28 December, 2011

Wasiirada Eryay Dirawaliintii, Xoghayntii Ay Xilka Kula Wareegeen, Kuwa Shaqaaleeyay Hawlwadeeno Ka Soo Jeeda Beeshooda Iyo Xubnaha Aan Badalin Staff-Kii Hore

Wasiirada Eryay Dirawaliintii, Xoghayntii Ay Xilka Kula Wareegeen, Kuwa Shaqaaleeyay Hawlwadeeno Ka Soo Jeeda Beeshooda Iyo Xubnaha Aan Badalin Staff-Kii Hore

Hargeysa, December 28, 2011 (Haatuf) - Xunaba golaha Wasiirada xukuumada ayaa xilligii uu Madaxweynuhu soo dhisayay golihiisa Wasiirada 28-kii July 2010-kii, ayaa waxay qaar badani wada eryeen hore oo Wasiiradii xukuumadii hore eeay xilka kala wareegeen, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Dirawaliin, Xoghayantii iyo ilaaladii khaaska u ahayd, kuna badalay kuwo beeshooda la soo jeeda halka ay qaar kalena Dirawaliin ka dhigteen caruur ay dhaleen, hase yeeshee waxa jira xubno iyagu aan badalin hawlwadeenadii gaar u ahaa Wasiiradii ka horeeyay oo dhamaantood la wada wareegay Darawalkii, Xoghayantii iyo ilaaladii Staf-ka u ahayd, waxaana ka mid ah

1.Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare marwo Samsan Cabdi Aadan ayaa iyadu ah wasiirka kaliya ee la wareegtay hawlwadeenadii Wasiirkii ka horeeyay ee ay xilka kala wareegtay Xasan Xaaji Maxamuud (Xasan Gadh-weyne).

2.Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Xaaji Cali Cadami ayaan isaguna badalin Darawalkii Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga

3.Wasiirka Maaliyada Maxamed Xaashi Cilmi ayaa isaguna ka mid ah Wasiirada aan badalin Staff-kii khaaska khaaska u ahaa ee Wasiirkii ka horeeyay Cali Xuseen Ducaale marka laga reebo Darawalka oo ahaa shaqaalihii wasaarada, balse Xoghayntii iyo ilaaladii Wasiirkii hore dhamaantood la wada wareegay

4.Wasiirka Macdanta iyo Biyaha ayaa isagu ah Wasiirka kaliya ee Xoghayn, Darawal iyo Staff-kii badalay ilaa Agaasime waaxeedyadii wasaaradaasi wada eryay, isla markaana ku badalay xubno beeshiisa ka soo jeeda.

5. Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr Cabdi Aw Daahir Cali ayaa isaguna Dirawalka wasiirkii ka horeeyay ee uu xilka kala wareegay ku badalay wiil uu dhalay, isla markaana xoghayantii iyo Staf-kii iaalaadana ku badalay kuwo cusub.

6. Wasiirka Duulista Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa isaguna wada badalay Darawalkii, xoghayntii iyo Staf-kii Wasiirkii hore ee u xilka kala wareegay Cali Maxamed Waran-Cade, kuna badalay shaqaale cusub oo beeshiisa ka soo jeeda.

7. Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil C/llaahi Axmed ayaa isaguna badalay Darawalka Wasiirkii ka horeeyay ee uu xilka kala wareegay Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed, kuna badalay Dirawal ka soo jeeda reerkiisa.

8. Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Dr Maxamed Cabdi Gaboose ayaa isaguna eryay Darawalkii Dirawalkii Wasiirkii ka horeeyay C/llaahi Cirro, kuna badalay Dirawal aan shaqaale uga ahayn wasaaradaasi oo ka soo jeeda beeshiisa.

La soco….

No comments: