intaa ku sii daray; "Waxaanu sheegayIn dawladda ingiriisku oggolaatay in dawladda Somaliland ku timaaddo shirkaas iyada oo ka gooni ah Soomaaliya.  Dawladda Ingiriisku waxay xaqiijisay in qodobka ku jira geeddi-socodka siyaasadda (Road Map) uu gaar u yahay Dawladda Ku-meel-gaadhk ah ee Soomaaliya iyo Gobolada hoos yimaadda, iyadoo dawladda Ingiriisku caddaysay inaanu qodobkaasi khusaynin Somaliland oo aanu shaqo ku lahayn."

Xisbiyada siyaasadda Somaliland waxay soo dhaweeyeen in Shirkaas laga qaybgalo maaddaama oo sida la sheegay aanu saamayn ku yeelan doonin gaarnimada Somaliland, oo 1991-kii magaalada Burco kaga dhawaaqday inay gooni uga taagan tahay Soomaaliya oo ay hore uga mid ahayd

No comments: