01 February, 2012

Dawlada Denmark oo Xafiis Siyaasadeed ka Furanaysa Somaliland

Dawlada Denmark oo Xafiis Siyaasadeed ka Furanaysa Somaliland iyo Nuxurka kulan dhex maray Wasiirkeeda Iskaashiga iyo Madaxwyne Siilaanyo

Hargeysa(Waaheen)-Warsaxaafadeed ka soo baxay aqalka Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) shalay Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarinta ee dalka Denmark Christian Friis Bach oo dalka booqasho ku yimi.

Kulankaasoo ay labada dhinaca kaga wada hadleen arrimo door ah oo ku saabsan Xidhiidhka Siyaasadeed iyo Iskaashiga ka dhexeeya Somaliland iyo Dawlada Denmark ayaa arrinta ugu weyn ee Wasiirku Madaxweyne Siilaanyo ugu soo bandhigay ay tahay in dawlada Denmark Xafiis Farsamo ka furanayso Somaliland.

sida lagu sheegay Warsaxaafadeedka kulankaasi laga soo saaray oo u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Iskaashiga iyoHorumarinta ee dalka Denmark Christian Friis Bach oo dalka booqasho ku yimi.

Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarinta ee dalka Denmark Christian Friis Bach ayaa sheegay in Somaliland ay ku ammaanan tahay deganaanshaha iyo xasiloonida ay samaysay, isla markaana uu muuqdo doorka ay ka qaadan karto arrimaha Geeska Afrika, dawladdiisuna ay diyaar u tahay inay sii xoojiso kaalmada ay siiso Somaliland, si taasi wax uga tarto nolosha aadamaha,gaar ahaana dhinacyada arrimaha bulshada, Wasiirku waxa uu ku dheeraaday heerkaay Somaliland ka gaadhay horumarinta iyo dimuqraadiyada iyo ammaanka, xilli ay Somaliland ku dhex taallo mandaqad halisi ku xeeran tahay, taasoo uu sheegayinay caalamad u tahay inay sii xoojiyo waxtarka ay u gaystaan dalkan.

Mr. Christian Friis Bach ayaa sheegay in dawladdiisu Denmark ay hadda xafiis farsamo ka furanayso Somaliland, Madaweynahana ay ka wada hadleen sidii loo sii wadi lahaa maamul wanaaga iyo hagaajinta nolosha bulshada.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) ayaa tilmaamay inay Somaliland ahaan ku faraxsan yihiin booqashad aweftiga reer Denmark, isagoo xusay Denmark in ay ka mid tahay wadamada Somaliland ka taageera dhinacyada arrimaha bulshada. Madaxweynaha Somaliland waxa kale oo uu sheegay in Denmark ay tahay dal ay Somaliland saaxiib yihiin, kaalin wayna uguj irta, isla markaana waxyaabihii ay weftiga ka wad hadleen ay u badnaayeen sii xoojinta xidhiidhka labada dhinac. http://samotalis.blogspot.com/

No comments: