22 December, 2011

“Beelaha Isaaq Qaraabo, Xidid Iyo Xigaal Toona Ma Nihin Oo Iyagaa Koontiinar Nagu Xidhay Oo Yidhi Midgaha Lagama Guursado, Anaguun Baa Iska Guur-Guursana”

"Beelaha Isaaq Qaraabo, Xidid Iyo Xigaal Toona Ma Nihin Oo Iyagaa Koontiinar Nagu Xidhay Oo Yidhi Midgaha Lagama Guursado, Anaguun Baa Iska Guur-Guursana"

Suldaan Daakir Xasan

Hargeysa, December 22, 2011 (Haatuf) – Suldaan Daakir Xasan Khaliif oo ka mid ah Salaadiinta beesha Gabooye ee Somaliland ayaa sheegay in beelaha dhexe ee Somaliland (Isaaq) ay takoorka iyo haybsooca ugu badan kala kulmaan, isla markaana iyagu ay horseedeen inaan laga guursan beelaha Gabooye, taasina ay keentay in Gabooyuhu gudihiisa iska guur-guursado.

Suldaan Daakir ayaa waxa uu ugu baaqay Salaadiinta iyo bulshadda Somaliland in la sameeyo sharci dhigaya in Suldaanku marka uu doona is casili karo, sida Masuuliyiinta dawladda, kaas oo sheegay inuu isagu maagan yahay inuu ka nasto xilka Suldaannimo ee uu hayo.

Suldaan Daakir Xasan Khaliif waxa uu sidaas ku sheegay mar uu ka hadlayey caleemo saarka Suldaan doraad lagu celeemo saartay deegaanka Abaarso, sidoo kale waxa uu ugu baaqay beelaha Galbeedka Hargeysa oo uu tilmaamay inay yihiin kuwa Maalka iyo Faraha-ba badan inay iyagu bilaabaan in laga guursado beelaha la haybsooco. Ugu horayna isaga oo ka hadlay culayska iyo masuuliyiinta saran Salaadiinta, waxa uu yidhi "Saldanadda dadku way ku farxaan laakiin sida ay aniga ila tahay farxad badan ma laha oo Mashaqadeedu way farabadan tahay, su'aasheeda qiyaamuhu-na aad iyo aad ayey run ahaantii u dheer tahay oo qofkasta oo Masuul ah waa la waydiinayaa waxa la raaciyey oo Rasuulkeenii Muxumed (CSW) waxa uu ina yidha qofkasta waa la waydiinayaa wixii la raaciyey, markaa Salaadiintu-na waa la mid dadkaas oo waa la waydiinayaa qofkasta cida uu Awaamiirtooda hayo Ilaahay ha inoo fududeeyo isagaa Qaadir ahe".

Suldaan Daakir, isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi "Waxaan jeclahay inaan laba kalmadood ku soo khatimo hadalkayga, salaadiintii aad iyo aad ayey run ahaantii u faro badatay, waliba hadaanu Gabooyaha nahay la mid baanu nahay oo waanu faro-badanay, Mujtamaceenii kale-na wuu faro batay markaa anigu waxaan soo jeedin lahaa Maadaama oo Saldanadii faro badatay odayaasha iyo Mujtamacu ha u sameeyo Sharci dhigaya inay is casili karaan sida Masuuliyiinta dawladda oo kale, waayo run ahaantii anigu waxaan ka mid ahay raga maagan bahasha inay faraha ka qaadaan, ilayn imika Salaadiintu haddii ciidan laga dhigo Guutooyin ayey noqon lahaayeen".

Suldaan Daakir Xasan Khaliif mar uu ka hadlayey Quudhsiga ay beelaha dhexe ee Somaliland kula kacaan beelaha Gabooye, waxa uu yidhi "Ugu danbayn waxa aan u soo daadagayaa kalmadii Haasaawaha ahayd ee uu Suldaan Ibraahin halkan ka yidhi Suldaankan cusub waxaanu isku nahay Qaraabo, anagu Isaaq oo dhan qaraabo iskuma nihin oo Somali oo dhana ma nihin Xidid iyo Xigaal toona, runtiina idinkaa Koontiinarka nagu xidhay oo markaad tidhaahdeen Midgaha lagama guursado anagii ayuun baa iska guur-guursanay. Anigu waxaan soo jeedin lahaa intan Hargeysa Galbeedkeeda ilaa Gabiley dagan Ilaahay wuu faro badaniyey oo Dawladda-na way ku badan yihiin Ilaahay ha ugu wadee, xaga maalkana way ku badan yihiine Ilaahay ha ugu wadee Carabku wuu dhib badan yahaye dambiga yareeya oo Alle ha laga baqo oo is qabta oo nabada dalka ha la ilaaliyo, waxaanan leeyahay reerkan Gabooyuhu dumar qurux badan iyo rag woxogaa iska haystaba way leeyihiin sidii Nabigu (CSW) sheegaye idinku bilaaba. Markaa sidaa Suldaan Ibraahin sheegay ee uu ayeeyo iyo Ilmaabti ka sheekeeyeye anaguna Insha Allaah markay gaadho ayaanu ka sheekayn doonaa".

No comments: