28 December, 2011

“Wasiirka Maaliyaddu Waxba Igalama Uu Hadhin Haddii Uu Igu Eedeeyay Tuuga Nimo” Wasiirka Macdanta Iyo Biyaha


“Wasiirka Maaliyaddu Waxba Igalama Uu Hadhin Haddii Uu Igu Eedeeyay Tuuga Nimo” Wasiirka Macdanta Iyo Biyaha

wasiirka macdanta iyo biyaha Somaliland ayaa waxa laga xumaado ku tilmaamay in uu wasiirka maaliyaddu ku eedeeyo tuug

Hargeysa (GNS)- Wasiirka Wasaaradda Macdanta Iyo Biyaha Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale ayaa si rasmi ah maanta ugu hadlay khilaafka soo kala dhex galay isaga iyo Wasiirka Maaliyadda Somaliland Maxamed Xaashi Cilmi. 

Sidaas waxa uu wasiirku ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Xafiiskiisa, Magaaladda Hargeysa. 

Wasiir Xuseen Cabdi Ducaalle waxa uu sheegay in wasiirka Maaliyaddu uu ku eedeeyo in uu lunsaday lacag, waxana uu intaas ku daray in uu Maxamed Xaashi Cilmi u tagay Madaxweyne Siilaanyo si uu ugu sheego in wasiirka Biyuhu lunsaday lacag “Wasiirka Maaliyaddda Somaliland waxa uu khamiistii igu eedeeyay inta uu Madaxweynaha u tagay inaan lunsaday lacag”. Ayuu yidhi Wasiirka Macdanta iyo Buyuhu. 

Wasiirku waxa uu carabka ku dhuftay in uu wasiirka Maaliyaddu sidoo kale uu arintan gaadhsiiyay Lix wasiir oo kula jirra Guddida qaban qaabadda Bajadka Somaliland. 

Wasiirku waxa uu si adag uga calaalacay in lagu tuhmay tuuganimo isaga oo xil qaran haya “Waa nasiib darro in laygu tuhumo tuuganimo, taasina ay ka timi masuul aniga illa mid ah, waxana wacnayd in uu Wasiir Maxamed Xaashi ka fiirsaddo arintan, oo uu wax iga weydiiyo, waayo fagaarayaal waa weyn ayuu ka sheegay hadalkan”, waxana uu intaas raaciyay “wasiirku waxba igalama hadhin haddii uu arintaas igu eedeeyay, balse daacadnimaddeeda ayaa ibadbaadisay, waana nasiib darro in laba masuul oo ku jirra xukuumadda in ay waxaas isku soo eedeeyaan” ayuu yidhi Wasiir Xuseen Cabdi Ducaali. 

Wasiirku waxa uu sheegay in ay arntan uu Wasiirka Maaliyaddu ku eedeeyay ay tahay Arin Culus isla markaana u baahan in waxa laga qabto, waxana uu sheegay in eedeyntan lagu eedeeyay ay beenowday ka dib markii ay soo baadheen Hanti Dhwrka Guud ee Qaranku. 

Wasiirku waxa uu sheegay inaanay jirin waxa hashiis ah oo ay Wasaaradiisu la gashay shirkaddo ajaanib ah, balse ay jiraan hashiisyo horre ay ula gashay Xukuumaddii ka horaysay kuwaas oo dhamaantood dib u habayn uun ay ku sameeyeen.”Wax hashiisyo cusub ah oo aanu galnay ma jirto, wax ka badal uun ayanu samaynay”. ayuu yidhi Xuseen Cabdi Ducaale. 

Wasiirku waxa uu si cad u iftiimayay inaanay jirin waxa lacag ah oo uu ku shubtay xisbaatiisa gaarka ah, “Ma jirto waxa lacag aan ku shubnay bangi Jabuuti ku yaal, ee bangiga dhaxe ee Somaliland ayanu ku shubnay”. Ayuu yidhi Wasiirka Macdanta iyo Biyuhu. 

Si kastaba ha ahaatee khilaafka labadda Wasiir iyo eedeynta ayaa gaadhay heer uu xilka iskaga casili gaadhay Wasiirka Maaliyadda Somaliland Maxamed Xaashi Cilmi, waxana jiray tuhuno badan oo rakaadiyay Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Xuseen Cabdi Ducaalle, illaa uu gaadhay heer looga yeedho madaxtooyadda si arintan waxa looga weydiiyo. 

Warar lagu kalsoon yahay oo ay helayso shabakadda Gabiley news ayaa sheegay in ay arintani saamayn ku yeelatay Goloha Wasiiradda Somaliland kuwaas oo turxaan hoose dhex martay ka dib markii ay u kala safteen laba qaybood kuwaas oo kala taageersan labadda Wasiir. 

Cali-Madhi Cismaan Axmed 
Gabiley News Reporter 
Hargeysa Office 
Contactgabiley@Yahoo.Com
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: