28 January, 2012

TACSI KA TIMID LA-TALIAYAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA IYO GANACSIGA


TACSI KA TIMID LA-TALIAYAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA IYO GANACSIGA

Shuuriye Biixi Cabdi

Anigoo ku hadlaaya magaca Xafiiska La-taliyaha Madaxweynha ee Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga, ka reer Cabdi Carwo iyo kan xaaskayga Amaal Cumar Carte waxaan
 dhambaal tacsi ah u dirayaa ehelka, tafiirta, qaraabada, xigto iyo xigaal,  iyo  shacbiweynaha Somaliland Geerida Naxdinta leh ee ku timid  

Shuuriye Biixi Cabdi, waxuu ahaa siyaasi weyn isagoo ahaa raggii gobannimo doonka ahaa, noqdayna xildhibaankii ugu horeeyey ee beesha Gabooye ee Tumaalada, doorasho xor ah oo xalaal ah ku guulaysata welina ayna cidi labayn. Waxuu noqday xildhibaan laga soo doortay Hargeysa 1960 isagoo sidaas ku noqday xubin ka tirsan barlamankii ugu horeeyey ee Soomaliya.


Waxaan ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somalilandna uu waafajiyo Samir iyo Imaan iyo duco ay u fidiyaan marxuumka. Amiin.
   Axmed Xasan Carwo
La-taliayaha Madaxweynaha ee
Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: