02 May, 2010

Wasiir Weftigii Madaxweynaha lagaga reebay Madaarka Dubai & sababta lagu aanaynayo

Wasiir Weftigii Madaxweynaha lagaga reebay Madaarka Dubai & sababta lagu aanaynayo

Weftiga Madaxweyne Rayaale oo ay ka mid ahaayeen Wasiirada Khaarajiga, Boosaha, Maareeyaha dekedda Berbera iyo xoghayntiisa gaarka ahi, ayaa la sheegay in uu Madaarka Dubai kaga hadhay Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Cali Maxamuud Axmed (Sandule), ka dib markii sida la sheegay cilad aan ujeedadeeda la xaqiijin uu la kulmay. "Arrintaasi way jirtaa, waxayna ahayd dhacdo fool-xun. Weftigu waxay Madaarka tageen saacadu markay 6:00 subaxnimo ahayd, Baasabooradana waxa u siday nin Xasan Diini la yidhaahdo, dabadeedna markii ay xafiiska socdaalka ee Madaarka galeyeen xubnaha kale Boosabooradooda wuu siiyay, Wasiirka Boosahana wuxuu yidhi kaagii waan waayay." ," sidaa waxa yidhi mid ka mid ah jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan magaalada Dubai oo xalay khadka Telefoonka ugu waramay Wargeyska Ogaal oo ka cudur-daartay in magaciisa la xuso. "Markii hore wuxuu yidhi Baasaboorku wuu iga lumay, markii dambe ee weftigu ambabaxayna Baasaboorkii jeebkiisa ayuu ka soo saaray, inay la ogaayeen iyo inkalena Ilaahay baa og. Weftigu sidii ay hadalka u dhigayeen, ninkaas uun bay canaanteen, wayna dhoofeen. Laakiin, Wasiirku aad buu u cabanayaa, waanad garan kartaa xaalada uu ku sugan yahay Wasiir halkaa lagaga tegay." ayuu raaciyay.

Warku wuxuu intaa ku daray, in xubno Jaaliyadda ee magaalada Dubai ka tirsani Wasiir Cali-Sandule dib uga qaadeen Madaarka, kuna celiyeen hotel lagu magacaabo Shiraton oo uu degen yahay.

Ma jiro wax war ah oo rasmi ahaan weftiga Madaxweynaha iyo Madaxtooyadu ka soo saareen Wasiirkaa la sheegay inuu ku xanibmay magaalada Dubai. Hase ahaatee, mar aanu la xidhiidhnay Afhayeenka Madaxtooyada, si aanu arrintan wax uga waydiino, noomay suurtogelin in aanu helno.

Xigasho: Wargeyska Ogaal

No comments: