21 July, 2011

Dawladda Jabuuti oo caddeysay qorshe ay ku wiiqayso Dhaqaalaha Somaliland iyo Madax ka socota Xukuumadda Siilaanyo oo ku taageeray

Dawladda Jabuuti oo caddeysay qorshe ay ku wiiqayso Dhaqaalaha Somaliland iyo Madax ka socota Xukuumadda Siilaanyo oo ku taageeray

Jabuuti, -(OGAAL)- Dawladda Jabuuti ayaa madal ay fadhiyaan Masuuliyiin dawladda Somaliland ka tirsani uga gacan haadisay Ganacsatada reer Somaliland oo ay sheegtay inay wax badan u fududaynayso, isla markaana dalka Jabuuti ay sida waddankooda oo kale uga shaqaysan karaan iyaga oo si sahlan wax uga dhoofsan kara ugalana soo degi kara Dekadaha dalkaas.

Wargeyska Ogaal ayaa bishii hore baahiyey in dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti go'aansatay inay albaabbada u laabto Dekadda Somaliland ee magaalada Berbera, ka dib markii ay Ganacsatada reer Somaliland Jabuuti u gacan-haadisay, isla markaana ay u fududeysay waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin Cashuurta, Adeegyada Dekaddaha iyo Baasaabboorka Jabuuti oo si lacag la'aan ah loo siinayo Ganacsatada, taas oo sababtay in dhaq-dhaqaaqii Ganacsi ee Dekadda Berbera hoos-u-dhac weyni ku yimaaddo, ka dib markii ay Ganacsato badan oo reer Somaliland ahi u wareegeen Dekadaha dalka Jabuuti, waxaanay taasi saamayn taban ku yeelatay Dakhliga dawladda Somaliland oo si muuqata isu-dhimay tan iyo bilawgii sannadkan aynu ku jirno ee 2011-ka.

Haddaba, warkaas oo dadka qaarkood u qaateen ama u fahmeen mid la mala-awaalay, hase ahaatee, xaqiiqada dhabta ah ku fadhiyey, isla markaana Wargeyska Waraysiyo kala yeeshay dhinacyo badan, ayaa waxa shalay si cad ugu markhaati furay hadallo ka soo yeedhay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda dawladda Jabuuti Mr. Ilyaas Muuse Dawaalle iyo Masuuliyiinta Rugta Ganacsiga ee Jabuuti, ka dib markii ay shir la yeesheen Masuuliyiin ka socda dawladda Somaliland uu Isniintii dorraad booqasho shaqo ku tagay magaalada Jabuuti, kuwaasoo ay ka mid yihiin Wasiirrada Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, Ganacsiga Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Xasan Cabdi Cawad.

Kulankaa waxay Xukuumadaha Somaliland iyo Jabuuti kaga wadahadleen sidii maal-gelin wada-jir ah loogu raadin lahaa dhismaha jidka isku xidha Caasimadaha labada dale e Hargeysa iyo Jabuuti. Wasiirka Maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaale, oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in shirka ay la yeesheen masuuliyiinta Somaliland uu la xidhiidho sidii bog cusub loogu furi lahaa iskaashiga labada dal ee dhinaca Ganacsiga.

"Fadhigan oo ah kii ugu horreeyey ee aannu la yeelannay Walaalahayaga Somaliland waxaannu is leenahay waxyaabo badan oo aad wada qabsan kartaan ayaa jira, waxa jira dhaqan ah in Ganacsatada Jabuuti ay jecel yihiin inay wax la qabsadaan walaalahayaga Somaliland halka Ganacsatada Somaliland-na ay Jabuuti wax allaalle iyo wixii ay jecel yihiin ka qabsan karaan." Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaalle. Waxaanu Wasiir Ilyaas oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo uu yidhi; "Annaga iyo Walaalahayaga Wasiirrada ah hawlo badan ayaa na horyaalla, waxa ka mid ah sidii aannu wada-jir maal-gelin ugu heli lahayn Jidka isku xidha Jabuuti iyo Hargeysa."

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Egn. Maxamed Xaashi Cilmi oo hoggaaminaya Weftiga Somaliland ka socda, ayaa dawladda Jabuuti uga mahad-celiyey sida ay ugu soo dhawaysay dalkeeda, waxaanu sheegay in loo baahan yahay in la sii xoojiyo isu-gudubka Ganacsiga labada dal. Maxamed Xaashi oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi; "Waxaan aad u rejeynayaa fadhigeennani kii ugu dambeeyey ee aynu yeelanno inaanu noqon ee uu noqdo shirar joogto ah oo la muddeeyo oo aynu ku kala faa'iidaysanno oo la isweydiiyo maxaynu ka kordhisannay halkii aynu taagnayn waxaanan qabaa in waxyaabo badan la is weydaarsan karo."

Shirkan waxa kale oo lagaga wadahadlay in la dhiirrigeliyo Ganacsatada labada dal si ay u fududaato iskaashiga Ganacsiga labada dal ka dhexeeya. Kulankaasi ka dib, Wasiirka Maaliyadda Jabuuti,ayaa Xafiiskiisa ku qaabbilay Wasiirrada Ganacsiga iyo Maaliyadda Somaliland, halkaas oo ay kaga wadahadleen arrimo la xidhiidha sii xoojinta wada shaqaynta iyo iskaashiga labada dal ee Jabuuti iyo Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, hadallada ka soo yeedhay Masuuliyiinta dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti, gaar ahaan Wasiirka Maaliyadda Jabuuti, ayaa ah mid si aan madmadaw ku jirin u iftiiminaya qorshayaasha dawladda Jabuuti ku wiiqayso Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Curdinka ah ee Somaliland oo aan weli dunida ka helin aqoonsi caalami ah. Hase-yeeshee, waxa xusid mudan inaanay Masuuliyiinta ka socday Somaliland ee goob-joogga ka ahaa madasha ay Madaxda Jabuuti uga baaqeen Ganacsatada reer Somaliland oo la odhan karo waxay qayb ka yihiin dhaqaalaha yar ee dawladda Somaliland ku dhaq-dhaqaaqdo, maaddaama oo aanay caalamka si toos ah uga helin Lacago Deyn ah iyo Caawimooyin waaweyn midna.

Dawladda Jabuuti oo ajandaha ay ku horumarinayso dhaqaalaha waddankeeda, isla markaana ku wiiqayso ka Somaliland qaybo ka mid ahi hore ugu hirgeleen, ayaa haddana la odhan karaa waxay caddaysatay sida ay ugu diyaar-garawday inay Indhaha dawladda Somaliland isaga jeedin lahayd, maaddaama oo ay goob madax labada maamul ka kala socotaa wada fadhido ka shaacisay qorsheheeda ay ka leedahay Ganacsatada Somaliland iyo sida ay gacmo furan ugu soo dhawaynayso, uguna fududaynayso wax kasta oo kaga xidhmo.

Haddaba, su'aasha is-weydiinta mudani waxay tahay dawladda Somaliland maxay dhaafsatay inay Ganacsatada dalkeeda dhaqaalaha yar ee ay wax ku waddaa ka soo galayeen ku wareejisay Jamhuuriyadda Jabuuti. Jawaabta su'aashaasi waa mid dadweynaha reer Somaliland ka sugayaan Madaxweynaha ay doorteen iyo Xukuumaddiisa oo ay ku aammineen masuuliyadda dalka iyo dadka.

 

Wargeyska Ogaal

No comments: