Darxumada Haysata, Degaanada Somaliland, gaar ahaan Degaanka Saaxil.
Dunidan aad balaadhkeeda aragteen ilaahay waxa uu u qayb qaybiyey Umadiisa , qof walbana waxa uu dhigay halkii uu la damcay, inaka oo ah reer Somaliland waxa ilaahay inagu abuuray bogcadan quruxda badan ee geeska afrika waxaana aynu qayb u helay dhul weyne bad, banaan iyo buuraba isugu jira oo khayraadka noocyadiisa kala duduwanina aanay ka madhnayn.
Hadaba sida inta damiirka leh ee deegaanka iyo nolosha umada danaynaysaa ay ka warhayso, waxa deegaankii haysta baaba’ iyo bidhaan xumo is barkan oo hadaan wax laga qaban isla markaana aan la qorshaynin sidii loo dabaqabatayn lahaa aynu waayi doono dad iyo duunyoba intii aynu haysanayba.
waxa Deegaankii soo wajahay dhibaatooyin dhawra oo mudo soo jiitamayay isuguna jira qaar aynu inagu gacmaheena ku sababnay iyo qaar dabiiciya (Natural and manmade environmental crises ) ayna ka mid yihiin kuwan hoos ku qorani,
Kuwa aynu gacmaheena ku sababney hadii aynu nahay reer Somaliland sida :
Dhuxulaysi iyo Dhirta oo la jaro oo la gumaado.
Dhulka oo wershdahu Ku daadiyaa Sumaha Dilaaga ah sida wershada hargaha Ee Dacar –Budhuq iyo ta Hargeysa.Taa soo sababtey in ay dhawaan u dhintaan ilaa 17 qof dad badan oo Suntu saameysana ay u ildarn yihiin saameyntii suntaa.
Dhulka oo laga qodo Macdan Khatar u keeneysa dadka iyo degaanka oo iyadoo aan aqoonteedii la laheyn oo godadkii laga qodayey oo furan laga tegayo godadkaa oo ay ka soo baxayaan Radio active khatar ah oo dadka iyo degaanka wax yeeleeya taa soo sababtey in sanadkan ay u dhintaan ilaa iyo 6 qof dad badanina ay u jiifaan dhibaatadii ka soo gaadhey macdanhaa Suntan wata ee ay qodanayeen.
Daneyn la,aan bulsheed iyo Mid Dawladeed oo is dugsadey.
Dhulkii oo aan si aan Maareyn la heyn loo xidhanayo isaga oo aan Seerana aan aheyn, Beerna aan aheyn ee loo xidhanayo uun in uu Lacag dhalo.
Dhibaatooyinka Dabiiciga ah ee Degaankeena ku habsadey sida :
1- Carro guur sii fidayaa dhinaca xeebaha oo aan cidiba is weydiin
2- Nabaad guur aad u dheereynaayo maadaama dhirtiina la gooyey ciidii nafaqada laheydna uu daadku qaadey
3- Biyo qabad la’aan (dhulkii oon biyihii loo joojinayn)
4- Dabeylaha xoogan iyo roob yaraanta beryahan danbe isa soo taraya.
Hadaba Dulucda Qormadani waxay tahay in aan dhulkeena aanu haysan dhibaato roob yaraan ahi laakiin ay ina haysato aqoondaro iyo Maarayn la’aan oo aynaan ka faa'idaysan biyaha aynu sanadkiiba Roobka ka helno , oo dhamaan ku darsamaan badda.
Waxa sidoo kale aynu ognahay in ay Buuralay badan oo dalkeena ahi ay Ceegaagto macdanta Dhuxul Dhagaxda una baahantahay in la soo saaro si loogu bedelo isticmaalka dhuxusha oo fara baas ku haya kaymalaydii iyo dhulkii dhir weynta lahayd .isla markaana baaba’ iyo banaano u rogay deegaankii, kana raray xayawaanadi kunoolaa iyo duurjoogttii dalkeenu caanka ku ahaa.
Dhulkeena oo markiisa horeba lagu tiriyo gobolada saxare u ekaha ah (semi-desert region) ayaa aqoonyahano xeeldheerayaal ahi waxay in badan ku celceliyeen hadaan la samayn Qorshe deeganeed deg-deg ah oo lagu badbaadinayo degaanka oo ay kawada qayb qaadan qaybaha kala duwan ee bulshadu, in Sanado kooban gudohood ay Somaliland isu bedeli doontoSaxaare aan geed la hadhsadaa ku oolin, cidise dheg jalaq uma siin kamanay qaadin halkii, marka laga reebo aqoonyahano lexajeclo wadaniyadeed hayso, oo aan afkana ka aamusin, laakiin ay ka baaxad weynaatay mahalakada taala Degaanada Somaliland.
Dhaqaalaha Somaliland wuxuu ku xidhanyahay Xoolaha nool :
Dalkeena reer Somaliland ayaa waxa dhaqaalihiisu 75% ku tiirsan yahay Xoolaha Nool, oo iyaguna ku sii tiirsan baadka iyo daaqa ay ka helaan deegaanka fayow, taas oo macneheedu tahay haddii deegaanku isu bedelo lama degaan in dhaqaaluhuna dhulka gelayo oo ay nolosha umadeenuna baaba’ayso oo aduuunyada kale looga dawari doono hadii aan khaso degaanka wax looga qaban oo aaney Hayada ay arintani khuseysaa aaney la iman Istrijiyad Qaran oo cad oo ku saleysan badbaadinta degaanka.
.
Waxaynu la soconaa in dadkeenii xoolo raacatada ahaa ay ka madheen xoolihii intii badnayd isla markaana uu nin waliba daba joogo Xayn kooban oo xoolihiisii uga badbaaday oo aanu wax xal ah u haynin sidii uu intaa nolol xafidan uga samayn lahaa, inaga oo ogsoon in dalalka aduunka ninka haysta 20ka idaha ah, uu heli karo noloshiisa wax kasta oo uu u baahdo Baanka dalkooduna uu amaahinayo qadarkasta oo lacag uu uga baahdo waayo waa nin 20kiisaa neef ay faaido leeyiihiin kana soo saara. Inagana ninka leh 100ka geela iyo adhiga ah ayaa ugu dul bakhtiya silic iyo saxariir oo sida uu Shilinta uga gurayo una daawanayo isaga iyo caruurtiisuba ku nolol seegaan. Cuqubadaana waxaa masuuliydeeda is leh hayada Somaliland ee ay arintani Kuseyso. iyo dawlada Somaliland oo qirsan in dhaqaalaha iyo cashuurta xoolaha ka soo gasha wadanka uu yahay ka ugu badan ee wadanka dhaqaalahiisu ku xidhan yahay hadana aan waxba dub ugu celinin reer guuraga, isla markaana aan u sameyn Nidaam iyo qorshe lagu badbaadinayo maadaama roobabkii wadankii ku sii yaraadey, deegaankiina uu nabaadguurey.
Aduunka oo dhan xiliyadii hore wadamada ugu reer guuraaaga badnaa waxaa ka mid ahaa dawlada Barazil. Kadibna qarnigii labaatanaad ayaa dawladoodu waxay u dejisey Siyaasad Qaran oo cad waxaaney qiimeysey in halkii reerba ay 3000 oo meter oo dhul ahi ay ku fillan tahay. 10 kii reer ee isu dhawna uu 1 riig biyood uu ku filan yahay oo loo qodo. Taas oo ay dadkii iyo xoolihiiba ay nasteen oo ay ka reysteen geedigii badnaa, dhalinyaradiina ay waxbarteen, xoolihiina ay naaxeen oo ay aad u tarmeen.
Hadaba waxaa is weydiin leh Somalind oo sanadkan2011ka xoolihii carafada loo dhoofiyey ka qaadatey Lacag Mallayiin Dollar,ah Ma waxay garan weydey 5%ku celi Dadkaa wadaniyiinta ee xoolahaa dhaqaalaha wadanku ku xidhanyahay waqtigoodii iyo noloshoodiiba u hurey?.
Ma waxay garan weydey Hayada ay arintani khuseysaa Biyahaa bada gelaya u xidha oo dhulka ku leex-leexiya si aaney carada nafaqada lihi aaney badaha u gelin.?
20kii sanadood ee aynu Xornimada la soo noqoney maxaynu Beeraha ka qabaney?
Dunida horumartay waxay wax ku noqotay waa wax soosaarka Beeraha, iyo sida loo farsameeyo, hadaba dhulkeena oo 10% ay tahay dhul ku haboon waxbeerashada ayaan siday ahayd looga faa'idaysan isla markaana aynu wax ka beeranaa oo keliya 2% oo aan joogto aheyn inta wax beerataana ma hesho dhiirigelin, qalab iyo maalgelin toona isla markaana xukuumadihii kala danbeeyey midina qorshe xidhiidhsan kamay yeelan habkii beeralayda gacan loo siin lahaa ee ay u kobcin lahaayeen wax soosaarkooda una qorshaysan lahaayeen soo saarista baahida suuqa (market demand).
taas oo inta badan sababta in waqtiyana dalaga beeruhu soo wada go’o ay suuqa buuxiyaan halkaasna ay Beeralaydii markii horeba taagta yarayd khasaare xoogani ka soo gaadho, oo gaadhsiiya in uu kaba xanaaqo inuu wax danbeba Beero, marmarna laba waayo oo taasina ay suuqii ku keento sixirbarar
Isku soo wada xooriyo iyadoo aynu ognahay kana dheregsanahay dhibaatooyinkaa deegaan, beereed iyo dhaqaale ee isu barkaday dalkeena Somaliland, waxaynu u baahanahay Xal deg-dega oo ugu yaraan khafiifiya khatarta inagu soo jeeda hadaynaan talaabo qaadin, inagoo kaashanaya aqoonyahanada Beereed iyo Deegaaneed ee wadaniyiinta reer Soamliland ah ee gudo iyo debedba jooga iyo aqoonyahanada Caalamiga ahba Waxaana aan halkan ugu soo tebinayaa talooyin aan u arko in ay xal u tahay badbaadada deegaankeena Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland, maadaama uu yahay cida umadani ay u dhiibatay masiirkooda ee ay u taalo inuu badbaadiyo, isla mar ahaantaana hadii uu wax ka qabto oo gacan siiyo deegaankan cidlada ka ooyaya ee bulshadiisii iyo madaxdiiisii ka waayay hiilka. In uu isagu ku suntanaan doono deegaan dhawrayaasha dalka noqona doono madaxweyne ka midho dhaliyey horumarinta umada uu masuulka ka yahay, waana kuwan ee aynu dhab ugu fiirsano.
Madaxweyne waa inaad kulmisaa aqoonyahanada sayniska ee aqoonta iyo waaya aragnimada u leh deegaanka, beeraha iyo xoolaha isla markaana ay soo saaraan Qorshe Cad oo Qaran oo lagu badbaadinayo deegaanka, lagu kobcinayo wax soosaarka isla markaana xooleheena lagu daryeelayo, taas oo ay ka qayb qaadanayaan cida shaqadani ay khusayso (stakeholders )
Madaxweyne waa in aad kulmisaa oo aad magacowdaa aqoonyahano soo tiro kooba khatartii degaaneed ee dhimashada lahaa ee ay saameysey Sunta ka dhalatey Hoodhinta hargaha ee ay wershdaha Hargaha ee Dacar-Budhuq ay sababteeda lahaayeen.taas oo ay dhawaan ku dhinteen 17 qof qaarbadanina ay u weli u jiifaan dhibaatada Suntaasi keentay.Waxaa kale oo iyana Mudane Madaxweyne u baahan in la baadho khatarta saameysey dadka macdanta ka qota isla degaanka Saaxil gaar ahaan Lafruug iyo Xamaas oo iyana ay dad gaadhaya ilaa 6 qof ay halkaa ku dhinteen, qaarna u jiifaan wax yeeladaa kaga timi Macdanahaa aaney aqoonta u laheyn ee ay farahooda ku doonteen. Waa in Mudane Madaxweyne shuuruudo adag lagu xidhaa cida la siinaayo mulkiyada ama Licenka qodashada Macdanta si loo bad baadiyo dadka iyo degaanka .
Waa in la hello Sharci Cad oo Qaran oo tilmaamaya in dhulka dawladu leedahay shacabkuna munaafacaadsan karaan uun, taas oo siyaabo badan faai'do u leh.
Waa in beeralayda loo fidiyaa tababaro , qalab iyo habab casri ah oo ay kor ugu qaadaan wax soosaarkooda isla markaana loo hello wershado yaryar oo farsameeya dalaga ay soo saaraan sida tamaandhada iyo liinta si aan loogu khaasaarin marnaba dalagyada beerahooda ka soo go’a.
Waa in dib loo soo celiyo habkii loo ilaalin jiray deegaanka isla mar ahaantaana la abuuraa oo la hawlgeliyaa Ciidanka Ilaalinta Deegaanka.
Waa in la joojiyo biyaha oo laga faaideystaa Riigaga hoganaya Somaliland.hadey dadka shacabku leeyihiin iyo hadii au dawladu leedahayba.
Waa in la helo bedelka dhuxulaysiga (alternative energy ) loona hawl galo soo saarka dhuxul dhagaxda ama keenista Shoolado loo hello gaas jaban ama in la maalgeliyo sidii looga midho dhalin lahaa Tamarta Qoraxda ( Sollar Energey) oo imika aad u jaban hadii la maalgashado.
Waa in laga faaiidaystaa roobka lana abuuraa biyo xidheeno waaweyn oo bulshada ka faa'ideysato. Lana qabtaa biyaha togaga xawliga ku dhaafaya.
Waa in qof wal oo reer Somaliland ahiba uu beerohal geed bishii ama sanadkii kana qayb qaataa dhiraynta miyi iyo magaalaba si loola dagaalamo nabaadguurka loona soo celiyo bilicdii wadanka miyi iyo magaaloba.
Wixii aan Saxay Ilaahay baa mahadeeda leh Wixii aan qalday ama aan kategayna Shaydaanbaa iska leh.
Waa Bilaahi Towfiiq,
Gudida Fulinta Kulan UK.
Kulan UK waa urur ay ku midoobeen Qorba joogta UK ee ka soo jeeda Saaxil
http://samotalis.blogspot.com/
No comments:
Post a Comment