07 June, 2010

Wasiirka Hawlaha Guud Oo Sheegay In Laga Faa'iiday Geeridii Madaxaweynihii 2-aad Marxuum Cigaal!

Wasiirka Hawlaha Guud Oo Sheegay In Laga Faa'iiday Geeridii Madaxaweynihii 2-aad Marxuum Cigaal!

Burco-(Berberanews):- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud iyo Guryaynta Somaliland Siciid Sulub Maxamed, ayaa markii ugu horreysay godka ku weeraray Allah ha u naxariistee, Madaxweynihii Geeryooday Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, oo uu sheegay in laga faa'iiday geeridiisii, ka dib markii uu Madaxweyne Rayaale hoggaaminta dalka qabtay.Isla markaana, waxa uu sheegay Wasiirku in dad Marxuum Cigaal ka biqi jiray markii uu talada hayay ay ku soo dhiirradeen Daahir Rayaale.

Wasiirka hawlaha guud Siciid Sulub, sidaa waxa uu ku sheegay mar uu khamiistii inna dhaaftay magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer kula hadlayay Boqollaal qof oo taageerayaasha Xisbiga UDUB ka mid ah, maalintaas oo ahayd maalintii koobaad ee UDUB isu-soo bixiisa olola doorashada dalka ka bilaabay. Halkaas oo uu ka sheegay in shacabka been badan loo sheegay, kuna faanay inay Xukuumadda UDUB wax badan qabatay. Inkasta oo uu Siciid Sulub ka waramay guulihii uu Marxuum Cigaal Somaliland u horseeday, haddana waxa uu sheegay in geeridiisii laga faa'iiday, waxaana ka mid ahaa hadalladiisii oo uu yidhi;"Geeridii iyo noloshii Marxuum Cigaal labaduba faa'iido ayay lahaayeen; Geeridii Marxuumku faa'iido ayay lahayd oo waxa soo galay Daahir Rayaale Kaahin oo ah beel tirsan beelaha baallaha oo aan ka mid ahayn beelihii dalka xoraystay ee SNM, markii uu Cigaal joogay raggii ka baqay isagu way ku soo dhiiradeen Madaxweyne Rayaale, laakiin maxay kala kulmeen?."

Wasiirka Hawlaha guud oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi, "Waxay is yidhaahdeen kan [Daahir Rayaale] iska canba-canbaysta, waxayse kala kulmeen inay guul-daraystaan, dadyahaw iga qora kelmadaas, maantana waxaad fishaan inay guuldaraystaan dhawr iyo labaatan cishaa inaga xigee'    waxaan idiin sheegayaa oo lagu xisaabtamayaa toddoba sanno ayay dawladu dalka xukumaysay waxay qabatay sida cadceeda oo kale, ayaa loo arkaa UDUB waxay qabatay. Marka hore ammaankii iyo is-khilaafkii dalka ayay soo celisay."

"Waxa weeye guushii SNM sammaysay ee gudo-galka dalka ee beelihii badhtamuhu soo galleen  inta kalena maqnaayeen, waxaa soo hoysay beelihii baalaha haday bari iyo galbeed tahay waxa soo hoysay UDUB iyo talladii Daahir Rayaale Kaahin. waxaynu haynaa Awdal oo inna hoggaamunaysa; waxayny haynaa Saylac, waxaynu haynaa Sanaag Bari, waxa weeye guushaa yaa keenay? guushaa waxa keentay UDUB dalka lixdii gobolba waa la mideeyey, ciidan adagbaa la sammeeyey, dhallinyaradiinaasi maanta nool ee illaa maanta jaamac ku jiraa kuwa aad ku seexataan ee aad wax ku barataan waa iyaga, haddii ay talada hayn lahaayeen ragga kale ee kaadhka KULMIYE ku urursan nin qudha oo wax idinka baran lahaa ma jireenqoribaad wada qaadan lahaydeen maanta, dhaqankooduna sidaas ayuu ahaa. markaa waxa weeyey Ilaahay u mahadnaqa, UDUB-na iyadaa nabadgelyada ilaalinaysa haddaad ka jeesataan waxaan uga baqayaa wax kale." Sidaa ayuu yidhi Wasiirka

Wasaaradda Hawlaha guud iyo Guryanta Somaliland Siciid Sulub Maxamed. Waxaanu Siciid Sulub intaas ku sii ladhay oo uu yidhi; "Waxa weeyey shacabyahow wanaagsani been badanbaa laydiin sheegay, qabyaalladba laydinku guray, nijaas badanbaa laydinku guray, waxa weeye ka baxa oo masiirkiina ka tashada. Burco waxay ka dhigeen oo aynu ugu nimi Burco Bari iyo Burco Galbeed, Burco miyaanay Burco ahayn, waar gobollada kale Bari iyo Galbeed ma lehee maxaa Burco ka dhigay? Munaafiqiinbaa ka dhigtay; kuwii isku diri jirey ee madaxa isula dhici jireybaa ka dhigay."

Si kastaba ha ahaatee, hadalkan Wasiirka Hawlaha Guud Siciid Sulub ka soo yeedhay, ayaa dareen badan oo cadho leh ku abuuray in badan oo ka mid ah dadweynaha reer Somaliland, gaar ahaan inta daawatay barnaamijka Wasiirka oo habeenkii Sabtidu soo galaysay laga sii daayay TV-ga Xukuumaddu maamusho. Hase ahaatee, lama garan karo ujeedda uu Siciid Sulub ka lahaa weedhan turxaanta iyo xajiintu ku ladhan tahay ee uu ku weeraray Allah ha u naxariistee Madaxweynihii labaad ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal oo isagu abuuray hannaanka dawladnimada ee hadda Somaliland ka jirta.

Maaha markii ugu horreysay ee Masuul Xisbiga Talada haya ee UDUB, sidan oo kale godka ugu weeraro Marxuum Cigaal, hase ahaatee, waxa hore u dhacday 2009-kii in Xoghayaha guud ee Xisbiga UDUB weeraro sidan oo kale, isaga oo sheegay inuu dagaalladii sokeeye ee Somaliland ka dhacay wax ka saarayo Allah ha u naxariistee Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, hadalkaas oo duufaanno siyaasadeed ku kiciyey Xisbiga UDUB. Halka kan imikana ku soo beegmay muddo labaatan maalmood wax ka yari ka hadhsan yihiin maalinta loo dareerayo doorashada Madaxtooyada ee 26-ka bishan Juun.

Berberanews.com/Office
Hargeysa/Somaliland
info@berberanews.com

No comments: