Muran Sharci Oo Ka Dhex Taagan Wasaaradaha Ganacsiga Iyo Deegaanka Oo Cirka Isku Shareeray Iyo Taliyaha Bilayska Oo La Sheegay Inuu Bixiyey Amaro Khilaafka Sii Cakiraya
Hargeysa, December 22, 2011 (Haatuf) – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Reer miyiga iyo Deegaanka Maxamed Faarax Xirsi ayaa ku eedeeyey Taliyaha Bilayska Maxamed Saqadhi Dubad uu horjoogsaday amar Wasaaradoodu ku hakisay in meelaha dooxa Dacar-budhuq u dhaw lagu daadiyo Sunta Warshadda Hargaha ee degmadaasi ku taala oo baryahan ugu danbeeyey ay dadka deegaankaasi ku dhaqani ay ka muujinayeen cabashooyin ku saabsan khatarta sunta Warshada Hargaha lagu farsameeyo ay u leedahay deegaanka iyo dadka ku dhaqanba.
Maxamed Faarax ayaa qiray inuu jiro muran sharci oo ka dhextaagan labadooda wasaaradood, kaas oo sheegay inuu Taliyaha Bilayska Maxamed Saqadhi Dubad inuu bixiyey mar khilaafka sii cakiraya.
Agaasimaha Guud Ee Deegaanka Maxamed Faarax ayaa waxa uu sidaas ku sheegay mar uu xalay Waraysi khaas ah khadka tilifoonka kula yeeshay Wargayska Haatuf, isaga oo ku sugan Hargeysa, kaas oo sheegay in khilaaf u dhexeeyo Wasaaradooda iyo ta Ganacsiga, isaga oo arimahaas ka hadlayana, waxa uu yidhi "Guud ahaan Warshadda Hargahuhu Wasaarada Ganacsiga ayey hoos timaadaa, Warshaduna gudaha ayey ku leedahay Dhaamiskeeda iyo halka loogu talo galay in Wasakhda lagu shubo, waxaana jirta meel Warshadda 3-Km u jirta oo ay dhawr iyo toban Dhaam ay ka qodeen si wasakhda loogu daadiyo, markaa Wasiirka Wasaaradayada ayaa warqad ka qoray markii Sahan laga qaaday oo cabasho badanina ka timid dadkii deegaanka, isla markaana amar ku bixiyey inaan meel warshadda ka baxsan aan wax wasakh ah lagu shubi Karin inta la ogaanayo waxyeelada Warshaddaas".
Maxamed Faarax isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka hadlaya amarka uu bixiyey taliyaha Bilayska Saqadhi, waxa uu yidhi "Arrintu iyada oo halkaas maraysa ayaa Jananka Ciidanka Bilayska amar ku bixiyey uu leeyahay waa in Sunta booyaduhu qaadayaan lagu shubo dhaamamkaas, markaa aniga iyo Wasiirka Horumarinta reer Miyiga ayaa u tagnay Taliyaha maanta duhurkii, waxaanu ku nidhi Wasaarada ganacsiguna Warshadda ayey ku shaqo leedahay, Wasaarada Deegaankuna wixii waxyeelo ah ee loo keenayo Deegaanka ayuu xil ka saaran yahay oo Wasaarad ahaan anagaa ka Masuul ah. Markaa Taliye Saqadhi waxaanu ku nidhi anagaa joojinay Wasakhda ay Warshadu ku daadinayso dhulka ee maanta ayaad amar ku bixisay inaan lala hadli karine maxaa ka jira, waa run ayuu yidhi ee waxa noo yimid Niman Chines ah oo yaacaya. Waxaanu taliyihii ku nidhi Generale'e adigu Taliye Ciidan ayaad tahay ee maaha inaad kala u xagliso khilaafyada Wasaaradaha soo dhexgala, Taliye Saqadhi aniga iyo Wasiirkiiba wuu naga diiday arrintii oo waxa uu yidhi amar baan bixiyey. Markaa ka dib ayaanu u tagnay Wasiirka Arrimaha Gudaha, markaas ayuu Wasiirkii la hadlay Taliyihii bilayska, waxaanu ku idhi inta meesha Wasaaraduhu ku heshiinayaan ee in meesha dhibaato ka taagan tahay iyo in kale la ogaanayo jooji arrintaas, imikana Dacarbudhuq waxa jooga Team ka socda Hay'adda Caafimaadka Aduunka (WHO), kuwaas oo dadkana dhiigag ka qaaday, isla markaana biyihii dooxa-na qaaday si ay u soo baadhaan, waxaana shalay ugu danbaysay oo ay baadhayeen wixii dumar Uur leh ee jooga deegaanka".
No comments:
Post a Comment