21 October, 2011

Afhayeenka Al-shabaab oo sheegay inay dagaal ka dhacay Dayniile ay ku dileen 76-askari oo AMISOM ka tirsan

Afhayeenka Al-shabaab oo sheegay inay dagaal ka dhacay Dayniile ay ku dileen 76-askari oo AMISOM ka tirsan


Jimco, Oktoobar 21, 2011 (HOL) — Afhayeenka Xarakada Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayaa sheegay inay 76-askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa ka socda dalka Burundi ay ku dileen dagaal ka dhacay degmada Dayniile.

Sheekh Cali Dheere oo saxaafadda kula hadlay deegaanka calammada oo lagu soo bandhigay maydadka askar badan oo tuute xirnaa ayaa sheegay in ciidamadan ay ka mid ahaa kuwo kusoo duulay deegaannada ay ka taliyaan ayna ku dileen dagaalka.

"Alle ayaan uga mahadcelinaynaa dilka askartan aan u geysannay., Dadka Muslimiinta ah waxaan leennahay bishaareysta waa la dilay kuwii madaafiicda idinku soo tuuri jiray," ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Afhayeenku wuxuu sheegay in dagaalka ka socda Soomaaliya uu yahay dagaal u dhexeeya gaalada iyo muslimiinta, isagoo sare u taagayay mucatab iyo baybal, isagoo shacabka ugu baaqay inay dagaallada ka qaybgalaan.

"Tani waxay digniin u tahay ciidamada Kenya ee soo galay gudaha dalka Soomaaliya, waxaana shacabka Kenya u sheegaynaa in haddii wiilashooda ay ceshan waayaan ay la kulmi doonaan dilkan oo kale," ayuu afhayeenku yiri.

Sidoo kale, wuxuu sheegay Sheekh Cali Dheere in shacabka Burundi iyo kuwa Uganda ay ku raaxeystaan maydadka askartooda, isagoo sheegay in qof walba oo Soomaali ah laga doonayo inuu toogto askarta AMISOM meel walba oo ay ku sugan yihiin.

Afhayeenka guud ee Al-shabaab ayaa ugu dambeyn sheegay in dagaallada ay sii socon doonaan. Waxaana dagaalka lagu dilay askarta faraha badan ee AMISOM ka tirsan lagu dilay dagaallo shalay ka dhacay degmada Dayniile.

Dhanka kale, afhayeen u hadlay ciidamada Burundi ayaa beeniyay in askar badan looga dilay dagaalladii shalay ka dhacay degmada Dayniile, wuxuuna sheegay inay ku dileen dagaalladaas askar badan oo ka tirsan xoogagga Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




http://samotalis.blogspot.com/

No comments: