22 December, 2011

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ee Dalka Sucuudi Arabiya Md Axmed Cali Mahdi Ayaa Xukuumada Siilaanyo Ku eedeeyey in Ay Sidii Dawladii cawro


“Waxaa Jira Siilaanyo in Uu Sameeyey Positions la yidhaa Axyaa Xasabo iyo Afhayeen Dhul…Ururkan Muxaafidka ah Ee Hantidii Qaranka Luugu Adeegaayo Waxaa La yidhaahdaa (BOOLI-QARAN) ” Md Axmed Mahdi


Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ee Dalka Sucuudi Arabiya Md Axmed Cali Mahdi Ayaa Xukuumada Siilaanyo Ku eedeeyey in Ay Sidii Dawladii cawro u shaqaynayso sidoo kalena Dhul haye samaysatay, Md Mahdi ayaa waxa uu sheegay in Siilaanyo Maalintii uu qabsaday Xukunka uu ka bilaabay in uu Xafiisaydii Dhalinyaradii ka wada eryo, sidoo kale waxa uu sheegay intaa kumuu joogine meheradihii in uu ka qaadayo dadkii lahaa oo uu dad kale uu siinayo Waxaanu Md Mahdi ku sifeeyey falkaas uu ku kacayo Siilaanyo in ay tahay Xasabada iyo Qaraabada in uu meel u baynaayo.

Mar uu ka hadlaayey Ururo Muxaafid ah oo La sameeyey waxa u sheegay in Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu uu Hantidii iyo Waqtigii qaranka uu ugu shaqeeyo Ururkiisa Basaasna uu u ahaa Dawlada waxaan taas daliil u ah ninka meel walba isla soo taagaya madaxweyhana ha la amaano miyaanuu ahay nin laga dambeeyo ayuu yidhi Mahdi.

Md Axmed Mahdi ayaa intaa raaciyey in wasiirka Arimaha Guduha Md Duur uu la kawsaday Qalalaase isaga oo hawlgalada Wasiir Duur ka hadlayana waxa u yidhi

“Waxaan dardaaran siinayaa wasiirka gudaha oo hawl badan qabtay, in kastood moodo in nasiibkisu xunyahay oo aad moodo markii uu soo galayba ay noqotay halkana ka soo hoog oo bari u carar galbeed u carar gudaha u carar xiliga uu qabsadayna ay tahay 45 cisho hadeerna waqti u yaalaa ma jiro waxaan odhan lahaa yaanay kugu noqonin ninkii nacaska ahaa bakhaylka ahaa ee la yidhi “miyaanay talaw khamiisi soo galaynin” waxaan odhan laha hawlahaaga wax ka qabo si deg deg ah “

Md Mahdi ayaa mar uu ka hadlaayey sida badheedhka ah ee ay xukuumadu uga talaabsanayso wixii lagu doortay ayaa waxa uu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo doonayo in uu magac ku dhinto se dariiqeedii aanuu haynin taasna waxa ku tusaysa ayuu yidhi in markii ay xilka ku guulaysteen ay xafiisyadii dhalinyarada ka soo wada tuureen sidoo kalena kumay joogin ayuu yidhi halkaase waxa ay iminka marayaan in ay dadkii meheradaha ka qadaan.

“Hadii uu I maqlaayo Madaweynaheenu waxan odhan lahaa mudane kalmadahaad doorashada ku gashay waxaa ka mid ahayd waxaan rabaa in aan magac ku dhinto dhalinyaradii dhashay dagaalada dabadood arintaas way rumaysteen waanay kuhawl galeen se waxaad moodaa in ay iminka taagan tahay (Dhaga, Jaw , Naw) sababaha keenayna waxa weeyaan markii dawladu ay xilka la wareegtay qaylo dheer ayaa yeedhay xafiiski ayaa la iga qaadayeey, qolkiibaa la iga soo xidhayeey Waxaanu markaas nidhi waa xukuumadii Oomayad oo u baahan in ay meesha la wareegtee time siiya dad fara badan oo kale ayaa ka dambeeyey oo wadaadkii Talyaaniga ahaa iyo Cabdi Cawar ka dambeyey oo leh meeshii yarayd ayaa la iga dhacayoo markaa madaweyne xukumada ayaa jiri jirtay Somaliya la yidhaa Cawaro markaa yaanay xukumadeenu DHACAL la magac bixine Wax ka qabo.”

Mar uu ka hadlaayey Positions uu ku sheegay in ay xasabo iyo qaraabo yihiin oo aanay dastuurka kujiran waxa uu sheegay:-

” Xukuumadaadu Waxaa jiro Positions badan sida Wasiir ama kuxigeen waxaanu anagu ognahay oo aanu dabadaha ka nidhaahnaa Positions aan distoori ahayn oo magacyo kale leh ayaa jira oo ay ka mid yihiin (Axyaa Xasabo Position la yidhaahdo waxa kale oo ka mid ah Waxaynu naqaanay Afhayeen Waxaynu iminka maqalnaa dhul hayeen wax la yidhaahdo oo aan afhayeenkii aynu garanaynay aan ahayn waxaan odhan lahaa dhagtaada dadka u raarici oo dadka wax ka sii kuwaasna waxaan odhan lahaa Allan idinku dhaaryee odaygu wuu idin aaminee Magacaas uu sheegayo wax kala qabta”

Md Mahdi Ayaa sidoo kale ka hadlay Ururka Wadani oo uu gadhwaden ka yahayGudoomiyaha Baarlamaanka Md Ciro Taas oo uu ku sheegay in ururkaasi uu yahay urur muxaafad ah isaga iyo qaar kaleba sidoo kalena waxa uu ku sheegay in Ururkaasi uu hantidii iyo waqtigii uu qaranka uu ugu shaqeeyo ururkiisa Waxanuu sheegay in ururkaas waxba lagu aaminayn basaasna uu u ahaa dawlada intii uu ku jiray Ururka Ucid Sido kale waxa uu sheegay in uu u bixin lahaa (BOOLI-QARAN).

“Urur badan ayaa soo baxay oo Muxaafad u badan Anigu waxaan garan waayey Anigu waxaan garan waayey ururka Muxaafad ah ee samaymay waxa uu Kulmiye Toos ugu Gali waayey Raga Ku galay Lacagtii Dawlada Sifo booli qaran ugu shaqeeya urur, raga time kii qaranku ugu shaqeeya urur uu leeyahay, kuraasidii xusbiyada qaranku lahaayeen booli qaran ugu shaqeeya iyo urur gaar ah oo magaca aan u bixin laha ururkaas uu noqon lahaa Booli Qaran. Waxan odhan laha Somaliland ha u dhag taagnaato oo ha aragto ninka xisbi toban sano ugu jiray basaas uu dawlad oo dawladuna dhawr meelood uga dirta bilad sharaf in uu basaas u ahaa Somaliland Waxa uu u qabanayo ayaan is waydiinayaa”

Warqabadka Togaherer
Hargaysa
Somaliland

Contact@togaherer.com
Editor@togaherer.com
togaherer@gmail.com http://samotalis.blogspot.com/

No comments: