04 May, 2010

Riyalow geed aad qabsato ma hadhine hortaada waxa ah sanaaduuqdii doorasho. Burco waxay soo dhaweyneysaa Gudd.Ololaha Doorashooyinka ee 3da Gobol ee Bari, Dr.Mohamed A.Gabbose iyo Tiimkiisa.


Waxa maanta uu isu beddeley Gobolka togdheer, calan huruud iyo akhdar ah oo aad arkeyso, in xataa dadka lugta ahi ay sitaan. Wax igaga farxad weyn ma garanayo in ololihii doorashada ee saddexda gobol ee bariga laga ambaqadaayo 00 madaxii doorashooyinka ee saddexda Gobol ee Bariga saaka Dr. Maxamed Cabdi Gabbose lagu soo dhaweynayo iyo wafdiga baaxada leh ee la socda.
 
Hunuu-hunuu way hadhey, been dambe oo ay udub naga iibiso intaasi ha noogu ekaato. Macnuhu haddaba maaha, hebel hebel ku beddel ee Nin dagaal yahan ah, waayo aragnimo hoggaan ee Xaaladaha aan xasillooneyn leh, sumcad siyaasadeed oo heer Dawli ah leh, Lexejecleysanaya Dalkiisa, sidii uu ugala soo baxay aflibaax shaleytona maantana ugu diyaar ah in uu u hurdo iyo raaxaba beelo ilaa uu nolosha ka wada simo.
 
Madaxweynenimadu, sideedaba waa laba nooc. Mid waa hibo ilaah iyomuftaqax rabaani ah oo alle ugu deeqo addoonka xilkan qaadaya,wax kasta oo uu ku dhaqaaqona, rabbi u fududeeyo oo la qabto. Madaxweynahan, waa lagu nast laguna negaada, raxmaddu aanay kala joogsan ,dhulku barwaaqo noqdaa, Dawladnimaduna cirka isku sharertaa. Kan kale waa , waa mid lagu kerbaashayo oo suxulladu ku caddaadaan, waxana u daliil ah, fadeexado aan kala go' lahayn iyo dhibaato kama baxo maamulkiisu . Musuq iyo Maamul xumo ayaa muunad u ah, waxa rag ka xishoodeyna wuu u xarragoodaa!!
 
Madaxweynenimada oo leh wax yaabo ka reeban iyo dhawrsanaan aanay cidi la qabin, waxa nasiib wanaag ah in waqti kasta ha soo qaadto'eh, ay imika ku beegan tahay dadkii maali yaaqaneey, maxayse hirrigo iyo boholo soo jiidhey!! Haddaan iska warramo saaka, wax ila cadho ahiba dadka wuu yaryahay, waxa aan ka cadheysnahayna waxa weeye, Dadkeyga oo aan fahmeyn dawladda ay intaa dhex joogeen sida ay u  shaqeyso. Sidey awooddii qaranku isugu tagty gacan keliya? Barlamaankii ummadu dooratey siduu u noqdey ri aan geeso lahayn? Maxkamaddii Dastuuriga ahayd sidee loo hoos geeyey madaxtooyada? Dalkii aynu lahayn sidii buu muran u geli karaa?
 
Somaliya iyo innaga oo Somaliland ah ma dawlad saddexaad baa jirtey, bal eega waxa laydin marsiinayo, Jabhaddan yar ee majeerteen ee Budcad badeeda ku xoogsata haatana looga taagla'yahay  jamhuuriyadda somaliland ee isirnimo dal kaga dooneysa. Wax badso wax beel bay leedahay ayey reer xamarku yidhaahdaane, car yaanay inta yar ku waayin. Wax Buntlan la yidhaahdo ma oggolin, somalia iyo somaliland ayey ka koobneyd somalia. UN ka , AU da iyo IGAD ha ogaadaan inay dagaal ogeyaal noqonayaan haddi ay meeshaba soo dhigaan, wax buntlan la yidhaahdo, somaliana aanay la dooneyn in ay degto ama xasilloni hesho. Iyada oo aan hubo alle ayaa la hubaaye in kulmiye ku guuleysan doono madaxnimada dalka, ayaa waxaan ku baraarujinayaa, hal doorka xisbiga, inay muujiyaan in aanaan ahayn Dillaaliin, inaanu ka duwannahay oo aanaan isku dhaqan ahayn, inay naga xarriman tahay beentu iyo in uu hadafkayagu yahay dib u dhiska dalka oo waqti kooban iyo hawl gal adag oo aan laga hadhsan ah, DEalka oo aan la idiin sheegan ee aanu sugno xuduuddiisa, iyo Nolosha oo aan qof somalilanmder ahi ka werwerin. Wasaarad kooban oo tayuo iyo wax qabad leh,qorsheqarameed muddeysan oo la kobca hadba baahayiaheena iyo koboca dhaqaale.
 
 
Barbarkey ka baxdaa waa bakeyle qaleen.
 
Dr. Cali Cabdi Muxumed


No comments: