28 September, 2011

Arday Aad u tiro badan oo shalay ka amaba baxay magaalada Muqdisho iyaga oo ku sii jeeda Dalka Turkiga

Arday Aad u tiro badan oo shalay ka amaba baxay magaalada Muqdisho iyaga oo ku sii jeeda Dalka Turkiga oo Ay ka heleen Deeq Waxbarasho iyo kuwii Somaliland oo U xaniban basaboor laan.

posted by: - Togaherer.

Xukuumada Madaxweyne shiriif oo Ku guulaysata in ay wax barasho ka helaan Dalka Turkiga  taas oo boqolaal arday ay maalintii shalayto ay u duuleen Dalka Turkiga, halka Xukuumada Somaliland Qaybtay ka hehay mihnooyinkaas ay u xanibantahay basaaboor laan iyo madaxda dalka oo tali ku murgaxantahay oo sheekadoodo tahay basaborka somaliyana Qaadan mayno waxaanu rabnaan in aanu wax la qaybsanaa.

Waalidiinta Qaarkood Oo Carruurtooda Basaska Lagu Qaaday Dushooda ku Macsalaameynaya
Basaska Ardayda Looga soo qaaday Soomaali Frut oo ah goobta Xaflada Sagootinta Lagu Qabtay Laguna Geeyey Airporka
Muuqaal Ka Mid ah Ardayda Oo mid kamid ah Basaska Garoonka Diyaaradaha Lagu Geeyey Dushiisa Saaran
Mid Ka mid ah Ardayda Deeqda Waxbarasho heshay Oo Callamada Dalkeena iyo Walaalaha Turkiga Sita
Gabar Ka mid ah Ardayda Deeqda Waxbarasho ku guuleysatay Oo Calanka Dalkeena Sidata
Muuqaal Kale Waalidiinta oo iyagoo Faraxsan Carruurtooda Macsalameynaya
Arday Calammada Soomaaliya iyo Turkiga Basaska Dushooda ka lulaya
Kolonyada Basaska Ardayda Siday Oo Magaalada Dhexmareysa
Muuqaalka Diyaarad ka mid ah Diyaaradaha ay Dowladda Turkigu usoo dirtay Inay Ardayda qaadaan
Waalidiin sita Calanka Walaalaha Turkiga oo Carruurtooda Garoonka Aadan Cadde ku sagootiyey
Muuqaal kamid ah Ardayda oo Gudaha Garoonka Fadhida
Arday ayaga oo Faraxsan Gudaha Garoonka Diyaaradaha Waalidkood ay ku macsalaameynayaan
Muuqaalka Gabdho ka mid ah Ardayda deeqda helay Oo Gudaha Garoonka diyaaradaha Fadhiya
Muuqaalka Gabdho kale oo Ardayda Deeqda Waxbarasho heshay oo ku faraxsan Deeqda ay heleen
Muuqaal ka mid ah Ardayda oo gudaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ku feyshan si ay Diyaaradda u raacaan
Waalidiinta oo Carruurtooda Gudaha Airporka ku Sagootinaya
Agaasimaha Radio Muqdisho oo Qeyb ka ahaa Sagootinta Ardayda maanta Turkiga U Ambobaxday
Ardayda oo Diyaargarowgii ee Ambabaxa ku jira
Muuqaalka Aabeyaasha Carruurtooda Deeqda Waxbarasho heleen oo Sagootinta kasoo qeybgalay
Muuqaal ka mid ah Hooyooyin Ardayda Sagootintooda ka qeyb qaatay
Photo By:Abdirahim Adde


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: