04 May, 2010

TAAGEERAYAASHA LABA XISBI SIYAASI OO SOMALILAND AH OO GACAN KA HADAL ISKU QAADAY SOO DHAWAYN MASUUL KA TIRSAN XISBI MAGALAADA BURCO

TAAGEERAYAASHA LABA XISBI SIYAASI OO SOMALILAND AH OO GACAN KA HADAL ISKU QAADAY SOO DHAWAYN MASUUL KA TIRSAN XISBI MAGALAADA BURCO

Taageerayaasha xisbiga Kulmiye iyo kuwa teegaara UDUB ee Somaliland ayaa maanta isaga horyimid rabshado keenay in dad badan ku dhaawacmaan isla markaana burbur soo gaadho qaar kamid ah gawaadhida.Rabshadaha ayaa yimid kadib Markii uu magaalada Burco ee gobolka Togdheer uu saaka soo gaadhey mid ka mid ah siyaasiyiinta Xisbiga Kulmiye kaas oo Dr.Maxamed Cabdi Gaboose oo ah Madaxa Ololaha Xisbiga Kulmiye ee Bariga Somaliland, taageerayaasha Kulmiye oo wata gawaadhi aad u faro badan ayaa kaga hortegey banaanka magaalada kadib waxaa isla goobtaas gaadhey dhalinyaro kale oo taagersan xisbiga Udub ee talada haya, waxaana dhexmaray in dhegax roobka la isaga dhigo, waxaan dadka qaarkiis ay itsicmaaleen in ay isla dhacaan budh iyo ullo caadi  ah.
Ciidamadada Booliska ayaa Taageerayaasha kala kaxayntooda u adeegsaday Xabado nool Nool oo ay kor u ridayeen waxayna ku guuleysteen in kala kaxeeyaan.
Waxaa muuqata in uu jiro biseyl la'aan haysata taageerayaasha xisbiyada kuwaas oo aan weli u muuqan kuwo afkaartooda ku soo bandhigi kara hab hadal iyo qoraal ah, halkii ay gacmaha ka hadli lahaayeen.

Afhayeen u hadlay xisbiga Kulmiye ayaa ku eedeeyey in xisbiga UDUB uu soo abaabulay rabshadan maanta, taasi oo uu sheegay in loogu talagalay in lagu carqaladeeyo ololaha doorashada ee xisbiga Kulmiye uu ka wado gobolada.

Hase yeeshee gudoomiyaha UDUB ee Burco ayaa beeniyey inay rabshadan bilaabeen, wuxuuna intaasi raaciyey in wixii maanta ka dhacay magaalada Burco ay ka masuul ka yihiin hogaanka Kulmiye oo uu ku eedeeyey inay bilaabeen ololaha doorashada ka hor.

Khasaaraha rasmiga ah ee rabshadahan ka dhashey ayaan weli la diiwaan gelin, waxaana lagu sheegay dhaawac keliya in uu jiro iyo bur bur soo gaadhey qaar kamid ah gawaadhida soo dhaweynta ka qaybgeleysey.

Ugu danbayntii rabashadahan ka dhacay Magaalada Burco ayaa ku soo beegamaya xilli ay ka hadhsanatay Doorashooyinka Madaxtooyada Somaliland muddo ka yar laba bilood sida ay ka dhawaajiyeen Gudida Komishanka Doorashooyinka Somaliland…

Warqabadka ToggaHerer

Hargeysa

No comments: