16 February, 2012

G/Qandaraasyadda Oo shaaciyay Shirkadaha ku guulaystay dhismaha madaarrada Hargeysa iyo Berbera

G/Qandaraasyadda Oo shaaciyay Shirkadaha ku guulaystay dhismaha madaarrada Hargeysa iyo Berbera

Hargeysa (Somaliland.Org)- Gudida Qandaraasyadda qaranka ayaa maanta shaaca ka qaaday sadex shirkadood oo ku guulaystay mashruuca casriyaynta labadda Madaar ee Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera oo ay maal gelinayso dawladda Kuwait.

Xafladdii shaacinta qandaraaskaasi oo lagu qabtay xarunta Ha’yada shaqaalaha dawladda waxa ka soo qeyb galay Gudida qandaraasyada qaranka, Agaasimaha guud ee wasaaradda Duulista Hawada Axmed Dalal Faarax iyo shirkadihii soo dalbaday mashruuca dhismaha madaaraddaas.

Guddoomiyaha Gudidda qandaraasyadda qaranka Aadan Cabdilaahi Xasan (Nugaal) oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay kala saareen 11 shirkadood oo maxali iyo ajaanib iskugu jiray oo ahaa daneeyeyaashii dhismaha mashruucan.

“Qandaraaska dhismaha mashruuca casriyaynta madaaradda Hargeysa iyo Berbera maanta ayuu soo baxay, waxaan ku faraxsan nahay in qandaraaskani ahaa kii u horeeyay ee caalamiya ee Somaliland ka hesho dalalka caalamka. Waxaan idiin sheegayaa in qandaraaskan aanu wax mad-madow ah, musuqmaasuqa ama wax nin jedlaysi ahi ka dhicin,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Gudidda qandaraasyada qaranku.
Aadan Cabdilaahi Xasan waxa uu sheegay inay dhismaha madaarka Berbera ku wada guulaysteen labada shirkadood oo kala ah Tekleberham oo ajanabi ah iyo shirkadda Afro-sino, halka madaarka Hargeysana ay dayactirkiisa iyo casriyayntiisa ku guulaystay China Hono Group.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in shirkadaha Tekleberham iyo Afro-sino Madaarka Berbera ay ku dhisi doonaan lacag dhan $ 4,396,485,46, halka shirkadda China Hono Group ay ku qaadatay dhismaha madaarka Cigaal International Airport Hargeysa lacag lagu qadaray $ 4,436,000.

Sidoo kale, waxa xafladaasi ka hadlay Agaasimaha Guud ee wasaaradda Duulista Hawadda iyo Gaadiidka cirka Md. Axmed Dalal Faarax oo sheegay inay ku faraxsan yihiin waxaanu tilmaamay in qandaraaskan loo bixiyay qaab xor ah.
Agaasimaha guud waxa uu Bogaadiyay shirkadaha ku guulaystay qandaraasan, waxaanu xusay in dhismaha madaaraddani uu ahmiyad weyn ugu fadhiyo Wasaaradda duulista hawadda iyo Gaadiidka cirka.

Axmed Dalal Faarax waxa uu u mahad celiyay dawlada Kuwayt oo Toban Malyan ku maal gelisay dayactirka labadaasi madaar.

Waxa kale oo xafladaasi isna ka hadlay Agaasimaha Guud ee Gudidda qandaraasyada qaranka Maxamed Cabdi Bulaale oo ka waramay marxaladihii qandaraaskani soo maray.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com



http://samotalis.blogspot.com/

No comments: