23 July, 2011

Shirkii Guddida Nabadaynta Buhoodle Oo Go’aamo Culus Laga Soo Saaray

Shirkii Guddida Nabadaynta Buhoodle Oo Go'aamo Culus Laga Soo Saaray Iyo Koox Uu Hogaaminayo Maxamuud Cumar Camay Oo Waji-gabax Ay Kala Kulmeen Xalay Guure Ku Galay Garoowe

"Markii Ay Ogaadeen Go'aamada Guddida Aayo Ka Talinta Ka Soo Baxay Ee Shacbiga Buhoodle-na Taageeray Ayay Xalay U Carareen Puntland Iyo Faroole" Afhayeenka  Guddida Nabadaynta Iyo Aayo Ka Talinta Buhoodle

Hargeysa, July 22, 2011 (Haatuf) - Afhayeenka guddiga wada hadalka nabadaynta Buuhoodle C/risaaq Xaaji Bakayle ayaa sheegay in xubno cuqaala oo uu ku adeega Madaxweynaha maamul goboleedka Majeerteeniya C/raxmaan Faroole ay xalay u guureeyeen magaalada Garoowe, kadib markii ay ogaadeen, in madax dhaqameedyada iyo waxgaradka Buuhoodle shirkii uga socday Buuhoodle ay ka soo saareen go'aamo taageeraya gogoshii wada hadalka nabada ee Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu u fidiyay Isimada Buuhoodle iyo Sool, isagoo dhinaca kalena sheegay in kooxdaasi u kicitimay Garoowe, oo uu hogaaminayo Maxamed Xaaji Cumar Camay aanay matalin shacbiga reer Buuhoodle.

Afhayeenka guddiga nabadaynta Buuhoodle C/risaaq Xaaji Bakayle oo xalay Haatuf kula soo xidhiidhay khadka Telephone-ka isagoo jooga Buuhoodle, islamarkaana ka hadlay go'aamada ay shirkooda ka soo saareen, ayaa ugu horayn Mr Bakayle oo ka hadlaya kooxda Garoowe u kicitimay, waxa uu yidhi "Xalay waxa u guuro galay Garoowe sagaal xubnood oo cuqaal iyo Isimo oo midna aan ahayn, oo ka soo horjeeday nabadaynta iyo wada hadalada aanu wadnay, kuwaas oo u shaqeeya Faroole iyo Puntland markay ogaadeen shacbigii Buhoodle inay ka soo horjeesteen oo guddi Aaya ka talina la sameeyay ayay xalay habeen badhkiiu guuro galeen Faroole iyo Garoowe, kuwaasina kuwo dadka xilal u hayay maaha ama nabadoono ha noqdeen, waana kuwo aan ku faraxsanayn in nabada la qaato, waxaanan ku baaqayaa inaan wax fursada la siin kuwa shar-wadayaasha ah, intii horumarka iyo nabada ka soo horjeeday waa intaa Garoowe u guuro gashay, shacbiga Buuhoodle waxay isku raacsan yihiin in nabada la qaato"

Afhayeenka guddiga Aaya ka talinta Buuhoodle oo ka hadlaya go'aamada ay soo saareen, waxa uu yidhi "1. In dadweynaha lagu wacyigaliyo inay ka qaybqaataan nabada oo ay taageeraan wada hadalka nabada. 2. in waxkasta laga horumariyo nabadaynta iyo dibu heshiisiinta beelihii ku dagaalamay Kalshaale 3. in dhamaan qaybaha kala duwan ay ka qaybqaataan qabanqaabada shirka nabadaynta beelaha 4. in laga hor tago talaabo kasta oo ka hor iman karta nabadaynta 5. in la magacaabo guddi farsamo oo ka kooban 15 xubnood oo soo xuli doona marka wada hadalku dhamaado 99-kii xubnood ee Aayaha Buuhoodle ka talin lahayd. 

No comments: