Kulan balaadhan o dhexmaray Jaaliyada Ardayda Reer Somaliland ee dalwaynaha Shiinaha iyo madax kasocota Xisbiga Kulmiye …
togaherer
Kulan balaadhan o dhexmaray Jaaliyada Ardayda Reer Somaliland ee dalwaynaha Shiinaha iyo madax kasocota Xisbiga Kulmiye …
Waxa Maalintii Shalay ee ay taariikhdu ahayd 25 bisha 12aad e 2011 waxa Gobolka Hubei ee magaalada Wuhan ka dhacay kulan baladhan oo casho sharaf ah.
Kulankan oo ahaa mid ay si wanaagsan usoo agaasimeen Jaaliyada Ardayda Somaliland ee wadanka Shiinaha …
Kulankan oo ka qabsoomay Hotel MARSHAL PLAZA ayaa waftiga oo ka Koobnaa saddex xubnood oo kala ahaa gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Mujaahid /Guddomiye Muuse Biixi Cabdi ,Afhayeenka xisbiga Mujaahid Mohamed Kaahin iyo xidhiidhiyaha dadwaynaha iyo arimaha caalamiga ah Mudane Ahmed Abdi Dheere .
Xafladan oo ahayd mid si wanaagsan looso agaasimay ayaa waxa furitaanka xaflada ka hadlay oo kalmad kooban oo dhinacyo badan taabanaysa ka yidhi Gudoomiyaha Jaaliyada Ardayda Reer Somaliland ee Wadankan Shiinaha Mudane Ciise Xassan Cumar waxyaabaha u gudoomiyaha ka hadlay ayaa waxa ka mid ah sababihi ururkan loo aasaasay ,isaga oo sheegay in markii la arkay baahida loo qabbo in la yeesho urur mideeya dhamaan ardayda Somaliland ayaa la aasaasay ururkan SOMALILAND STUDENTS ASSOCITION IN CHINA .
Waxa kale oo uu gudoomiyuhu intaas ku daray waxyaabaha u ururku u baahan yihiin in wax lagala qabto ..
Intaas kadib waxa halkaasi hadalo qiimo wayn leh ka jeediyey dhamaanba saddexda xubnood ee wafdigu ka koobna ,iyaga oo kala hadlay ardayda dhinacyo badan o dardaaran iyo wacyi gelinba iskugu jira iyaga ardayda ku dhiiri geliyey in ay ka midha dhaliyaan waxbarashada ay geedigaasi dheer usoo u galleen ..
Gabagabadii Xaflada ayaa waxa wafdigii iyo ardaydiiba waxay wada qaateen casho sharaf …..
Ciise Cumar
No comments:
Post a Comment