30 November, 2011

Jananada Ciidammadda oo ka hadlay askari la dilay iyo shil baabuur oo khasaare geystay

Jananada Ciidammadda oo ka hadlay askari la dilay iyo shil baabuur oo khasaare geystay

Hargeysa (Somaliland.Org)- Taliyeyaasha ciidammadda qaranka iyo Booliska Somaliland Gen. Nuux Ismaaciil Taani iyo Gen. Maxamed Saqadhi Dubad, ayaa caawa ka hadlay dhacdo sababtay inuu ku dhinto hal askari oo bilays ah, ka dib markii nin kale oo ciidanka qaranka ka tirsan ay isku rasaaseeyeen magaalada Yagoori ee gobolka Sool. Labadaasi nin oo la sheegay inay isku qabsadeen gabadh.

Taliyeyaashu waxay sidaasi ku sheegeen shir jaraa’id oo ay caawa ku qabteen xarunta Ciidanka baadhista dambiyada ee CID-da, waxa kale oo ay ka warameen shil baabuur oo ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood oo uu ku dhintay hal askari oo ciidanka qaranka ka tirsan ilaa sideed kalena ay ku dhaawacmeen.

Taliyaha ciidanka Qaranka Gen. Nuux Taani oo ugu horreyn isagu ka warramay tallaabooyinka ay qaadeen, waxa uu yidhi; “Waxaannu shirkan jaraa’id u qabanay shil yar baa ka dhacay meesha la yidhaa Yagoori oo xalaybay laba askari isugu yimadeen arrin dhaqan oo ka kacay gabadh lagu jaafa jirqay, saakana (maanta ) la damcay in arrintii la soo xaliyo, iyadoo lagu sii socdo ayuu shilkan dhacay, waxaana is rasaaseeyey laba askari oo midna booliska ka tirsan yahay , ka kalena Ciidanka qaranka. Arrintii waxay sababtay in askarigii boolisku dhinto, kii ciidanka qarankana ay xabadi fadhido madaxa, intaasa ka dhacday Yagoori.”

“Dad baa ka soo gurmaday Laascaanood, markii la noqonaayey gaadhi ciidanku leeyahay ayaa dhacay oo iskari saarnayd, una badnaa eheliyada ninka bilayska ah ee dhintay,”ayuu yidhi Gen. Nuux Taani.

“Gaadhigu wuxuu ku dhacay meel Can-jiid la yidhaa, waxaana ku dhintay nin, dhawr nina waa dhaawac khatar ah oo toddoba dhaawaca Burco ayaa la keenay,”ayuu intaas raaciyay Taliyaha ciidanka qaranku.

Nuux Tani waxa uu ka hadlay talaabooyinkii ay qaadeen illaa imika waxaanu yidhi “Dhacdada meesha ka dhacday gebigeeduba waa intaa, waxaana jira dad iyaga oo aan waxba hubsan wax uun sheega, waxaannu idiinku yeedhnay inaannu xaqiiqada idiin sheegno.Tallaabada dawladdu ka qaadayna waxa weeyaan, nin ay sheegeen in uu dilay oo aan iminka la hubin oo aan ahayn ninka dhaawaca ah, waa la hayaa waxaanannu u soo gudbinay xabsiga, markii ay yidhaahdeen kani muu diline kaasa dilay, waxaannu madaxweynuhu amar ku bixiyey in maxkamadda ciidammadu tagto oo deg deg tallaabo sharci ah looga qaado.”

Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka Booliska Gen. Maxamed Saqadhi Dubad oo ka hadlay shirkaasi jaraa’id wuxuu yidhi “Waa caaddi in arrimahan oo kale ka dhex dhacaan ciidammada dhexdooda, waana laba qof oo afkii isla seegay, horrena way u dhacday mana cusba, waana nasiib-darro, arrintiina waa la baadhayaa kii yeesha uun baa lagu qaadi doonaa.”

“Wax kasta ha la isku qabteene’e in gacan ka hadal la sameeyo lama ogola, waxaana aanu idiin sheegaynaa waxa weeyaan intii aad war khaldan qaadan lahaydeen in aannu idiinku sheegno sidii ugu habboonayd,”ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Boolisku.

“Aayaamahan dambe waxay warbaahintu qoraysay in cusbitaalka Manhal lagu daawaynaayo dad ku soo dhaawacmay dagaalladii Soomaaliya, waxay ahayd in aad noo timadaan oo aad na waydiisaan, waannu idiinka jawaabi lahayne, qaar baa ku leh 24 saacadood ayey dad ku xaniban madaarka,”ayuu yidhi Taliyaha ciida

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.co http://samotalis.blogspot.com/

No comments: