29 October, 2008

Warar dheeraad ah oo ka soobaxaya qaraxyadii Hargeysa iyo Boosaaso

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxyo ismiidaamin ahaa kaasoo maanta barqadii ruxay Magaalooyinka Hargeysa iyo Boosaaso, iyadoo qaraxyadaas ahaayeen kuwo daqiiqado isaga dambeeyay, isla markaana qorsheysnaa.Wararka horu dhaca ah ee la helayo ayaa tilmaamaya in Dhamaan qaraxyadaas ka dhacay magaalooyinkaas ee Maamulada Somaliland iyo Puntland waxay ahaayeen kuwo ay fuliyeen niman naftood-huryaal ah oo gaadiid waxyabaha qarxa laga soo buuxiyay, kaasoo lala abaaray xarumo ku yaal

Magaalooyinkaas.Magaalada Hargeysa ayaa maanta u aheyd jawi kacsanaan iyo amakaag, iyadoo qaraxyada lala beegsaday ah ahaayeen saddex goobood oo baabuur waxyabaha qarxa laga soo buuxiyay lalana eegtay. Waxaa tirada dadka ku dhintay ay haatan caga cageyneysaa ilaa 20 ruux iyadoo dhaawaca uu gaaray 30, waa sida uu xaqiijiyey wasiirka Arimaha Gudaha ee Somaliland. Qaraxii HARGAYSA
Qaraxii u horeeyay oo ka dhacay agagaarka Xarunta Madaxtooyada Somaliland ayaa halkaas waxaa uu ku bur buriyaya dhismayaasha xarunta Madaxtooyada, waxaana ku naf waayay Xogheyntii Madaxweynaha Somaliland oo lagu magacaabi Daahir Cali Ciid, sidoo kale mid kale oo howl wadeenada xafiiskiisa ah ayaa ku dhintay.Qarax kale ayaa isna waxaa uu ka dhacay Xafiiska/Safaarda ay Dowladda Ethiopia ku leedahay Magaalada Hargeysa, waxaana ku dhintay dad gaaraya labo ruux, waxaana qaraxa 3aad uu ka dhacay xarunta UNDP, waxaana ku dhintay Madaxii Nabadgelyada UNDP ee Somaliland.Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay qaraxaas ayaa ku tilmaamay fal aad u xun, isagoona shacabka Somaliland ugu baaqay inay feejignaadaan oo ay iska soo dhex saaraan waxaa uu ugu yeeray cadawga, isagoon faah faahin cida qaraxa ka dambeysa, hase ahaatee waxaa uu tilmaamay inay baaritaan socdaan.Waxaa uu sheegay Daahir Rayaale Kaahin in xaalad deg-deg ah la geliyay magaalada Hargeysa waxaana socda buu yiri baaritaano xoog leh oo ay wadaan Ciidamada Booliska.

BOOSAASO
Sidoo kale qarax isna Ismiidaamin loo adeegsaday ayaa isna lagu qaaday xarun ay ku howl galaan Ciidamada La dagaalanka Argagixisada Puntland, oo ku taal Magaalada Boosaaso, waxaan qaraxyadaas ay dhaliyeen qasaare dhimasho iyo dhaawac.Madaxweynaha Puntland Cadde Muuse oo ka hadlay qaraxa ayaa sheegay in wax ku cusub ay yihiin qaraxyadaas, isla markaana ay aad uga xun yihiin."Labo Nin ayay ahaayeen, labo baabuur ayay wateen waxay isku qarxiyeen xarumaha Ammaanka, dad aan u dhalan Puntland ayay ahaayen"ayuu yiri cadde Muuse oo intaa ku daray in Baaritaanada socda ay yihiin kuwo lago ogaanayo ragaas, waxaana uu kaloo sheegay in Ciidamada Booliska ay hayaan Sawirada raga is qarxiyay.Qaraxyadan maanta ka kala dhacay Magaalooyinka Hargeysa iyo Boosaaso ayaa ah kuwo ku cusub Maamuladaas, marka loo eego qaraxyadan oo ah kuwo ka dhaca K/Soomaaliya, waxaana aad looga hadal hayaa Magaalooyinkaas, iyagoona guud ahaan ay hakiyeen dhaq dhaqaaqii gaadiid iyo ganacsiga.

Qaraxyo ka dhacay Hargeysa iyo Boosaaso

29/Oct/ 2008 Qaraxyo waa weyn ayaa gil gilay Magaalooyinka Hargeysa iyo Boosaaso ee Maamulada Puntland iyo Soomaaliland, iyadoo qarax aad u xoog badan lala eegtay Safaarada Ethiopia ku leedahay Hargeysa.
Saaka barqadii ayaa dadwaynaha Magaalada Hargaysa waxay ku war heleen Sadex qarax oo xoog waawayn oo laga maqlayay magaalada guud ahaan.
Weerarada Hargeysa oo loo adeegsaday Gaadhi Miinaysan oo lagu weeraray Xarunta Hayada UNDP ku leedahay Caasimada Hargaysa, iyada oo Qarixii labaadna lagu beegsaday Safaarada Ethiopia ay ku leedahay Caasimada Halka Qaraxa Sadexaadna lagu beegsaday Madaxtooyada Somaliland.
Weeraradan oo u muuqday qaar qorshaysan waxa ka dhashay khasaare baaxad iyada oo ay dadkii meelahaas ku sugnaa yeesheen dhimasho iyo dhaawacba waxa kale oo khasaare baaxad lihi gaadhay sadexda meeloodba ha sii kala darnaadeene, iyada oo ay ugu darantahay Safaarda Ethipia waxana jira dhimasho iyo dhaawac aan ilaa imika tiradooda si rasmi ah loo hubin, walina si rasmi ah looma oga cida ka dambaysay.Sidoo kale labo qarax ayaa waxaa ay iyana ka dheceen Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari Xarun ay ciidamada Nabad sugida ku leeyihiin magaalada Boosaaso, waxaana qaraxaas uu ahaa mid si weyn u gil gilay Magaalada oo dhan.

Mid ka mid ah xarumaha la weeraray ee qaraxyadu ka dhaceen ayaa waxaa la sheegay in baabuur Toyota Surf ah lala galey, halka xarunta kale gaariga kale oo isla noocaasi ah lagu horqarixiyey, waxaana jira warar sheegaya in mid ka mid ah xarumahaasi gawaarigii ku qarxay lagu dhex arkey ninkii gaariga watey oo si xun u goo.gay, waxaana laga dhex helay qaarka dambe ee ninkii gaariga watey.Sida ay wararku sheegayan Labada Qarax ee ka dhacay Boosaaso ayaa waxay ahaayeen Gaari Waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, kaasoo la geluiyay Xarunta Nabad sugida, waxaana la ogeyn in qof naftii hure ah uu isku qarxiyay iyo in kaleWixii war ah oo ku soo kordha wararka Qaraxyada Boosaaso iyo Hargeysa kala soco wararkeena dambe

General@xogdoon.com
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: