Xukuumadda Oo Daboolka Ka Qaaday Tirada Guud Ee Ajaanibka Xuduudaha S/Land Ka Talaabay,Muddadii Loo Qabtay Oo Maalmo Yari Ka Hadhsan Yihiin Iyo Caasimada Oo Wali Aanay Fari Ka Qodnayn
"Madaxda Dawladda Iyo Cid Kale Toona Lagu Ixtiraami Maayo Inay Guryahooda Kuwa Jooga Laga Tago Way Baxayaan Dhamaan Ajanabiga Dalka Sida Sharci Darada Ah Ku Soo Galay" Agaasimaha Guud Ee W/Arrimaha Gudaha
Hargeysa, September 26, 2011 (Haatuf) – Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ku dhawaad 6,000 qof oo ka mid ahaa Ajaanibkii sharci darada ku joogay dalka ay labadii todobaad ee u dambeeyey ka baxeen dalka kadib markii xukuumaddu ku amartay inay muddo 30 maalmood ah ay dalka kaga baxaan dhamaan Ajnabiga Sharci darada ku joogay dalku.
Hase yeeshee Muddadii dadka sharci darada ku joogay dalka loo qabtay oo ay hadda ka hadhsan tahay muddo ka yar todobaad ayaa hadana wali aanay fari ka qodnayn tirada dadkaasi ee Caasimada dalka ee Hargeysa ku sugan, iyadoo wali lagu arkayo suuqyada iyo xaafadaha kala duwan ee Caasimada Ajaanib koox koox u socda.
Agaasimaha guud ee wasaaradda arimaha gudaha C/laahi Xuseen Cige (Black) ayaa sidoo kale beeniyey inay jiraan Masuuliyiin xukuumadda ka tirsan oo damacsan inay waraaqo u sameeyeen Ajaanibka guryahooda u ilaaliya, isla markaana uga shaqeeya Beeraha ay ka dhex samaysteen, iyadoo aanu jirin ilaa hadda Masuul kaliya oo ajnabiga guryahooda jooga dalka ka saaray, balse ay wali ku sugan yihiin guryahooda gaarka ah.
Agaasimaha Wasaarada Arimaha Guduhu waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu shalay waraysi xafiiskiisa ku siiyey qaar ka mid ah Warbaahinta dalka.
"Tirada aanu ilaa hada hayno ee dalka ka baxday dadkii sharci darada ku joogay dalku waa ilaa 5,000 ilaa 6,000, kuwaas oo baxay 15-kii cisho ee ugu horeeyey maalintii lagu dhawaaqay inay dalka ka baxaan, inkasta oo xadkeenu uu dheer yahay hadana wararka aanu ka soo ururinay meelaha inta badan dalkeena laga soo galo ee lagana baxo waa 5,000 iyo dheeraadkaas oo baxay labadii todobaad ee ugu horeeyey, imikana waad dareemi karaysaa sida ay wali u socdaan, isla markaana ay caasimadda looga dareemay culays badani inuu ka dagay".
Agaasimaha guud ee daakhiliga C/laahi Xuseen Cige(Balaaki) mar uu ka hadlayey halka uu marayo Baaqii ay ka soo saareen dadka Ajanabiga ah ee dalka sharci darada ku jooga, waxa uu yidhi "Baaqii xukuumadda ee dadka Ajaniga ah ee dalka ku sugani ilaa hada si wanaagsan ayuu u socdaa, isla markaana dad badanina dalka ayey si nabad galyo ah uga baxeen oo Ajiibay go'aankii ka soo baxay Xukuumadda Somaliland, inta hadhay ee ku hadhayna waxa aanu faraynaa inay dalka si dhakhso ah uga baxaan ka hor mudada loo qabtay, qofkasta oo Ajaanib ah oo sharci daro dalkan ku joogaa dalka waa inuu kaga baxaa mudadii loo qabtay ka hor, Cidii mudadaa loo qabtay kaga bixi wayda waxa laga qaadayaa talaabo sharciga Waafaqsan".
Agaasimaha Guud ee wasaaradda Daakhiliga C/laahi Balaaki mar la waydiiyey inay xoog u adeegsanayaan cidii ka bixi wayda iyo in kale, waxa uu yidhi "Xoog ku saar maaha arintu, cid xoog lagu saarayaana ma jirto laakiin cidkasta oo dalka Sharci daro ku joogaa waxa uu mudanayaa Ciqaabta sharciga dalka u yaalaa uu u ku xukumay dadka sharci darada ku soo gala dalka".
C/laahi Balaak mar wax laga waydiiyey waxa laga yeelayo dadka Ajanabiga ah ee jooga guryaha Madaxda dawladda sida wasiirada iyo wixii la hal maala, waxa uu yidhi "Madaxda dawladda iyo cid kale toona lagu ixtiraami maayo inay guryahooda kuwa jooga laga tago way baxayaan dhamaan Ajanabiga dalka sida sharci darada ah ku soo galay. Qof aan sifo sharciya dalka ku joogin oo halkan waraaqo loogu samaynayaana ma jiro, mana qurux badna in madaxda la yidhaahdo waxay diidan yihiin in la celiyo Ajanabiga guryahooda jooga. Waxa jira shaqooyin badan oo dadkeenu aanay qaban oo Ajanabigaasi gacanta ku hayeen, meel walbana way joogaan Masuuliyiin uun maaha oo Hutelada ayey ka shaqeeyaan, Beeraha ayey ka shaqeeyaan oo baabuurta ayey wadaan. Ma jirto Masuul ama cid laga aqbalay oo noola timid inay guryahooda u joogaan Ajanabiga sharci darada dalka ku joogaa".
HAATUF

No comments:
Post a Comment