24 October, 2010

Madaxweyne Siilaanyo oo Wasiirradii Halbawlaha u ahaa Maamulkii Rayaale Kula Kulmay Madaxtooyadda

Madaxweyne Siilaanyo oo Wasiirradii Halbawlaha u ahaa Maamulkii Rayaale Kula Kulmay Madaxtooyadda

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay qasriga madaxtooyada ku qaabiley xubno ka mid ah wasiirradii halbawlaha u ahaa xukuumaddii madaxweyne Rayaale ee lagaga adkaaday doorashadii madaxtooyada ee 26 June 2010 ka dhacday dalka.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay madaxtooyada Somaliland oo xaqiijiyey kulanka dhexmaray madaxweynaha iyo wasiirradii hore ee xukuumaddii Rayaale, balse sida ay ilo xogogaal ahi xalay Jamhuuriya u xaqiijiyeen, waxa madaxweyne Siilaanyo uu shalay qasriga madxatooyadda ku qaabiley wasiiradii hore ee Maaliyadda Md. Cawil Cali Ducaale, Duulista iyo Hawada Md. Cali Maxamed Warancadde iyo Hawlaha Guud Md. Siciid Sulub Maxamed.

Inkasta oo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin natiijada kulanka madaxweynaha iyo xubnaha ka tirsan wasiirradii xukuumaddii Rayaale, haddana sida wararka ku dhodhww madaxtooyadu tibaaxeen, kulankan waxa dalbaday madaxweynaha, iyada oo ujeeddadiisuna ahayd sidii ay Md. Siilaanyo iyo wasiirradaasi isku  laab xaadhan lahaayeen, maadaama oo xurgufo badan iyo cadawtinimo siyaasadeed dhexmartay muddadii dheerayd ee uu hoggaamiyaha mucaaridka ahaa, iyaguna giraanta u hayeen maamulkii hore, isla markaana ay hadda soo baxeen tuhono suuqa la soo galiyey oo sheegaya in xukuumadda cusub ka aarsan doonto raggii ugu miisaanka cuslaa ee ka tirsanaa xukuumaddii doorashada lagaga adkaaday ee xisbiga UDUB.

Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil), Md. Cali Maxamed Warancadde iyo Md. Siciid Sulub Maxamed oo aanu xalay isku daynay in aanu wax ka weydiino kulankaasi, ayaanay noo suurtogelin in aanu mid koodna telefoonka ku helno, marka laga reebo Md. Cawil oo nin kale telefoonkiisa gacanta inta uu naga qabtay sheegay inuu guriga ka maqan yahay, hasayeeshee sida tibaaxuhu sheegeen, waxa madaxweyne Siilanyo u sheegay saddex wasiir in haba yaraatee aanay jirin wax cadaawad ah oo uu xiligan u qabo, isaga oo ka shaki saaray in aanay jiri cid xukuumadda cusub si gaar ah u eryanayso oo laga aarsanayaa, balse loo baahan yahay in la saxo wixii khalad dhacay, iyada oo madaxweynuhu wasiirrada hore u sheegay inay yihiin rag masuuliyiin ah oo xitiraam mudan.

Xubnaha wasiirradii hore ka tirsanayaa ayaa iyaguna madaxweynaha u sheegay inay yihiin rag wasiiro ka ahaa xukuumaddii Rayaale, isla markaana ay hadda yihiin niman UDUB ah oo aan mucaaridada u baran, iyaga oo madaxweynaha u sheegay inay diyaar u yihiin in fursad la siiyo xukuumadda cusub, waxayna balanqaadeen inay la shaqayn doonaan golaha madaxweynuhu dhisay.

Source: Jamhuuriya

No comments: