23 October, 2011

Odayaal La Sheegay In Laga Afduubay Deegaanka Dacwaley Oo Lagu Xidhay Jigjiga

Odayaal La Sheegay In Laga Afduubay Deegaanka Dacwaley Oo Lagu Xidhay Jigjiga

Bali-gubadle, October 23, 2011 (Haatuf) - Deegaanka Dacawalay ee hawdka Kililka shanaad ee Itoobiya ayaa maalmihii u dameeyay dagaalo halkaasi ka dhaceen dadka deegaankaasi ee xoolo dhaqatada ah beesha Ogaadeen iyo beesha Arab.

Sida uu ku soo waramay wariye Cawaale in maalmihii u dameeyay ayaa waxa ka dhacay deegaanka Dacawalay ee kililka Shanaad ee Itoobiya, oo halkaasi dagaalo dhex mareen dadweynaha Xoolo dhaqatada ah ee deegaankaasi wada degan, iyadoo hore ay shaqaaqooyin uga dhaceen, hase ahaatee dagaalkan dambe ee dhimashada keenay loo sibir saarayaa sababta dagaalkaasi, iyada oo weerarka dagaalka ay lahaayeen beesha Ogaadeen, kuwaas oo la sheegay calaamado la xidhiidha astaamaha Itoobiya halkaasi gacanta lagu hayo ay ka mid yihiin Mustawaqayaasha iyo Dirayska Itoobiya ay u xidhan tahay, isla markaana Ciidamada Liyuu Boliisku qayb ka ahaayeen dagaalkaasi ka socday deegaankaasi.

Hase yeeshee shalay oo wariye Cawaale la xidhiidhay dhinaca odayaasha ee deegaanka Dacawalay, iyada oo dhanka Yoocaale khadka isgaadhsiintu galiwaayay, ayaa dhinaca Itoobiya ayaa la sheegay inaan ilaa hada waxba ka soo xidhin dadka dagaalada ka hurinaya deegaankaasi, oo waliba ku andacoonaya waxa na soo weeraray dadka socda dhinaca Somaliland, hase ahaatee odayaal iyo dhawr toban qori ayaa laga afduubay deegaanka, kuwaas oo isku gayntoodu dhan tahay 51 oday oo deegaanka u dhashay ayaa ku xidhan gobolka Jigjiga ee kililka shanaad ee Itoobiya.

Deegaanadaasi ayaa walaac weyn ka muujinaya ciidamada New Boliiska Kililka shanaad oo sida la sheegay dhibaato ku haya deegaanada ayaa soo noqnoqnaysa dhawrkii sanadood ee u dambeeyay.

Dhanka Itoobiya ayaa la sheegay inay ka gaabsatay arrinkaa sidii ay wax uga qaban lahayd mashaqada halkaasi ka jirta

Dhinaca kale waxa maalintii shalay ciyaaro saaxiibtinimo ayaa dhex martay gobolka Hawd ee magaalada Baligubadle, iyadoo ciyaarahaasi uu maalintii labaad ka socdo oo kooxo wada ciyaareen ayaa shalay waxa lagu kala badiyay 1-2gool, iyada oo kooxda heegan iyo dawlada hoose ay wada ciyaareen sidoo kale waxa ciyaaray laba kooxdood oo sidoo kale ciyaar saaxiibtinimo dhex martay, kuwaas oo ciyaar wanaag ku muujiyey Garoonka.

No comments: