08 May, 2010

WALIGIIN MA ARAGATEEN DAWLAD MUCAARID KU MUDAHARAADA..W/Q:MOHAMED ABDI JAMA


WALIGIIN MA ARAGATEEN DAWLAD MUCAARID KU MUDAHARAADA..W/Q:MOHAMED ABDI JAMA


Weligiin ma aragteen Dawlad Mucaarid ku Mudaharaada

"Waaryaadhaheen, weligiin ma aragteen dawlad mucaarid ku mudaharaada, hadaba Hargeysa iyo Burco ayey ka dhacdayoo, xafladii hudheelka kaah dawladaa taayiro ku gubtay, soo dhaweyntii KULMIYE-na UDUB-baa rabshado kala hortagtay, bal eega siyaasadan maqluubka loo rogay, mise iyada oo aan doorashaba la isla gaadhin ayey UDUB hadhay oo mucaaridnimada ayey u sii alamiitaynaysaa" kelmedahan cajaa'ib-ka ah waxaa bogiisa murtida ku xardhay Sawir gacmeedka caanka ah ee Dhanxiir kuna soo baxa maalin-walba wargeyska madaxabanaan ee Jamhuuriya.

Runtii waa fariin iyo odhaah xambaarsan xaqiiqo waxaana layaableh in aynu arkayno maalin walba dawlad sheeganaysa in ay dal dhan oo muxaafid iyo mucaaridba leh hogaamiso oo hadana macaaridkeedii ku mudaharaadaysa, xisbiga Udub oo aynu odhan karno wuxuu ku jiraa dhamaadka wakhtigiisa ayaa wuxuu imika qaadayaa taloobooyin khatar ku ah amaanka guud ee dalka, runtiina hadaan shacabka Somaliland Isku duubnaan waxay fashilaadaa xisbiga UDUB iyo xaaladaha murugsan ee qaybyaaladeed ee uu bilaabay  halis ku yihiin xoojinta midnimada dadka reer Somaliland ,qabsoomida doorashada,horumarkasta oo Somaliland loo rajaynayay  iyo weliba gooni isu taagga Somaliland.

Xisbiga Udub oo uu hogaamiyo Dahir rayaale kaahin  oo isagu doorashadii madaxtooyada ee dalka laga qabtay bishii April 2003 la sheego in uu ku soo baxay in kasta oo sida uu ku soo baxay madaw badni ku jiray  hadana marnaba lama filayn in Daahir Riyaale Kaahin oo si weyn ula safnaa Taliskii Moxamed Siyaad Barre ilaa maalintii uu dhacay laguna eedaynayay dembiyo culus loo doorto madaxweynaha dalka dabadeedna laga sugo inuu dacaad ugu adeego dadka, dawladnimada, iyo qaranimada Somaliland.

Xisbiga Udub wuxuu sidaynu ognahay wakhtiyadan dambe bilaabay hujuum uu ku samaynayo nabad-gelyada iyo midnimada beelaha reer Somaliland ka dib markii uu dharaarihii aynu ka soo gudubnay kula kacay xisbiga kulmiye ee ay ku tar tamayaan hogaanka sare ee dalka hagardaamooyin isku jira cay iyo gacan ka hadal badheedh ah iyada oo xataa Radio hargeisa laga Kulmiye waa ARGAGIXISO,

Kulmiye oo isagu  si balaadhan iskugu diyaarinaya doorashada dhacaysa bisha June ee fooda inagu soo haysa  ayaa ku mashquulsan gudihiisa iyo sidii uu isku dhisi lahaa haday tahay heer gobol ilaa heer degmo, halka xisbiga Udub uu ku mashquulsan yahay  mudaaharaado uu ku kicinayo hogaamiye yaasha xisbiga kulmiye oo socdaal shaqo ku maraya magaalooyin ka tirsan bariga Somaliland,

Arrintan oo la odhan karno waa siyaasadii oo maqluubka loo rogay waayo waxay ahayd in xisbiga Kulmiye ahaado kan  dawlada iyo xisbigeeda ku mudaaharaadaya madama oo uu mucaarad yahay, lakiin may ahayn in dawlada iyo xisbigeedu mudaaharad la taagnaadaan dariiqyada magaalooyinka iyagoo dhagxaan tuuraya marna taayir gubaya !

Haddaba hogaamiyaha xisbiga Udub Daahir rayaale wuxuu Si loo wiiqo dawladnimada iyo aqoonsiga Somaliland ka buuxiyey xukuumaddiisa  iyo xisbigiisa Udub hadhaagii Taliskii Siyaad Barre iyo damiir-laawayaal laaluush ku nool ah oo dadka, dalka, iyo dawladnimada midna aan dan ka lahayn. Waxaa xaqiiqo ah in aan  ummadda Somaliland cidi ku habaarin dhibaatada uu ku hayo Maamulka Daahir Riyaale iyo xisbigiisa Udub lakiin iyada ayaa isku habaartay markii ay Daahir Riyaale u dooratay madaxweynaha dalka, dhabarkana u jeedisay geesiyadii ka badbaadshay khatartii jiritaankooda soo wajahday.

Haddaba si reer Somaliland u ilaashadaan danahooda iyo qaranimadooda waxaa la gudboon ay isku duubni muujiyaan, oo aan dheg jalaq loo siin durbaanka coladeed,qabyaaladeed ee ay garaacayaa kuwa badan oo bukaa,

Mohamed Abdi Jama

E-mail:mabdi1@live.nl

Hargeisa/Somaliland

No comments: