22 December, 2011

Urur Siyaasadeed Cusub Oo Culimo Gadhwadeen Ka Tahay Oo la Filayo In Dalka Lagaga Dhawaaqo

Urur Siyaasadeed Cusub  Oo Culimo Gadhwadeen Ka Tahay Oo la Filayo In Dalka Lagaga Dhawaaqo

Urur siyaasadeed cusub oo uu hormood ka yihiin Culimo ayaa la filayaa in maalmaha soo Socoda lagaga dhawaaqo caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Urur siyaasadeedkan Cusub ee Culimadu Hogaaminayso   ayaa maalmahanba laga hadal hayay fagaarayaasha iyo saaxadda siyaasadeed ee dalka kadib markii Culimadu Sida la sheegay La tashiyo Fara badan iyo kulamo Yeesheen .

Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma oga Siyaasiyiinta iyo Madaxda  Urur Siyaasadeedkan ee lafilaayo in lagu dhawaaqo Maalmaaha Soo socda kuna ibo Furi doona Hargeysa.

Se Warar ayaa SHeegaya in Gudoomiyaha Ururkani ka Soo Jeedo Dhalasho ahaan Gobolka Sanaag halka Ku Xigeenkuna Yahay Reer Awdal..

Illaa Iyo Hadda Ma cada in Urur Siyaasadeedkan ay Qaar ka mid ah Culimadu ku dhawaaqayaan in uu Yahay Urur Diimeed iyo in uu yahay Urur Siyaasi ah se warar U dhaw dhaw ayaa sheegaya in uu yahay Urur Siyaasadeed ka qayb qaadanaya Doorashooyinka Somaliland kuna Soo biiraya Saaxada Siyaasada Somaliland….

Warqabadka ToggaHerer

Hargeysa

Somaliland

No comments: