27 September, 2011

Wasiirada Xukuumadii Rayaale Ee Ururada Furanaya Iyo Xubnaha Kulmiye Ee Laba Boglaynaya

Wasiirada Xukuumadii Rayaale Ee Ururada Furanaya Iyo Xubnaha Kulmiye Ee Laba Boglaynaya
HAATUF

Akhristayaal waxaanu halkii idiinka sii ambaqaadi doonaa qaybtii 9aad ee barnaamijka taxanaha ah ee liiska siyaasiyiinta axsaabta siyaasada Somaliland u kala guurguuray, sagaalkii sano ee kasoo wareegtay muddadi axsaabta Somaliland la aasaasay iyo koxaha mihnada ay u tahay siyaasadu Soyaalka taariikheed iyo mahadhooyinka ay ku jileen wakhtiyo kala duwan masraxyada iyo fagaarayaasha siyaasada, iyadoo sagaal sano ka dib loo furay ururadii siyaasada oo doorashooyinka golayaasha deegaanada ee la filayo inay dalka ka qabsoomaan horaanta sanadka cusub ee 2012-ka ay kula tartami doonaan saddexda xisbi ee Kulmiye, Ucid iyo Udub.

1: Siyaasiga C/llaahi Cabdi Xaaji Cumar (C/llaahi Jawaan) oo ahaa gudoomiye ku xigeenkii hore ee komishankii doorashooyinka ee dalka ka qabtay doorashadii madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 14 April 2003-dii iyo doorashadii golayaasha deegaanada ee dalka ka qabsoontay 15 December 2002-dii, isla markaana horaantii 2000 ku dhawaaqay urur siyaasadeed aan tisqaadin oo uu ula baxay ururka Xaq, ayaa isagu badhtamihii 2008-dii si rasmiya ugu biiray xisbiga Kulmiye, isagoo wakhtigaasi Mr C/llaahi Jawaan ahaa siyaasi ka madaxbanaan saddexda xisbi qaran.

Mr Cabidllaahi Cabdi Xaaji Cumar oo isagu mudooyinkii dambe dalka dibadiisa ku sugnaa ayaan ilaa hada si rasmiya loo ogayn inuu xisbiga Kulmiye ka sii tirsanaan doono iyo inuu urur siyaasadeed cusub ku dhawaaqi doono, hase yeeshee C/llaahi Jawaan ayaa ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga Kulmiye ka tirsan ee lagu xamanayo in ururo siyasadeed oo cusub ay furan doonaan, laakiinse wali war cad lagama hayo mawqifka C/llaahi uu ka taagan yahay inuu furan dono uru cusub.

2: Cismaan C/llaahi Cigaal (Cismaan Hindi) oo ahaa gudoomiyihii xisbiga Kulmiye ee gobolka Hargeysa xiliyadii doorashadii madaxtooyada iyo golaha wakiilada ee dalka ka kala qabsoomay 2003-dii iyo 2005-tii ayaa isagu dabayaaqadii 2007-dii xisbiga Kulmiye xilkii uu hayay ka qaaday ka dib markii uu qabtay kulan lidi ku ahaa qabqaabada shirweynihii Kulmiye e 2008-dii lagu qabtay Hargeysa, kaas oo Mr Cismaan Hindi isaguna uu ku biiray xisbiga Udub oo uu xiliyadii uu ka tirsanaa Kulmiye si weyn u naqdiyi jiray siyaasada xisbiga Udub, isagoo Udubna looga magacaabay gudoomiyihii ololihii doorashada Madaxtooyadaee xisbiga Udub sanadkii hore ee 2010-kii ka dhacday dalka, iyadoo uu Cismaan Hindi mudooyinkii uu ku biirayUdub hogaanka xisbiga Kulmiye uu ku eedeeyay eedo qalafsan oo uu la xidhiidhiyay ururada xag-jirka ah, eedaas ka dibna ay hogaanka Kulmiye iyaguna dacwad uga gudbiyeen maxkamada sare eedihii uu usoo jeediyay Mr Hindi xisbigiisii shalay ee Kulmiye.

3: Wasiirkii hore ee Maaliyada Xuseen Cali Ducaale (Cawil) oo isagu ku biiray xisbiga Udub xilligii lagu jiray ololihii doorashada Madaxtooyada 14 April 2003-dii, kaas oo musharaxii jagada madaxweynaha ee xisbiga Kulmiye uga sharaxnaa Udub Daahir Rayaale Kaahin uu kaga guulaystay musharaxii jagada madaxweynaha xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo cod dhan 80 cod, kaasoo madaxweyne Rayaale dawladii cusbayd ee soo dhisay 2003-dii uu Mr Cawil u magacaabay wasiirka Maaliyada, kaasoo xilliyadaasina eedo kulkul u xambaariyay oo uu ujeediyay Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo wakhtigaasi ahaa gudoomiyaha xisbiga Kulmiye. Mr Cawil oo kamid ahaa wasiiradii ku xeernaa madaxweynihi hore ee Rayaale oo mudooyinkii dambe dalka uga Suudalay Nairobi xarunta dalka Kenya ayaa la sheegay inuu ka mid yahay shakhsiyaadka wasiiradii xukuumadii Rayaale ee hunguraynaya in hogaanka xisbiga Udub ay gacanta ku dhigaan, balse baryan dambe loolanka ka aloosan xisbiga Udub ee u dhexeeya kooxada wasiiradii Rayaale ee isku haybta ah ayaa la sheegay in Cawil Cali Ducaale uu ka rajo go'san yahay damacii uu ka qabay hogaanka Udub, kadib markii ay soo biireen loolan Udub xubno ka tirsan qurbo jooga beesha galbeedka Burco oo lagu sheegay inay yihiin ganacsato laysla shex marayo in Cawil haddii uu ku hungoobo shirweynaha Udub ee la filayo inuu qabsoomo October 2011-ka uu diyaarsaday urur cusub oo uu ku dhawaaqi doono, taas darteedna ay tibaaxaha soo baxayaa sheegayaan in Mr Cawil loolanka ka dhex oogan xubnaha ay isku haybta yihiin ee golihii wasiiradii xukuumadii hore ay ka wada tirsanaayeen lagaga awood batay inuu mansab siyaasadeed ka qabto gudiyada sare ee hogaanka  Udub.

No comments: