13 June, 2010

CODKAAGA KU CIIL BAX QORMADII (33)

CODKAAGA KU CIIL BAX QORMADII (33)



Ahmed Arwo UDUB KU DIID GANACSI GARBO-DUUBAN 


Ahmed Arwo 

Aan eegno dhinaca ganacsiga iyo dhibta Maamulka Riyaale ku hayo horumarka dalka. Waxa adduunka ka baa'baay nidaamkii takoorka ganacsiga ee cid gooni ah amba hayad dawladeed u xidhnaan jirtay, iyadoo tijaab guuleed laga gaadhay furfurnaanta ganacsi amba waxa loo yaqaan ganacsiga xorta ah.

 Kaas oo lagu gaadho horumar ka dhasha tartanka xorta ah, oo meesha ka saara sicir aan caadi ahayn iyo faa'iido aan macquul ahyn. Waxa kor u kaca wax-soo-saarka iyo tayada, iyadoo ay yaraato khrashyada ka dhasha tartan la,aanta. Haddaba iyadoo taas baal marsan ayey xukuumada Riyaale noqotay mid ku dhaqanta takoor ganacsi oon tartan lahayn, ku dhisan heshiisyo aan daah-furnayn, lahayn la-xisaabtan iyo dabogal, kana durugsan fahamka bulshada xilka u dhiibatay. Waxa xataa aan waxba kala socon Wakiilada ay dadku u soo igmadeen dabo-galka waaxda fulinta. Waxa soo oodmay horumarkii laga gaadhi lahaa ganacsi xor ah oo tartan iyo sharciyad ku dhisan.

Ganacsatada heshiiska sida sirta ah loola galaa waxay xumaysaa sumcaddooda, iyagoo laga yaabo inay wanaag badan dalkan tareen ayey haddana shaki iyo si xun oo xukuumaddu u murgiso sharciyeynta si aan loola xisaabtamin, ayey noqdaan qaar bulshada ku dhex ceebaysan.

Kulmiye waxuu rabaa in shirkadaha heshiisyada lala galay uu magacooda kor u qaado koluu heshiisyada soo daah furo oo uu turxaantii iyo xajiintii xukuumadda Riyaale u yeeshay ka maydho ummaddana u soo bandhigo si sharciga waafaqsan heshiisyo lala xisaabtamo, daahfuran oo golayaasha sharciga laga ansixiyo. Waxa dheeh cusub yeelan doonta shirkad kasta oo dalkan wax-tar u leh, ummadda dhexdeedana ku yeelan karta sharaf iyo maamuus. 

Arrintan waxaa inaga filan warsaxaafadeed ka hadlaaya shirkadda Tootal oo uu soo saaray Cismaan Hindi waagii uu ahaa Kulmiye. Waxaan ka helay galka aan ku kaydiyo wararka qiimaha leh. Waana mid si dhab ah wax uga sheegaysa dhibta Riyaale ku hayo ganacsiga xorta ah. 
Tan labaad iyana waa faalo la xidhiidha ganacsiga xoolaha nool oo uu weriye Kayse Digaale ka soo diyaariyey Burco. Waa daymo kale iyo galka kaydka. Iyadoon wax lagu darin, waxna laga reebin muwaadin ila dhuux oo wax ku qaado wax-qabadka xukuumadda Riyaale.

Si aynu u dhisno ganacsi xor ah oo hore-u-mariya dalka U CODEE KULMIYE oo qaado talada Cismaan Hindi uu ku caddeeyey qoraalkiisa. KU CIIL BAX CODKAAGA una hiili ubadkaaga iyo faca soo socda adigoo u dhaafa nidaam suuban iyo kayd dhaqaale.Ka roor in faca kacaaya iyo kan soo socdaa, noqdaan dar dhaxla nabaad-guur dhaqaale, dhaqan iyo bulsho sida ka muuqata nidaamka dalka maanta ka jira. 


1-Xukuumaddu Ma Waxay Garatay Inay Total U Garbo Duubto Kaalmaha Shiidaalka Ee Waddaniga Ah" Warsaxafadeed, Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa Ee
Xisbiga KULMIYE Eng. Cismaan Hindi


________________________________

Hargeysa (Somaliland.Org) Guddoomiyaha gobolka Hargeysa ee Xisbiga KULMIYE Md. Eng Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Hindi) ayaa warsaxafadeed uu caawa ka soo saaray xafiiskiisa magaalada Hargeysa wuxuu dhaleecayn ugu soo jeediyey xukuumadda Somaliland in ay shariikadda total u garbo duubayso kaalmahii shiidaalka ee dalka ka jiray, iyadoo ayuu yidhi guddoomiyaha gobolka Hargeysa Ee Xisbiga KULMIYE markii hore ay xukuumaddu uga xaq soortay muwaadiniin badan oo shidaalka soo dejin jiray shariikaddani total suuqana looga saaraya, iyadoo maantana ayuu yidhi ay total iyo xukuumaddu gaadheen heer kale oo ay total ku furanays kaalmo ay ku tafaariiqayso shiidaalka oo aan loo baahnayn, kuwaasi oo uu guddoomiyahu ku tilmaamay in loogu tallo gallay in suuqa lagaga saaray ganacsatada muwaadiniinta ah ee kaalmaha ku leh magaalooyinka, waxaa kale oo uu guddoomiyahu dhaliil dhabarka ugu saaray xukuumaddu uga dirsoocayso total ganacsatadani muwaadiniinta ah iyadoo ugu fududanaysa total inay kula soo degto qallabkii ay ku furan lahayd kaalmahaasi cashuur dhaaf isla markaana siisay ayuu yidhi dhul bilaash ah oo muran badani maanta ka taaganyahay.

Haddaba warsaxafadeedkaasi oo dhamaysitiran nuqul ka mid ahina soo gaadhay xafiiska wararka ee shabakadda Somaliland.org wuxuu u dhigna sidani:

Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa Ee
Xisbiga KULMIYE Eng. Cismaan Hindi

"Sharciga iyo dastuurka Somaliland wuxuu caado ku noqday in madaxweynaha iyo afar wasiir oo u daacad ahi ka sareeyaan" Eng. Cismaan Cabdilaahi guddoomiyaha gobolka Hargeysa Ee Xisbiga KULMIYE

"Maamul xumo, musuqmaasuq, iyo waxqabad la'aan baahsan oo xukuumadda dalka ka talisa ku caan baxday 3-dii sanno ee ay dalka maamulkeeda haysay ayaa maantana waxay ku dartay in ay muwaadiniinta reer Somaliland u garba duubto shariikad ajaanib ah inay la wareegto dhammaanba ganacsigii shiidaalka oo ay ka tafaariiqayso taasina waxay si cad u muujinaysa in xukuumaddu ku tuntuunsanayso kana saarayso meesha haykalkii dawladnimo ee ay shacabkeeda ku dhaqaysay iyadoo masuuliyiinta xukuumaddu ay cadaysteen inay jabiyaan shuruucdii iyo qawaaniintii dalka u yaallay kana doorbidaan danahooda shakhsiyadeed.

Sharciga iyo dastuurka Somaliland wuxuu caado ku noqday in Madaxweynaha iyo afar wasiir oo u daacad ahi ka sareeyaantaasina waxay maanta qarqarka u saarantahay in ummaddu gadoodo meeshana ay ka baxdo sharcigii iyo kala danbayntii, dibu dhiska iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee Somaliland ku hanaqaaday shan iyo tobankii sannadood ee ay jirtay waxaa milgaheeda hayey shacabka iyo muwaadiniinta reer Somaliland oo markasta  dulqaad iyo samir ku dhaafayey xumaan kasta oo ka imanaysay xukuumadda.

Shariikadda total oo ay xukuumaddu la saxeexatay heshiis daba furan isla markaana aan la garanaynin goorta iyo wakhtiga uu dhamaanayo, heshiiskani oo aan la marin golayaasha qarranka wakiiladda iyo guurtida, isla markaana shariikadani oo markii ay dalka timid suuqa looga saaray muwaadiniin reer Somaliland ah oo maalkooda iyo muruqooda u huray sidii ay shidaalka u soo dejin lahaayeen, iyadoo xukuumaddu u takoortay dhammaanba muwaadiniintaasi suuqana looga saaray ka dibna total ay soo dejinta shidaalka dalka oo dhan ku keli noqotay (monopoly) 

Maantana waxay total iyo xukuumaddu gaadheen heer kale oo ay total ku furanays kaalmo ay ku tafaariiqayso shiidaalka oo aan loo baahnayn  , iyadoo xukuumaddu u samaynaysa total cashuur dhaaf qallabka total ay la soo degayso oo dhan si ay ugu sameeyaan kaalmahaasi shidaal sida booyadaha shiidaalka uga soo qaadaya haamaha Berbera, bamamka, qallabyada kale ee ay u baahanyahiin iyo weliba dhul bilaash ah  oo ay total ku dhisato kaalmahaasi, iyadoo  taasina si fudud ay u burburinayso kaalmahii shiidaal ee muwaadiniinta reer Somaliland, lana rabo in laga saaro suuqa dadkii ka ganacsanaayey shiidaalka oo dhan iyadoo ku tumashada shuruucda iyo xeerarka u yaalla Somaliland uu u noqday xukuumadda wax iska caadi ah gaar ahaan xuquuqda aas aasiga ah ee muwaadinka Somaliland ayaa waxyaabaha ay xukuumaddu baal martay waxaa ka mid ah:

Xukuumaddu waxay bohol ku riday xilkii ka saarna shariikadaha waddaniga ah ee ay leeyahiin muwaadiniinta reer Somaliland, iyadoo u garba duubaysa shariikado ajaanib ah, lana rabo in ay total ku keliyaysato ka ganacsiga shiidaalka soo dejin ilaa tafaariiq
Iyadoo ay xukuumaddu ku tumanayso Sifaha sharciga ah ee ay u maarayso hantida ummadda haddii ay iibinayso, bedelayso, iyo haddii ay wareejinaysaba, taasi oo maanta dhulkii shacab area la odhan jiray ay u qorshanayso in ay total ka furato kaalmo shiidaal, oo aan wax baahi ah loo qabin,
Xukuumaddu waxay baal martay inay hor keento heshiis kasta oo ay la galayso shariikadaha ajaanibka ah golaha shacabka oo ay ka ansixiso, oo kan hadda aynu ka hadlayna ugu danbeeyey ee ah inay total ka tafaariiqayso shiidaalka oo ay kaalmo ka furato magaalooyinka dalka
Xukuumaddu waxay meel iska dhigtay masuuliyaddii ka saarnayd dalka iyo dadkaba ee ahayd inay tartan xor oo xallaal ah geliso shariikadaha ay qandaraaska siinayaan.

Xisbiga KULMIYE wuxuu soo dhawaynayaa oo uu dhiiri gelinaya ganacsiga xorta ee xalaasha ah iyo maalgelinta shariikadaha shisheeyaha waxaananu ka dhigayna in shariikadaha wadaniga ah ee leh mudnaanta koobad loo garba duubo shariikado shisheeye ah oo shakhsiyaad ka tirsan xukuumaddu ay ku qabaan danno gaar ah

Ugu danbayntii iyadoo ay xidhmayaan kaalmahii shiidaalka ee ay lahaayeen muwaadiniinta reer Somaliland isla markaana ay ku quutal daruuri waayayaan boqolaal qoys oo ku tiirsana iyadoo xukuumaddu uga dirsoocaysa shariikada Total  waxaanu ka codsanayna golaha sharci dejinta qarranka iyo haayadaha kale ee ay khusayso sidii arrintaasi loogu soo dabaali lahaa sharciga loona soo afjari lahaa ku tumashada qawaaniinta iyo xeerarka dastuuriga ah ee dalkani u yaalla"

Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa Ee
Xisbiga KULMIYE Eng. Cismaan Hindi

_______________________________

2 -Dawladu wax haka qabato kaantaroolka dhexe ee loo dhigtay ganacsiga xoolaha.



Kayse Digale" 
Burco/Somaliland.

 Ganacsade Ismaaciil Ibraahin Xuseen(Siikaawe),oo ka mid ah ganacsatada xoolaha ee G/togdheer ayaa maanta shir Jaraa,id oo uu ku qabtay Magaalda Burco si weyn ugu dhaliilay qorshe cusub oo uu sheegay in ay la soo baxeen Wakiilada ganacsadaha Aljaabari.
Ganacsade Ismaaciil Ibraahin Xuseen(Siikaawe),oo ka mid ah ganacsatada xoolaha ee
G/togdheer ayaa maanta shir Jaraa,id oo uu ku qabtay Magaalda Burco si weyn ugu
dhaliilay qorshe cusub oo uu sheegay in ay la soo baxeen Wakiilada ganacsadaha
Aljaabari,kaa soo uu ku tilamaamay inuu yahay mid abuuraya dhibaato weyn,hadaan
wax laga qaban.

 Ganacsade Ismaaciil Ibraahin waxa kale oo shirka kaga hadlay arimo badan oo la xidhiidhaa ganacsiga xoolaha iyo saameynta ay keeni karto qorshaha cusub ee ay la
soobaxeen  wakiilada Aljaabari oo ka baxsan heshiisyadii dawladu la gashay Ganacsadahaa,Hadaba waxa uu hadalkiisii ku Bilaabay Mr.Isamaaciil Ibraahin sidan
"Waxaan doonayaa inaan halkan ka iftiimiyo  qorshe cusub oo ay la soo baxeen labada nin ee wakiilka u ah Ganacsade Aljaabari,kaasoo ah  inay gabihaanba ku
diideen ganacsatadii xoolaha u diri jirtay Sucuudiga ee iminka u dirta Ganacsade Aljaabari oo ku jira halkii Sucuudiga,ka dib markay dawladu heshiis kula gashay
inuu xoolaha ka qaato Somaliland.
  Waxa uu intaa ku daray Ismaaciil inaan heshiiska dawladu tilmaamin in cidgooniya uu ka qaato xoolaha ,haseyeeshee uu dhigayo in cidkasta oo reer Somaliland uu ka qaato xoolaha,waxa kale oo heshiiskaa ka mida  in labadaa wakiil ay khidmad ku leeyihiin xoolaha ganacsatadu keento,Balse aanay xaq u lahayn inay kaligood xoolaha iibsadaan oo wakiil iyagu isku noqdaan,kana iibiyaan Aljaabiri.waxa kaloo
xusay Mr.Ismaaciil Siikaawe in arintani keeni karto N/gelyo xumo iyo kacdoon dadweyne haday noqoto .

"Anaga mooyee cid kale oo Aljaabiri xoolo ka iibinaysaa ma jirto"Ayuu yidhi.Isagoo tilmaamaya saameynta Qorshahani keenay waxa uu yidhi "Waxa
qorshani dhaliyay in boqolaal kun oo neef  ay hoganayaan duleedka Burco ,ka dib markii ay diideen in laga qaato xoolaha ganacsataa kale.
  .
  Waxa Mr Ismaaciil ka dalbaday Xukuumada inay arintan soo dhexgasho oo ay u qaybiso ganacsatada xoolaha uu soo dalbado Aljaabiri si loogu sinaado gobolkasta iyo
qofkasta,islamarkaana ay u fusho siyaasadii dawladu u soo furtay ganacsiga xoolaha oo ahayd in bulshadu ka faaiidaysato,oo aan cid gaar ahi ka faa,iidaysan,Islamarkaana loo helo tiradii xoolaha ee ay xukuumadu heshiiska ku
gashay,taasina ay fulayso marka cidkastaaba ka qaybqaadato.

  Waxa uu ku soo koobay hadalkiisii Ganacsade Ismaaciil Ibraahin(Siikaawe) inay xukuumada u sheegayaan inay xoolahooda keeni doonaan Berbera,Anigoo fulinayna heshiiskii sawladu iyo ganacsade Aljaabari ,xoolahana ka siindoono,qiimihii uu
kaga qaatay labadaa wakiil,waliba Xoolaha aanu u keeni doonaa waa kuwo ka wanaagsan oo ka fiican kuway keeni jiree.Ayuu ku soo xidhay hadalkiisii.


No comments: