06 September, 2011

Wasiir-ku-xigeenka Caafimaadka Marwo Nimco oo faafaahim buuxda ka bixisay hawlgelin la'aanta mishiinka kelyaha


"Lacagtu Bajadka Dawladda kumay jirin ee Wasaaradda Maaliyadda ayaanu ka codsanay, waxaana lagu soo keraynayey khabiir ah oo Mishiinnada yaqaana iyo Tigidhadii ninkaa ayey ahayd."

Hargeysa(samotalis)-Masuuliyiin ka tirsan Cisbitaalka Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in ay khasab ku saxeexeen lacag dhan 45-kun oo Dollarka Maraykanka ah oo isugu jirtay mushahar shaqaale iyo kharash Daawo, kadib markii Wasiirka iyo Wasiir-ku-xigeenku ay ku dirqiyeen Madaxda Wasaaradda oo ay kow ka tahay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Marwo Nimco.

Sida ku cad xogo ku saabsan arrintaas oo wargeysku ka helay ilo ku dhow-dhow Cisbitaalka guud, ayaa sheegaya in lacagtaa oo loo qorsheeyey in lagu shaqo galiyo mishiin ah kuwa Kelyaha iyo Beerka lagu baadho oo in muddo ah ku dhexdednaa Cisbitaalka dhexdiisa ay bixisay Wasaaradda Maaliyaddu, isla markaana sida uu dhigayo nidaamka maamul ee Wasaaraddu uu soo-qaadista lacagtaa sharciyan xaq u lahaa Agaasimaha Maamulka Lacagta, oo isagu ku qornaa soo qaadisteeda.

Hasa yeeshee ay arrintaa ka fara-maroojiyeen Wasiir-ku-xigeenka Caafimaadka Marwo Nimco, kadib markii ay la kaashatay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Xoog, isla markaana uu sidaa Wasiir-ku-xigeenku ku soo qaaday lacagta.

Geesta kale Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka, Marwo Nimco Qowdhan oo aannu xalay khatka Telefoonka kala xidhiidhnay si aynu arrintaa wax uga waydiino, ayaa sheegtay in lacagtu ay ahayd mid maamul aan ku jirin Bajad-sannadeedka Wasaaradda Caafimaadka, balse ay ahayd mid si madaxbannaan ay uga dalbadeen Wasaaradda Maaliyadda.

Waxa kaloo Marwo Nimco sheegtay, in lacagtu aanay ahayn inta lagu sheegay balse ay ahayd 41-kun oo Dollarka Maraykanka ah oo keliya, taasoo ay ugu talo galeen markii ay dalabkeeda sameynayeen inay ku hawlgeliyaan Mishiin kuwa Kelyaha safeeya ah. Sidaas darteedna, ay lacagtaa hadda ku bixin doonaan Daawooyinkii lagaga shaqeyn lahaa Mishiinka iyo khabiir Ajanabi ah oo ay debedda ka keeni doonaan, kaasoo sida ay xustay ay heshiis sannad ah la galeen, isla markaana ay lacagta ku jirto mushaharkii uu qaadan lahaa ninkaa ajanabiga ahi iyo kirada gurigii la dejin lahaa, iyadoo arrintaa ka hadlaysana waxay tidhi; "Lacagtu Bajadka Dawladda kumay jirin ee Wasaaradda Maaliyadda ayaanu ka codsanay, waxaana lagu soo keraynayey khabiir ah oo Mishiinnada yaqaana iyo Tigidhadii ninkaa ayey ahayd."

Sidoo kale, Marwo Nimco iyadoo faah-faahinaysa sifihii sharci ee lacagta lagu soo qaadi lahaa waxa ay tidhi; "Waxa lagu qoray ninka khasnajiga ah, markii aanu ku nidhi lacagta saxeexna waxa uu yidhi; 'Mar haddaanan lacagta maamulkeeda lahayn soo qaadi maayo.' Dabedeedna Wasiirka Maaliyadda ayaannu u tagnay oo aannu ku nidhi; 'Wasaaradda nooga jar oo annaga nagu qor, dabadeedna sidii baanu foojarka kaga soo saarnay Xisaabiyaha Guud.' Manay ahayn Mushahar Shaqaale ee waxay ahayd kharashkaa dheeraadka ah ee aanu ka dalbanay Wasaaradda Maaliyadda, lacagta inteeda badanna waxa la soo siinayaa dawooyinka Keliyaha lagu meydho oo Hindiya ayaa loo diraya," ayey Marwo Nimco ku soo koobtay hadalkeeda.

No comments: