27 October, 2010

Xildhibaan Dhugad Oo Wasiirka Maaliyadda Ku Eedeeyay.....


Xildhibaan Dhugad Oo Wasiirka Maaliyadda Ku Eedeeyay In Lacagtii Dalka la laayahay Meel ay Martay

Xildhibaan C/laahi Ibraahin Xirsi (Dhugad) oo ka mid ah golaha guurtida Somaliland ayaa Wasiirka Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ku eedeeyey in lacagtii uu lahaa dalka ayaan kasoo ururiyey la waayay meel ay jaan iyo cidhib dhigtay, uguna baaqay madaxweyne Axmed Maxamed Maxauud Siilaanyo inuu soo magacaabo wasiir lacagta bixiya, waxaanu sidoo kale uu shaaca ka qaaday kulankii Axmed Siilaanyo la yeeshay todobaadkan wasiiradii maaliyada, Hawlaha guud iyo duulista hawada ee xukuumadii hore ee Rayaale ay iyagu kasoo shaqeeyeen kulankaasi oo uu tilmaamay in loogu cadeeyay in waxa xadhig ah lagula kacaynin.

Xildhibaan Dhugad waxa kale oo uu sheegay in wasiirka daakhiliga Dr. Maxamed Cabdi Gaboose aanu ahayn masuul nabadgalyada iyo wadajirka shacabka Somaliland waxyeelo u gaysta, isagoo dhinaca kalena xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye oo ka mid ah xildhibaanada beeshooda galbeedka Burco ku tilmaamay nin jecel in cid gaar ah uu u adeego, isla markaana arbushaad uun ka shaqeeyo.

Xildhibaan Dhugad waxa u sidaas ku sheegay xogwaraysi kooban oo u shalay wargeyska Haatuf ku la yeeshay magaalada Hargeysa, waxna kaga weydiinay sida uu u arko kulanka xubnaha wasiirada beeshood ee xukumadii hore iyo madaxweyne Axmed Siilaanyo ku dhex maray qasriga todobaadkan. Isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa u yidhi "Kulanka ay wasiirada xukuumadii hore iyo madaxweynuhu yeesheen waxa uu ahaa mid aanu anagu kasoo shaqaynay oo raali ka nahay waayo ummadda ahaan ayaanu nabadgalyada uga shaqaynaynaa, waxaanu ka tacsiyadeenaynay oo aanu ugu yeedhanay beri dhawayd oo la yidhi qaar baa la qabqabanayaa inaanay waxaasi waxba ka jirin ayaanu odayga ula kulansiinay"

S: Sideed u aragtaa muddada sagaashanka maalmood iyo dheeraadka ah ee madaxweyne Siilaanyo dalka hogaaminayay?

J: Siilaanyo waa oday waayo-arag ah muddo koobana xilka ayuu hayay waxase jira oo dhalili ka jirtaa ninka uu u magacaabay wasiirka Maaliyadda ee yidhi meel walba dakhli lacageed baan dhigay markii uu dadkii soo kiciyeyna ee uu yidhi meeshu way buuxdaana ceelkiina la dul yimid waa laga waayey galaan laga daro intaas ayaa dadkii Uugaamisay oo dhiilo lehe odaygu waa waayo arag.

S: Wasiirka Maaliyada Maxamed Xaashi Cilmi talaabooyinka dakhli ururinta ah ee uu ka sameeyay goobaha dhaqaalaha iyo kastamada shacbigu way ku soo dhaweeyeen, adiguse maxaad uga jeeda eeda aad leedahay lacagtii buu bixin waayayiyo lacagtii uu ururiyey lama hayo?

J: Maxamed Xaashi waa Maxamed Xaashi uun haduu lacag ururiyey oo Ilma Nabi Aadan waxa kasoo baxa ay laayihiin hadu lacagtii u ururiyey uu diiday inuu bixiyo dee madaxweynhuna ha soo magacaabo Wasiirkii lagacta bixinayayna ilayn kani waa mid aan waxba bixinayne mid lacagta bixiya ha soo magacaabo.

S: Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye oo ka tisan mudanayaashiina guurtida ee  beesha galbeedka burco waxa uu dhawaan Wasiirada arrimaha gudaha, Maaliyadda iyo hanta-dhawraha guud uu ku eedeeyay inay kicinayaan beeshiina galbeedka burco, adigu arrinkaasi miyaad la qabtaa?

J: Dr. Gaboose waa nin jecel nabada mana aha nin iyo Wasiir ummada kala fogeeya ee waa masuul ummada mideeya oo xilkas ah, Axmedna waa nin had iyo jeer jecel wax dirta iyo rabash dhaca.

Source Haatuf

No comments: