06 June, 2010

Musharaxa M/Kuxigeenka X/Kulmiye Eng.Saylici Oo Hantay Maskaxda Iyo Taagee-rada Beelaha Awdal

Musharaxa M/Kuxigeenka X/Kulmiye Eng.Saylici Oo Hantay Maskaxda Iyo Taagee-rada Beelaha Awdal

Hadaba maxaa  keenay in beesha iyo gobolkuba dhamaan mar kaliya u jeestaan  xagaa  iyo xisbiga kulmiye? waxaynu ku soo koobaynaa laba sabobood inay soo dedejisey taageerada loo hayo xisbigan iyo Eng.Cabdiraxmaan laftiisa.

Ummad isbedel doona oo degaanadan ku nool iyo hogaamiye daacadnimo, karti iyo wanaag ka muuqdo ayaa la is odhan karaa xisbiga way u soo jiiday beesha.

Beelaha ku dhaqan goboladan Awdal iyo Salal oo ah umad dimuquraadi ah asal ahaan , ka hufan qabyaalad-wax-ku-doorasho, ninjeclaysi. umad u haraadan  hogaamiye ka turjuma baahidooda, dadyowgan  ku dhaqan gobolada Awdal iyo Salal oo aad odhan karto waxay  aad uga maskax iyo aqli. furan yihiin umadaha kale ee gobolada ama deganada Somaliland la degan taasna ay u keentay sida la aaminsan yahay waxbarashada ay culayska saareen. Hadaba fahankaas dheeraad ka waxa uu u keenay in reer Awdal/Salal inay dhegaystaan fikradaha kale ee ka duwan kuwii hore kuwaasi oo  ay wataan hogaamiye-yaasha xisbiga kulmiye.

Umadu waxay doorataa barnaamij siyaasadeed oo ka turjuma baahideeda Dhaqaale , Degaameed, Waxbarasho iyo guud ahaanba waxyaabaha aasaasiga nolosha u ah. Suaalaha ay dadkan is weydiiyeen ayaa ahaa xisbigii UDUB ma ka haynaa intaas mudadii ay joogeen? Jawaabta u soo baxdayna waa MAYA. Mida labaad Xisbigan udub oo dadyowga ku dhaqan gobolada Awdal iyo Salal ay u haysteen in ay  wax ka leeyihiin mar hadii  UDUB imika Daaher Riyaale hogaamiye u yahay in uu noqdo  mid dabooli doona baahidooda siyaasadeed taasina ay waji gabax ku noqotay dadkii sidaasi ku taageersanaa.

Sobobta labaad ee xisbiga kulmiye u jiiday beelaha gobolada Awdal/Salal waxay noqon kartaa hogaamiyeyaasha gobolkan ugu jira ololaha doorasha oo ah kuwo aad  uga firfircoon , daacadsan kana hawlkarsan marka la  barbar dhigo kuwa ololaha ugu jiraa xisbiyada kale ee UDUB ama UCID.

Waxaynu ka xusi karaa Musharaxa jagada madaxweyne ku xigeenka xisbiga kulmiye Eng. C/raxmaan Saylici oo ah nin aad u firfircoon, sumcad faro badana ku leh degaanadan iyo dadka ku dhaqan wuxuu awood u helay inuu umadan ku qanciyo barnaamijka xisbigiisa kulmiye iyo sida ay uga go'an tahay horumar iyo barwaaqo uu gaarsiiyo gobolkan iyo guud ahaan ba Somaliland.

Eng.Saylici waa nin bulshada reer Awdal/Salal aamini karaan waayo? Eng.Saylici waxa muddo aad u badan ku noolaa kana shaqeynayay goboladan hadii ay noqoto xag bulsho iyo xag siyaasadeedba, Eng.Saylici waa nin ay aamini karaan dadka reer Awdal/Salal waxqabadkiisa iyo kartidiisa  oo mudo hore ayay tijaabiyeen.

Eng.Saylici waa hogaamiye ka hufan qabyaalad iyo nin jeclaysi waa nin ay umadu u siman tahay. waa hogaamiye dhegaysta dayarta iyo duqaydaba…… Waa nin dadka reer Awdal/Salal ku dooran karaan barnaamijkiisa iyo shaqadiisa qof ahaaneed ee dhisme iyo dhaliil la'aan.

Eng.Saylici waa nin u dhuun daloola baahida gobolka iyo dadkaba taasina waxay u keentay injineerka taageero aan loo kala hadhin oo uga timaada gobolka iyo dadkiisaba.

Isku soo wada geeyoo Arrimahaas aan korku soo xusnay waxay xisbigan kulmiye u keentay taageerayaal fara badan oo uga yimaada beel weynta Samaroon iyo guud ahaan ba Somaliland oo dhan .

Lughaya.com

Yassin M. Geelle
Meraneh13@Hotmail.Com

No comments: