01 February, 2012

Cali Khaliif Iyo Kooxdii Uu Hogaaminayey Ee Amnidarada Ka Waday S/land Oo Jigjiga Looga Mastaafuriyey

Cali Khaliif Iyo Kooxdii Uu Hogaaminayey Ee Amnidarada Ka Waday S/land Oo Jigjiga Looga Mastaafuriyey Dhinaca Addis Ababa





Cali Khaliif Galaydh iyo kooxdii uu hogaaminayey ee Amnidarada ka waday Somaliland ayaa maanta loo mastaafurinayaa dhinaca Addis Ababa si wax looga qabto kooxdan, iyadoo la tixraacayo heshiiskii ay Somaliland iyo Ethiopia kala saxeexdeen.

Cali Khaliif Galaydh ayaa maalintii doraad gaadhay Magaalo Madaxda Ismaamulka Soomaalida Ethiopia ee Jigjiga, isla markaana la sheegay in lagu soo dhaweeyey.
Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo shalay ka soo laabtay socdaal ay Addis Ababa ugu baxeen isaga iyo Wasiirka Arimaha Dibadu ayaa sheegay in ay dawladda Federaalka Ethiopia ay ka wada hadleen xaalada guud ee Amniga labada dal, isla markaana kulankoodaasi uu gu soo dhamaaday guul.

Mr Duur oo shalay warbaahinta kula hadlayey Madaarka Hargeysa markii uu ka soo laabtay socdaal ay isaga iyo Wasiirka Khaarajigu ugu maqnaayeen Magaaladda Adis-ababa ee dalka Ethiopia ayaa waxa uu yidhi mar uu la hadlayey warbaahinta

“Lamaanaan kulmin Masuuliyiinta dawlad deegaanka Kililka Shanaad, waxkasta oo aanu u baahnayd iyo xaaladaha guud ee amniga waxaannu kala hadalnay dawladda Federaalka ee Ethiopia, wada hadaladayadaas oo dhamina waxay noogu soo dhamaadeen guul”.

Wasiirka daakhiliga Duur oo ka hadlaya halka ay ku danbaysay dadkii ay u soo qabqabteen dilkii Seemaal, waxa uu yidhi “Ilaa imika gacanta laguma wada dhigin dadkii ka danbeeyey dilkii Saameel, laakiin talaabooyin fiican ayaanu ka qaadnay xaga amniga, masuuliyiinta deegaankaas-na wali kamaanaan wada hadlin, laakiin waxaanu ka wada hadalnay wanaajinta amniga gobolka Gabiley
Haatuf http://samotalis.blogspot.com/

No comments: