04 September, 2011

Xukumada oo ku dhawaaqday in ay 30 Maalmood gudahood kaga baxaan dadka sharcidarada ku jooga

Xukumada oo ku dhawaaqday in ay 30 Maalmood gudahood kaga baxaan dadka sharcidarada ku jooga

  Hargeysa,-Xukumada somaliland ayaa ku dhawaaqday in Muddo 30 Cisho gudahood ay somaliland kaga baxaan dadka sharcidarada ku jooga ee aan u dhalan dalka, waxayna sheegen in go'aankani yahay mid muddo ay ka baran dagayeen kadibna ay go'aansadeen in sharcigaasi ay hirgaliyaan, Dadweynaha reer Somaliland waxay ugu baaqeen in aanay dadka Ajnabiga ah ee dalka bila'aa sharciga ku jooga aanay Dawlada ka qarinin, Cidii isku dayda in ay dawlada ka qariso dadka Ajnabiga, ay dawaldu ka qaadi doonto Talaabo  shariga wafaqasan.
Waxayna Xuseen in 470 Qoys oo isku jira Bagistaniyiin, Itoobiyaan, Yemen Iyo dalal kale ay u aqoonsan yihiin Xaqoonti rasmi ah oo dalkan ay ku noolan karan.

Sidaasi waxa sheegay Ku-simaha Wasiirka Arimaha  gudaha ahana Wasiir ku-xigeenka  Md.Maxamuud  Garaad Soofe, Agaasimaha Guud ee Arimaha Gudaha C/laahi (Black), Agaasimaha Guud ee Did-udajinta Axmed Cilmi Barre, Badhsaabka Gobolka Maroodi-jeex Xamarji,  Mayirka hargeysa ahan Mayirkuxigeenka  Maxamed C/laahi (Urcade) waxayna shirkaasi jara'id ku qabteen Hoolka shirarka ee Wasarada Arimaha Gudaha.
Ku-simaha Wasiirka Arimaha  gudaha ahana Wasiir ku-xigeenka  Md.Maxamuud Garaad Soofe, ayaa sheegay in ay go'aan ku gadheen in Dalka Somaliland laga saaro dadka aan u dhalan ee sharcidarada ku jooga, waxanu sheegay in Xukumada somaliland dadkaasi ay u qabanyso muddo 30 Cisho Gudahood in ay kaga baxan dalka, shacabiga somaliland waxa uu ugu baaqay in aanay dadka ajnabiga dawlada ka qarinin, haddii ay dawlada ka qariyaan tallaabo laga qaadi doono, Waxa kale oo uu sheegay in dadka ajnabiga ah ee dalka ku sugani ay dalka ku hayaan dhibaatooyin farro badan sida Caaafimad darro, Nabadgalyo darro, iyo Mid dhaqaale.

Isaga oo arintaasi ka hadlayan waxa uu yidhi "Waxa noo Cuntami weyday in dad ka badan 100,000 oo Qof ay dalka Billaa sharci ku joogaan, oo ay meeshay doonan maran, waxay doonan sameeyan, waxa taasi ka sii dartay in dalka maalin walba ay soo galaan dad Aad u farro badan, sidaasi daradeed waxaanu ka baqan in dalku isku dhalan rago, mid dadkii lahaa ka dhalan guura oo dad kale ay qabsadaan, oo waliba noqota meel cidii  doontaba ku soo hajiraan waxay doonaana ka sameeyaan" Ayuu yidhi Wasiir ku-xigeenku.

Waxa kale oo uu sheegay in Go'aanka ay gadheen uu yahay Sidan "Waxaanu Go'aansanay in Maanta laga bilaabo oo ay taariikhdu tahay 4/09/2011ilaa 04/10/2011, ay dalka ka baxaan dadka aan u dhalan Somaliland ee ku jooga Sharci darada, Mudadaasi 30cisho ah Ciddii kaga bixi weyda Dalka ee ka dhago adaygta aanu talaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doono, iyada oo aan lagu xadgudbaynin Xuquuqdiisa shakhsiyadeed ee uu xaqa u leeyahay." Ayuu yidhi Wasiir ku-xigeenku

Agaasimaha Guud ee Did-udajinta Axmed Cilmi Barre, ooisna ka hadlay arintaya ay sheegay in dadka Bila'aa sharciga ku jooga somaliland ay u dhexeyaan 80,000 ilaa 100,000kun, loona bahan yahay in 30Cisho Gudahood dalka kaga baxaan , cidii u hogansami weyda Sharcigaasina ay talaabo ka qaadi dooan, waxa kale oo uu sheegay in qoysaska dalka ka diwaangashan ee sharciga u joogan anaay ku jirin iyagu, waxanu sheegay in aanay somaliland ahayn meel qashin qub aha, balse ay tahay dawlad leh sharci iyo dastuur u gaar ah anaay aqbalki doonin in dalkeeda cid kastaba ay iska soo gasho.

Badhsaabka Gobolka Maroodi-jeex Axmed C/laahi  (Xamarji) Waxa uu isna sheegay in Go'aankasi ay xukumadu gaadhay uu yahay mid loo bahan yahayn in sidiisa loo fuliyo, isaga oo Cid kasta oo arintan ku khusayso u soo jeediyey in ay ka qaybqaatan hawshaasi.

No comments: