01 September, 2011

Madaxweyne Siilaanyo oo Xildhibaan Duur u magacaabay Wasiirka Daakhiliga

Madaxweyne Siilaanyo oo Xildhibaan Duur u magacaabay Wasiirka Daakhiliga

Wasiirka cusubi waxa uu sharciyan iskaga calisayaa xubinimada Golaha Wakiilada

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa galabta Wasiirka cusub ee wasaarada Arrimaha Gudaha u magacaabay Xildhibaan Maxamed Nuur Caraalle (Duur) oo ka tirsanaa Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland.

Madaxweynuhu wuxuu sidaasi ku sheegay war saxaafadeed uu galabta soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdilaahi Maxamed Dahir (Cukuse), waxaanu u dhignaa sidan:-

"Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Xeer Madaxweyne oo uu Numberkiisu yahay 0169/092011 ku Magacaabay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee JSL .
Madaxaweynuhu:
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda wayn ee ay Wasaaradu u leedahay Dalka iyo Dhismaha Qaranka,
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee JSL,
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,
Markuu ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay.
Wuxuu go'aansaday
In Mudane, Maxamed Nuur Caraale (Duur), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee JSL."
Wasiirkan cusub ayaa Sharciyan iska calisaya xubinimada Golaha Wakiiladda,.

Md. Duur waxa uu ahaa Mudane laga soo doortay Gobolka Saaxil waxaanu ka soo baxay Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB, hase yeeshee waxa uu wax yar ka dib markii la doortayba uu ka biyo diiday siyaaasadii xukuumaddii Rayaale, waxaanu ku biiray Xisbiga tallada haya ee KULMIYE oo xiligaasi ahaa xisbi mucaarid ah.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
Cumarmfaarax@hotmail.com

No comments: