24 October, 2010

Aqoontu Ma Istaago,Ardygaa'se Is Dhigta..

Aqoontu Ma Istaago,Ardygaa'se Is Dhigta..

Waxaan u dirayaa salaam arday kasta oo hammigiisa waxbarasho iyo waxtar ku dhex wareegayaan, arday kastoo muslim ah oo waliba muwaadin Somaliland ah guud ahaan, gaar ahaan ardaydii jaamacadda geeska ee aan soo wada marnay dedaalka iyo soo jeedka faraha badan iyo wakhtigoogii qaaliga ahaa ee aan soo wada qaadanay, waxaan waliba si gaar ah u salaamayaa kulliyadda Computer scienceka .oo aanu aad iskugu dhawayn.

Waa dareen farxad iyo raynrayn leh, waa dareen qofka qalinjabinaya qiimo gaar ah u leh, waalilkiisana naruuro galinaysa, cidkastoo taageero ka gaysatayna  ay la farxayso markay arkaan midhihii ay beereen oo baxay misna bislaaday

Waxay ahayd 9kii October 2010 iyo hoolka maansoor halkaasi oo lagu qabtay xafladii qalinjabinta ee dufcadii ugu horraysay jaamacadda Geeska iyagoo iskugu jiray saddex kulliyadood,  Computer Science, Economic and Management Science, iyo Sharia and Law. Waxay u ahayd jaamacadda geeska maalin wayn oo ay sugaysay ardayda, macalimiinta iyo maamulkuba oo ah inay arkaan qalinjabintaasi.

Maqaalkaygan kooban waxaan kaga hadli doonaa qodobadan soo socda, iyadoo danta aan ka leeyahayna tahay inaan kiciyo himmada iyo hiigsiga ardayga

Aqoonta iyo Ardayga

Nolosha aadmiga waxa wadee kala hagaa waa aqoon, aqoontaasi oo wadata anshaxeeda iyo asluubteeda loogu talo galay,  aqoontuna haddii ay kuu kordhin waydo caqli iyo fikir durugsan waxaa ku jira khalkhal waana in dib loo saxaa, ardaygu si uu u helo aqoonta waxaa looga baahanyahay inuu adeegsado intii tamartiisa iyo taagtisaba ah  isagoo niyadiisa wanaajinaya,waxaana ugu muhiimsan inuu saddexda xubnood ee ugu muhiimsan uu awooda saaro waana Caqliga, araga iyo maqalka, waxa uu u soo marayaa ardaygu aqoonta sidii uu u heli lahaa dhib dheer iyo kadeed aan la soo koobi Karin, intaasoo dhan waxa uu ugu adkaysanayaa si uu naftiisa, qoyskiisa iyo dalkiisaba ugu anfici lahaa, iyadoo marxaladahaasi uu soo marayo uu caqligiisa iyo habfikirkiisuna la soo korayaan

Aqoonta ayaad ku tahay halyay iyo la hiigsade, waxaad gudanaysaa waajib Ilaahay ku saaray, waxaad ku socotaa oo aad soo urursanaysa hubkii aad ku halgami lahayd, adigoo iska hurgufaya cudurka ba,an ee qabyaalada ah ee ummaddeena kharibay

Isdhigashada iyo orodka wakhtiga

Waxbarashadu joogsi iyo dhamaad ma leh, si kale haddaan u dhigo aqoontu ma istaagto, Nebigu (SCW) waxa uu inoo sheegay inaan barano cilmiga laga soo bilaabo yaraanta ilaa iyo inta luxudka(godka) la ina dhigayo, Degreega ardaygu marka uu dhameeyo, waxa uu is moodaa inuu dhulka waxa yaal uu dhigay maskaxdiisa, sidaasi maaha, waase in la ogaado in adduunka aad bilaw ku tahay,  nolosha albaabkeedii ugu horreeyay aad soo gashay maanta degreegii waxa uu noqday mid aan qiime lahayn-inkastoo cilmiga kiisa yar iyo kiisa wayniba ay qiimo leeyihiin- waxaanse u jeednaa in lagu soo gaadhayo oo halkii shalay ay ka ahayd shahaadada dugsiga sare mid sare laga tagay oo loo gudbay degree, maantana waxaa looga sii gudbayaa master waana sidaasi oo waxaa dhici doonta in mustaqbalkana uu masterku noqon doono wax caadiya, arrintaasi waxaa barbar socda oo aan doonayaa inaan idin xasuusiyo inaad nolosha habkeeda barataan oo aad is ogaataan inuu ilaahay idin dhigay martabad sarre oo ah aqoonyahanka , oo aad noqoteen dadkii ay bulshadu sugaysay, Ilaahay baa idin sharfay (("Ilaahay waxa uu sare u qaadaa martabadooda kuwa iimaanka laga helay iyo kuwa cilmiga leh")) (Al-Mujaadalah:11) iimaanka iyo cilmiga qofka isku darayna bal ka warramama!, ardayahay da,yarta aheey wakhtiguna wuu socdaa idinkoon dareemayn, waana inaad waxbarashadiina sii wadataan ilaa aad ka gaadhaysaan halka ugu danbaysa, hana noqoto waxa kaliya ee aad awooda saaraysaan inaad isku lammaanaysaan iimaanka iyo aqoonta, xaragada iyo xishoodka, dadnimada iyo dedaalka, markaasi ayuu Ilaahay idiin barakayni cimriga iyo camalka aad qabanaysaan

Aayaha iyo mustaqbalka ardayga

Waxaa iman xilliyo xun oo aad nolosha nici doonto, kaligaa maaha waase lagula qabaa, adduunka la noolyahay dhibi kama dhamaato, waxa uu iskugu jiraa, farxad iyo murugo, oohin iyo qosol, faqri iyo taajirnimo, intaasoo dhanna waa tabaalaha adduunka, aqoontii aad soo baratay waa inay ku bartaa in samirku uu yahay sahanka ardayga, intaad samirto ayaad sadkeeda leedahay, ragga adduunka hoggaamiya ama soo maray ee ay taariikhdu ka sheekaysaa waxay soo mareen dhib iyo kadeed, wayse u samreen, waana inaad aaminta go,aanka iyo qadarka Ilaahay oo aad kalsooni buuxda ku qabtaan waxa ku qoran Lawxul Maxfuudku inaanay idin seegayn, laakiinse waa inaad raadisaa oo aad u orodaa inaad shaqo heshid si,aad uga maarantid shaxaadka iyo baryada markaasi ayuu aayahaaga iyo mustaqbalkaagu hagaagayaa oo uu hankaagu waynaanaya kana guulaysanaysaa in hunguri lagugu hiifo, maxaana ka hadal murti badnaa Timacadde Allaha u naxariistee markii uu laha

Midigtaadu waxay goosataa miida kaa jaree

Macno maleh wuxuu aadmigu kuu mitimiyaaye

Ardayga doonaya inuu dalkiisa iyo dadkiisaba anfacaa waxa uu dhaqan ka dhigtaa inuu in badan wax- akhriyo, caqligiisa ka soo cugo cilmiga ku jira, oo uu Ilaahay xidhiidh adag la yeesho (("Cidii Ilaahay ka baqda(dhawrsata) ee samirtaa, Ilaahay ma dayaco ajarka samafalayaasha")) (Yusuf:90)

Gebogebo iyo gunaanad

Intaasi aan soo sheegnay waa qalabkii iyo qorshihii uu ku dagaal gali lahaa ardayga soo qalinjabiyay ee ku soo biiray bahwaynta aqoonyahanka,  damiirkiisu uu ka damqanayo musuqmaasuqa iyo dib-u dhaca waddankiisa ka jira, il caafimaad qabta iyo caqli cilmi iyo iimaan ka buuxo ku eegaysa bulshadiisa, waxaanan uga gol lahayn maqaalkan in aan ka dhaadhicino maskaxda aqoonyahanka arrimahan

1. Inay ummaddiisu sugayso oo ay u heelantahay hiilkiisa iyo hayntiisa( maskax iyo maalba)
2. Inuu ka shaqeeyo sidii uu ugu sifoobi lahaa runta, samirka, adkaysiga iyo hadal wanaagsanaanta
3. Inuu ogaado in adduunka uu u joogo inuu isbadal togan la yimaado maadaama uu sito aqoon iyo shahaado la guddoonsiiyay
4. Inay aqoontu badasho anshixiisa iyo dabeecadiisa, maaha inay ka dhigto kibraani sanka taaga, istus dadka u faanaya, aqoonta waase inuu noqdaa qof ku celcelinaya hadalka Ilaahay (("Cilmiga waxyar uun baan idin siiyay"))(Al-israa':85)
5. Inaad noqotaan walaalo is jecel oo waddaninimo iyo islaanimo labada isku xidhiidhinaya, hormarka isla jecel, is taageeraya oo is taakulaynaya
6. Aqoontaada inaad sii kordhiso, oo aanad qalinka dhulka dhigin, balse aad daraasad iyo dabagal aad ummadda wax ugu daahfurayso aad samaysaa
7. In aad ogaato in cilmiga intaad taqaano 10 laabkeedu kaa dahsoonyahay

Walaalayaal hadalaasi aan soo sheegnay waa hadalo qiime wayn ku fadhiya, balse waa hadalo adag sida loo raaco marka hawl loo badal la is yidhaah, ee intii karraankeena ah aan isku dayno inaan dhaqan ka dhigano, inkastooynaan wada dhamaystiri Karin, Ummaddani cidday sugaysaa waa dhalinyar dareensan awooda Ilaahay, aan halmaamayn hiigisiga iyo hadafka nolosha loo keenay, dhawrsan oo ka dheer akhlaaq xumada ee cilmiga ka dhigta hub, caqliga ka dhigta gaashaan, qalbigana mid ku xidhan Ilaahay.

Waxaan ku soo afmeerayaa walaalayaal, noqda kuwii xikmadaha iyo murtida aad haysaan u roga hawl iyo horumar si ummaddu uga faa,iidaysato 
 
 
           
 Abdilqani Haji-Ali (Albanna)
Email: abdilqani@hotmail.com

No comments: