Hargeysa (GNS)- Kulankii mahrajaanka ee bandhig fanneedka ku saabsan nabadda iyo dib-u-heshiisiinta Geeska Afrika,isla markaana lagu tartamayey Sawir-gacmeedyada, Sawirada camerada, gabayada gole ka fuulka, ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka iyo Documentary Films-ka ayaa maanta si rasmi ah loogu soo soo gebagabeyay huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa,kadib markii ay hawshiisa si toos ah u furantay Maalintii Salaasadda,
Xidhitaankii Madashan ayaa waxa ka soo qayb galay Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro, Wasiirka Kaluumaysiga iyo kheyraadka Badda C/laahi Jaamac Geeljirre, Duqa Caasimadda Magaaladda Hargeysa Xuseen Maxamuud Jiciir, Wasiir ku xigeenka Hawlaha Guud iyo Guryaynta Cali Cabdi Saayiq, Siyaasiyiin, Abawaano, Aqoonyahan iyo Mari sharaf kalle.
Bandhigan oo ah kii ugu horeeyey ee noocisa ah ee lagu qabto Somaliland ayaa waxa soo diyaarisay Shirkadda Warbaahinta Ee Kow Media Corp (KMC), waxaanay ku tilmaameen u jeedada laga leeyahay bandhigan sidii loo dhiiri gelin lahaa da’yarta hal-abuurka leh.
Maamulaha guud ee Shirkadda warbaahinta ee Kow Media Cooperation (KMC) Mr. Cabdilaahi Axmed Cabdilaahi, oo furitaankii u horeeyay madashaasi ka hadlay aayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa “ujeedada iyo dulucda guud ee mahrajaankan waxa weeyaan sidii loo siin lahaa fursad lagu maqlo dadka hibada u leh farshaxanka, sawirada iyo hal-abuurka filimada, laguna baraarujin lahaa sidii ay hibadooda wax ugu qaban lahaayeen, ama wax ugu soo kordhin lahaayeen nabadgelyada iyo xasiloonida Geeska, isla markaana dhexdooda loogu tartansiin dhexdooda oo abaal-marin loo siin lahaa.mahrajaankani noqon-maayo kii ugu horeeyey ama ugu danbeeyey ee noocisa ah, balse sanadkasta waa la qaban doona.Sanadkan waxa ka soo qeybgalay dadka geeska Afrika ku nool oo dhan, gaar ahaan dadka Afka Soomaaliga ku hadla oo dhan, sanadka labaad waxa loo furi doona dadka ku nool Bariga Afrika, sanadka sadexaad waxa loo qaban doona umadda ku nool Afrika oodhan, Tartamayaasha ku guuleysata tartanka mahrajaanka waxa la gudoonsiin doona abaal-marin lacageed oo aan qadarkeeda la cayimin iyo abaal-marino kale.kuwaas oo ah dhiirigelin”.
Sidoo kalle waxa madashaasi ka hadlay Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro,iyo Duqa Caasimadda Magaaladda Hargeysa Xuseen C/laahi Jiciir, waxana ay amaan iyo mahadnaq balaadhan usoo jeediyeen Shirkadda Warbaahineed ee KMC.
Fadlan kor ka dhagayso Khudbadihii kala duwanaa ee ay soo jeediyeen Masuuliyiintani
Dhanka kalle waxa goobtaas laga yeedhiyay dadkii ku galaystay kaalamaha horre kuwaas oo kalla ahaa
1 Maxamed Xaashi oo kaalinta kowaad u galay qaybta Filmaanta, waxana uu filinka uu soo bandhigay lagu magacabaa (Darbi Jiif), waxana la gudoonsiiyay lacag dhan 500, oo Dollar, Bilad, Shihaado iyo ABaal marin kalle.
2 kaalinta labaad waxa galay Film lagu magacaabo Daalnayeey, kaas oo laga soo dubay dalka dibadiisa gaar ahaan Dalka Imaaraadka Carabta, waxana ugudoomay jaa’isaddii C/Laahi Faarax), waxana la gudoonsiiyay lacag dhan 300 Dollar, Bilad, Shihaado iyo ABaal marin kalle.
3 kaalinta Saddexaad waxa galay Mustafe Siciid waxana la gudoonsiiyay lacag dhan 200, oo Dollar, Bilad, Shihaado iyo ABaal marin kalle.
Sidoo kalle qaybta sawiradda ayaa waxa kaalinta kowaad galay, Saabir Axmed, halka kaalinta labaadna uu galay Axmed xasan faarax , kaalinta saddesxaadna waxa ku guulaystay
Dhinaca kalle waxa iyana abaalmarino kala duwan la gudoonisiiya ciyaaraha kala duwan ee qoobka ciyaarka waxa kaalinta kowaad CIyaarahaas ku guulaystay Socsa group, kaalinta labaadna waxa galay Dhaqansoor group, halka kaalinta saddexaad ay gashay Uniga wadinayadda
Gabiley news desk
http://samotalis.blogspot.com/
No comments:
Post a Comment